Asal ahaan cayaaruhu wexey leeyihiin milgo, sharaf, qadarin, kala dambeyn iyo shuruuc u gaar ah oo jiil ba jiil kii ka horeeyey uku deydo jid kii ay mareen, soomaaliduna wexey ku maahmaahdaa awrba awrka hore ayuu

socodkii sa leeyahay, markaas cayaartoyda maanta iyo kooxaha jira may raacin dawgii iyo hanaankii cayaaruhu ku tusmeysnaayeen ciddii tusi lahaydna looma igman, waxaana lagu dul maamuley oo laga leexiyey awoodohoodii ay xaqqa u lahaayeen oo ay ka mid yihiin iney iyegu dooran karaan xidhiidhada kala duwan, xidhiidhanuna ay doortaan guddida Olombigada qaranka, wasaaraduna aaney sinaba xaq ugu lahayn fara gelin iyo udoor door cidda ay iyegu rabaan sida in badan ay ku talaabsadeen oo wasaaradu isu qaadatey iney awoodaha oo dhan ay iyedu leedahay, taasoo ay wasaaradu ka jaahil tahay dawga ay leedahay, waxaaney wasaaradu ku egtahay ujeexidda arrimaha siyaasada iyo hirgelinta awoodaha ay ku shaqeeyaan xidhiidhada iyo olombigada wada shaqeyn guudna ay wada yeeshaan hadba meesha ay wax marayaan.

 

Hadaba waxyaabaha la laasimey oo ay wasaarada cayaaruhu weligeedba qarda jeex ku wadey iney iyedu xidhiidhada iyo olombigadaba marna ay dhisto marka ay danteeda ka weydona ay erido, kooxuhuna wexey garan waayeen iney intey isku yimaadan dantooda iyo sida dawgu u yahay ee xaqqa u leeyihiin kula garamaan intey horfadhiistaan wasaarada runtana farta u saaraan, Taasna sababta ugu weyni wexey tahay isku imaatinkooda oo lakala ilaaliye lana kala xado kooxba si gaar ah wax loogu sheego iyedoo danta guud laga leexinaayo lagana indha tiraayo wexey xaq u leeyihiin,  waxaaney lamid noqdeen ninkii dumarka badan qabey ee yidhi siijeesta taan jecelahay anaa taabane, markaasuu mid walba taabtey, waxaaney ku qanceen inuu midba midda kale u ka jecelyahay, waaney kooxuhu la mid yihiin ninkii doqonka ahaa ee dhagaxa lagu dhuftey ee car igu celi yidhi lagana joojin waayey ee isna car igu celi uun gurey, waxaan sidaa u leeyahay intii ay wasaarada cayaaruhu dhisneyd khalad uun baa khalad lagu saxaayey oo aaney kooxuhu marnaba aaney ka dhiidhiyin hadalna marnaba aaney ka keenin inleyn may tidhi baa taale, waxaanan leeyahay ninkii jirey wuxuu yidhi dhashaadey sugtaa xaajadaad dhawrata abide nin dhurbaaxo quudheed

dugsadey dhaqayadeed maalye, guubaabadaasi wexey iga tahay haddii aydaan bedelin sida aad maanta ku jirtaan iney kooxihiinu la kulmi doonaan mustaqbal xun oo kooxihiinu baaba” ku dambeyn doontaan, sida imikaba sida silsilad furanten ugasii siibaneysaan xeyndaabka cayaaraha oo markhaati marag madoontana ay tahay inta maanta cayaartoy dhallinyero ah oo cayaarihii iska nacey una kala baxeen qaar iska dhoofey, qaar u wakhtigu hayo oo labad dhaban haysta oo garan waayey wexey qabtaan, iyo qaar tahriibta isku biimeeya oo naftoodii halaagey, iyo qaar iska xaadiriyey majaaliista qaadka lagu cuno.

Ninkii hadleyna wuxuu yidhi alleylehe inteedan ku sugey, taasoo la micna ah markii kooxaha si walba laidiin galey iney wasaaraddu wax iskaga kiin tirin weydo ayey ku dhaqaaqdey la jiifiyana banaan la joojiyaan banaan oo maanta ay gaadheen heer ay tirtirto xidhiidhadii iyo olombigii,  oo ay maanta magacaabeen qaar ay dan wadaag yihiin oo qurbaha ay qaar joogaan qaarna gudaha, waxaana la yidhi ood kaa dheeri dhaxan kaama celisee  markaas an idinkaba idiin dhiibee ma wax la aqbalid kara sidaas, iney dhallinyeradii wadanka joogtey oo shaqa la’ in kuwo hore loogu xaman jirey iney magaca dhallinyeradan dibedaha kaga baryootamaan intey wax kusoo qaataan dantoodana ku fushada, ma dow baa weliba in loo magacaabo xilka olombiga oo imikana loo sharciyeeyey metelaadii ay qurbaha wax kaga soo urursanaayeen iyegoo magacii sitta aynu lahayn.

Waxa iga talo ah oo aan leeyahay anigoo ka damqadey sida guracan ee loo maamulaayo cayaaraha waxaa la yidhi geel jire geela uu wada jirtaa, nin walbase hashiisuu jirtaaye, hadaba idinkoo dantiinu kala gaar tahay oo koox waliba kooxdeeda dhisaneyso ayaa hadana danta guud ay isku kiin xidhantahay, waayo waxaa la yidhi waxaa umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah, markaas wixii guud ahaan ayaa gebigiina idiin dan ah.

Ugu dambeyn waxaa iga gabagabo iyo gunaanad ah nin baa yidh tukena la taliyo wax taladeyda qaataa maan arag, si hadaba aad u gaadhaan horumar iyo hiigsad waxaad isku unugtaan ciyaartoygii hore ee waaya aragga ahaa ee idiin heelan jecelna horu markiina, waxaana jirta maahmaah tidhaahda inleyn adhi shugux shuguxda kama il baxo, waxaan sidaa u leeyahay waar ka kora hanjabaada baalaxooftada ahee had iyo jeerba wasaaradda cayaaraha idiin ku hayso sida cayaaraha ayaanu idiinka joojin, wereeg ayaanu idin ka saari doonna haddeydan aqbalin indha la’aantayeda iyo wixii la mid ah, waxaana jirta inuu geelu aakhiro yidhaahdo ilaahayoow hadaan xoogan adduunyada aan ku lahaa maxaad ii tusi weydey, hadaba idinkoon cidnaba duudsiyeynin xaqiina garta, oo maanta ka dib hayeelina xaq darada wasaarada cayaaruhu ku mameen.  Waxaana kaga baxaaya alla haidiin garansiiyo tala fiican.
Waxaa diyaariyey: Axmed Ismaciil Xusein.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *