Faallo By, Khaalid Xabsi
Golaha Guurtidu wuxuu ahaa gole manfac ahaan iyo magac ahaanba in badan loo hanweynaa oo mararka qaar ahaa, ama u muuqday xiliyo hore xabagta isku haysa dalka oo dhan , lakiin maanta waxay meel mariyeen go’aan canbaar ku noqn kara,
ama ku keeni kara geedi socodka dimuquradiyadeed ee ay Somaliland muddo badan ku soo caano maashay . saxiibo badan oo ay somaliand ku leedahay dunida ayaa suurt gal ah inay halkaas ka kulanto caqabado badan oo xagga diblamaasiyada ah .
Golaha Guurtida ayaa muddo badan ka soo shaqaynayey nabada dalka, balse sanadii u danbeeyay goluhu wuxuu ahaa magac u yaal, iyadoo ay isugu hadheen kooxo cusub oo dhaxlay kuraasta iyo tiro yar oo fara ku tiris ah oo ka hadhay xiliyadii golaha guurtidu uu ahaa gole guurti. sidaa awgeed maanta waxa loo arkay kuwo aan mar naba ka talin karin nasteexada ummda iyo dalkaba, waxayan markii la maqlay in ay muddad u kordhiyeen Golyaasha Deeganka , Wakiilada iyo mudadad ay iskugu kordhiyeen iyagu, taas oo shacabka inooda badani ay ka biyo dideen mudda kordhinahaa.
Golayaasha Deegaanka oo iyagu muddo dhaafay in ay tahay sharci daro , balse ta Golaha Wakiilda ayaa loo cabiri karaa inay ku haboon tahay muddo kordhin loo sameeya duruufo jira awgeed . mudo kordhintan ay Guurtidu isku kordhisay ayaa ah mid sharci daro ah, iyagoo marar badan oo hore isu kordhiyay.
.Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo warqadii ay u soo qortay shirgidoonka Golaha Guurtida ee ahayd in ay ka soo talo bixiyaan mud kordhin loo sameeyo Golayaasha Deeganka ,
Wakiilada ayaa loo turjuman karaa inay tahay cimri dherer loo samaynayo Golayaasha aynu soo sheegnay ,waxana loo arki karaa xeelado cusub oo ay maagan tahay Dawladan Cusub ee aan wali si fiican cagaha isugu taagin . wakhtigii Xukuumadii dhacaday ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin xisbiga kulmiye markii u mucaaradka ahaa inta badan wuxuu ku doodi jiray in mudo kordhintu ay tahay xaaran oo aan wafaqsanay Dastuurka iyo Qawaniinta u degsan Dalka , imika oo ay xukuumada Siilanyo dalabatay in mudo kordhin la sameeyo ayaa waxay shacabku iswedinkaraan maxaa xisbigii wakhtiga badan ka biyo diidi jiray mudo kordhinta uu maanta u ogolaady .
By Khalid Xabsi
khalidxaabsi6@gmail.com