Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa shalay xaflad balaadhan oo loogu qabtay Masjidka Xaafada  Xawaadle lacago ku guudoonsiiyay arday Kaalmaha hore ka gashay imtixaan dhawaan lagaga qaaday casharo uu ka bixin jiray masaajidka Ardaydan oo ka koobnayd 20 arday ayaa waxa  uu guddoonsiiyay lacago,

 

wuxuuna sheegay inay if iyo aakhiroba ugu wanaagsan tahay in wax laga barto diinta islaamka. Sheekhu waxa uu ku booriyay dhamaanba ardayda iyo dadka kale ee muslimiinta ahba ay in ay dedaalkooda isugu geeyaan sidii ay wax uga baran lahaayeen diinta islaamka “Waxa aanu maanta ha.halkan hadiyad aan qiime sidaas u badnayn lahayn ku guddoonsiinaynaa arday muddo soo baranaysay taariikhda Islaamka, waxana ugu wanaagsan in halkii aad taariikho kale ka baran lahayd in aad horta ta islaamka wax uun ka barato.
Runtii ardaydani mudadii koobnayd ee aanu halkan wada joognay waxa ay muujiyeen dedaal iyo firfircoonaan dheeraad ah” ayuu yidhi sheekha Aadan Siiro. Intaas ka dib waxa halkaas lacago lagu guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha ugu horeeya ka gashay imtixaankii gabagabada oo ay tiradoodu dhamayd 20, waxaanay kala ahaaayeen sidan.
 
1-       Badri Maxamed Daahir 1 Milyan oo Somaliland Shiling ah
2-       Axmed Cabdi Camaje Xasan 700,000 sl.sh.
3-       C/laahi Axmed Sheekh Cismaan 600,000 sl. sh
4-       Mukhtaar C/laahi Xasan 500,0000 sl. Sh.
5-       Najiib Axmed Jaamac 450,000 sl. Sh.
6-       Farxaan Axmed Caynaanshe 400,000. Sl. Sh.
7-       Kamaal Cabdi Raxmaan maxamed 300,000.sl sh.
8-       c/naasir C/raxmaan Xaashi 250,000 sl. sh
9-       Jaamac Cabdi Cali 240,000
10-   Cabdi Waaxid Cumar Sh. Mubaarig 230,000 sl.sh
11-   C/raxmaan Aadan Maxamed 200,000 sl. Sh.
12-   Mukhtaar Maxamed C/laahi 19-0,000 sl. Sh.
13-   C/raxmaan Xasan Nuux 180,000 sl. Sh.
14-   Shaafici Qaasin Nuur 170,000.sl. sh.
15-   Maxamed Xuseen Maxamed 160,000 sl. Sh.
16-   C/Casiis Abdeeq Aadan 150,000 sl. sh
17-   C/casiis Muuse Aw Xasan 120,000.sl. sh.
18-   Maxamuud maxamed Yuusuf 110,000. sl. sh
19-   C/xakiin Daa’uud Ciise 100,000 sl. Sh.
20-   Cabdi Fataax Muuse Aadan 90,000 sl. sh

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *