Cabdilaahi JohnWaxaa jirey maqaalo afka qalaad ee Igiriisigga ku qoran oo aan ka diyaariyey socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, markii uu ku sugnaa dalka Faransiiska, halkaasi oo madaxweynahu

Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud uu hawlo shaqo oo mahiima ku joogey, markii uu booqashadaasi soo dhamaystaynna uu u soo gudbey Wadankan Boqortooyadda Ingiriiska oo qayb hawleedkiisa ka mid ahaa.

Hadaba sidda warkaasi hore sheegaayey waxaa madaxweynahu booqasho dhinaca qoyskiisaa uu ku booqanaayey Walaalkiis Jama Maxamed Maxamuud oo ku xanuunsanaaya Magaaladda Liverpool oo ku taalla Waqooyi galbeedka dalkan UK magaaladda Liverpool. Hadaba, madaxweynahu xaq ayuu u leeyahay inuu booqdo qaybaha Ehelkiisa iyo weliba haldoorka ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxweynahu had iyo jeer si karaamo iyo sharaf ku dhisan uu u ciseeyo, markuu xanuun haleelo iyo weliba marka geeriyi ku timaaddo oo aaskoodda uu si toosa oo wadaniyadi ku dheehantahay uu u taggo had iyo jeer, isla markaasina dhulka dhiggo dhamaan hawlaha Qaranka.

Hadaba, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Qaranku sharaf iyo cisi ayey mudanyahiin, manna aha in war aan sal iyo raad midna lahayn in lagga faafiyo oo cadaawad iyo dagaal intaasi leeg loola badheedho hogaamiyaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo war aan jirin oo beenna lagu faafinaayo mareegaha qaarkood, oo aan u meel deyin waxay qorayaan iyo wararka beentaa, taasi oo xataa ay ku jirto shaqsi weerar iyo been aan cadayn iyo markhaati midna lahayn oo layskagga daba imanaayo goorteedda iyo goobteedda, waayo Mudaharaad London ka dhacaya iyo dhibaato ka jirtaa midna ma jiro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxuu sabtidda soo socoto walaalkii oo xanuunsanaaya ku booqan doonnaa magaaladda Liverpool ee UK, ilahay caafimaad ha siiyee mr Jama. Hadaba, Liverpool oo ah Deked ay ku suganyahiin Bad mareenkii reer Somaliland oo dalka iyo dadka reer Somaliland dib u dhis iyo taageero weyn u huri jirey had iyo jeer, ayuu madaxweynahu isku qanciyey in wakhti yar oo kooban siiyo haldoorkaasi reer Bad maax iyo weliba Jaaliyadda reer Liverpool oo aan Madaxweynaha firsad u helin ay ku arkaan ama kula kulmaan tan iyo wakhtiggii ka danbeeyey intii uu ardayga ka ahaa magaaladda Manchester ee ku taalla Waqooyi galbeedka dalkan oo ay jaar yahiin Liverpool.

Madaxweynahu halkan waxuu ku soo booqanayaa walaalkiis oo xanuunsanaya, isla markaasina waxuu madaxweynahu si sharaf iyo karaamo ku dheehantahay uu uga faa,iideysanayaa inuu arka Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladaasi Liverpool iyo weliba nawaaxigeedda.

Waxaa mahiima oo tarbiyadda iyo edaabta hufani ku dheehantahay in la ilaaliyo nolosha khaaskaa ee Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta Qaranka Jamhuuriyadda oo dhan, waayo xishoodka iyo asluubta dadnimo in lagga xawaareeyaa ma qumana, waanna in lagu ixtiraamaa madaxweynaha hawlahiisa khaaska u ah ee isagga iyo qoyskiisa khuseeya had iyo jeer. Waayo waxii ka baxsan hawlaha Qaranka in laysku maaggaa waa gardaro iyo in si toosa loogga wadda macaamili doonno oo keeni kara cawaaqib xumo iyo wax aan haboonayn.

Madaxweynaha waa la dhaliili karaa, haddii ay dhaliili ka muuqato hawlaha Qaranka iyo fulintoodda, laakiin waxii anshaxa iyo gobanimadda dadnimo ka baxsan looma baahna in indho iyo dhego la,aana loogu socdo, waxayna taasi keenaysaa in jawaabteedda lagga bixiyo si qaab aan haboonayn ama aan raaligelin dadka caadeystey in sharafta iyo karaamadda Madaxweynaha iyo haldoorka Qaranka maalin kasta qaab aan qumanayn oo beenna loogu ceebeeyo si xilkasnimo iyo bini-aadminimo darro ka muuqato.

Dhinaca kala wax khilaafa oo Xisbigga Kulmiye dhexdiisa ka jiraa ma jiro sidda ay sheegeen qolyaha waxan caadeystay ee habeen iyo maalin u farda fuushan beenta iyo borobagaandadda ee ku baahiyaha Mareegahoodda wararka aan salka iyo raadka lahayn, ee kaalay aan is dillo ku dhisan, oo u baahan in lagga waantoobo, isla markaasina la ixtiraamo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo maalinba nin muraayadda ka soo muuqan doonno.

Madaxweynahu wuu imanayaa liverpool, laakiin wararka lagu baahiyey mareegaha qaarkood waa been iyo belo doon loogu gacan haadinaayo xasarad iyo xin keeni kara xumaan weyn. Waayo, waxii khaasa ee ku salaysan nolosha khaaskaa ee qof kasta uu xaq u leeyahay in la ixtiraamo had iyo jeer.

Guntii iyo gabagabaddii ma jiro haba yaraadee shir London ka dhici lahaa oo loo wareejiyey Liverpool, laakiin waa booqasho arimaha khaaskaa ee madaxweynaha Qaranka la xidhiidha, haddii dadkiisa uu wakhti u heli karanna wuu la hadli, haddii kalena dib ayuu u noqon doonnaa, ee waa in la ixtiraamaa Madaxweynaha iyo qoyskiisa noloshoodda khaaskaa iyo arimahoodda.

Cabdilahi John
Liverpool
UK

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *