Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa caddeeyey in hay’adsaha caalamiga ah ku gacan saydheen in ay  Somaliland ka caawiyaan kharashka ku baxaya diiwangelinta maddaniga ah, taas oo

 

ay sabab uga dhigeen in haddii ay ka qaybqaataan lacagta ku baxaysa kaadhka muwaaddiintu ay taasi noqoy aqoonsi buuxa oo ay siiyeen Somaliland.

Wasiir Warancadde oo ka hadlay kulan lagu soo bandhigay sharci cusub oo loo samaynayo xawaaladdaha lacagta ee dalka, waxa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta maddaniga oo dhan 5 milyan oo doollar ay bixinteeda dhabarka u ridatay dawladda Somaliland, lacagtaas badankeediina haatan gacanta lagu hayo, sida ugu dhaqsaha badanna loo fulin doono diiwangelinta muwaaddiniinta, kadib markii siduu xusay hay’adaha caalamiga ah diideen inay gacan ka geystaan dhaqaalaha ku baxaya hawshaas.
“Waxaan aad uga xumahay, markii aannu hay’adaha caalamiga ah waydiinnay inay naga caawiyaan kaadhka aqoonsiga muwaaddinka, waxay yidhaahdeen arrintani waa arrin wanaagsan, laakiin waxay salka ku haysaa aqoonsiga Somaliland, markaa diyaar uma nihin inaannu caawinno aqoonsiga Somaliland. Haseyeeshee, taas isku maanaan dhigan, kumanaannu niyad jabin, maadaama ay nabadgelyadayada iyo xasilloonida dalkayaga ka qayb tahay. Waannu qiimaynnay, waxaanay ku kacaysaa lacagta kaadhka aqoonsigu 5 milyan oo dollar. Waannu habaynnay 5 milyan ee doollar, jeebabkayagaanuna ku soo gurney. Imminka waxaannu bixinnay 2.5 milyan dollar, horena waxaannu u haynnay 1.5 milyan dollar, dhawaanna lacag milyan dhow baannu bixinaynnaa,” ayuu yidhi. Cali Maxamed Warancadde.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *