https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/769/2?uidval=1268568853Soomaalida dhan u fayow ma laha culumo iyo caamaba, hase yeeshee mas’uuliyadda waxaan tuurta u saarayaa culumada. Culumada diintu xil Alle saaray ayaa jira oo laga doonayo inay gutaan. Xilkaas gudasha la’aantooda ayaa ku eedaynayaa. Sida la wada ogsoon yahay wuxuu Alle kitaabkiis sharafka

 

badan noogu soo tebiyey in markii rasuul dhinto waxaa ambiayda laga doonayaa in ay dadka kitaabkii ku dhaqaan, haddii rasuul kale yimaaddana ay gacan siiyaan oo rumeeyaan. Xilkaas ambiyada Alle saaray ayaa culumada nebi Muxammad ka damabysayna saaran, sidaas ayuu rasuulku xadiiskiisii ugu sheegay in culumadiisu u dhigto ambiyadii reer Israa’iil.

 

Culumadii Soomaaliyeed xilkaas waa ay la kuftay waxaana ka tan badiyey gaaladii oo ay isu wada dhiibeen. Gumaysi gaalo ah ayay ogolaadeen in uu xukumo iyada oo Alle noo sheegay in aynaan madax iyo sokeeye ka dhigan gaalo. Diin ayay noo sameeyeen aan tii Alle ahayn markaas ayaynu ka yeelnay, waxaana arrinkaas mas’uuliyadeed dusha u ridan doonta culumada. Waxaan diinta uga jeedaa waa sharci ay gaaladu noo samaysay in aynu ku dhaqanno kitaabka Alle ka sokow, waayo sharciga aad ku dhaqanto ayaa ah diitaada. Xornimo ku sheegtii la qaatay 60kii diintii gumaysiga ayaa dadka lagu sii xukumay culumaduna ma aanay diidin kamana hadlin.
Maantana waxaa loollan dagaal ka dhexeeyaa gaalo doonaysa in ay diin noo sameeyaan iyo muslimiin doonaya in ay kitaabka ku dhaqmaan waxayna culumadu u eg yihiin in aanay miday noqotaba dan ka lahayn. Shabaabtu kama mid aha muslimiinta doonaysa in kitaabka la isku xukumo waayo falkoodu ma waafaqsana kitaabka dembiyada diinta sida adag uga reebban ayayna u galaan si degdeg ah oo aan cabsasho Alle ka muuqan. Kooxd TFG iyo maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya ee ay gaaladu u dhisteen in ay kaga hor tagaan dastuurka Alle sheegtana dimoqaraadiyada culumada ka tirsani kama hadlaan kamana joojiyaan ugamana digaan haba yaraatee.
Telfishanadana way tuban yihiin oo intaas muxaadarooyin ayay waddanka galaa bixinayaan. Laakiin kama hadlaan waxyaabaha fitanka ah ee ka socda Soomaaliya si ay caamadu u gartaan waxa waajibka Alle ah ee ku aaddan fitanka. Maxaadarooyinku waxay ku saabsan yihiin guurka, sida haweenka loo furo, sida loo guursado, sida ay xaylka isaga hagaajiyaan, salaadda, waxa buriya, soonta sidoo kale iwm oo wax dhibaato iyo fitan ah oo ka jiraa jirin. Kama hadlaan diinta cusub ee umamdda loo samaynayo si looga hor tago in lagu dhaqmo kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka.
Waxaan ka filayey in ay culumadu caamada wareersan ee kala garan la’ xaqii iyo baadilkii dawladda iyo muslimiinta (shabaabta kama hadlayo waayo waxaan u arka tagfiir) kee ayaa qumman. Ma la ogol yahay dawlad ku dhaqanta dastuur in la ayido mase waa lagu gaaloobayaa in lagu dhaqmo dastuur aan ahayn shareecad Islaamka.
Midda kale waxaan og nahay in dhibaatadii si wadar ah ama keli ah u dhacdaa ay tahay baraarujin nala baraarujinayo, sidaas darteedna loo baahan yahay in aynu isa saxno. Sidaas darteed abaaraha iyo dagaalada aan dhammaadka lahayn ee ummadda galay waa cadaab adduunyo loona baahan yahay in Alle loo laabto lana toobad keeno, waxaana la moodaa in aanay caamadu arrinkaas sidaas u garan culumaduna hoggaanka uma qaban oo dadka uma jahayn in cadaabka laga toobad keeno.
Waxaan la yaabaa culumadii oo dadkii ku boorinaysa in ay masaajid dhisaan iyo in ay dadka ku tabaaloobay abaaraha lacag loo ururiyo, dadkana arrinkaas aad ayay culumadu u geliyeen dadkiina maashaa Alla si wanaagsan ayay uga qayb qaataan. Laakiin culumadu ma garan miyaa in aanay lacag la ururiyey cadaabta naga saarayn ee loo baahan yahay in dadka loo jaheeyo in ay toobad keenaan. Waxaan hubaa intii ay juhdi geliyeen lacag ka ururin dadka haddii ay gelin lahaayeen in ay dadku u dareeraan toobad keenis ay mar hore ummadda oo dhammi wada toobad keeni lahayd cadaabkana Alle naga faydi lahaa. Culumadu miyaanay garanayn in si lacagta Alle noogu barakeeyo ay habboon tahay in la raaciyo toobad keenis.
Waxaa ila qumman in culumadu ugu baaqdo tuulo iyo deegaan kasta oo ruux kasta oo Soomaali ahi in ay dibed bax ka sameeyaan deeganadooda Allena heshiis kula galaan in ay isaga mooyee cid kale caabudayn shareecadiisana toos u fulinayaan si uu Alle cadaabka uga qaado, waayo isaga mooyee cid kale iyo lacag loogama qaadi karo. Sida aan cadaabka aakhiro la isugu furan karin lacag iyo hanti ayaa midka adduunkana la isugu furan karin in Alle loola laabto mooyee.
Marka culumadii waxay ku mashquuleen lacag iyo dahab ururin waxayna ka sii jeesteen in ay dadka xaqa ku hoggaamiyaan, fidnada socotana dadka u qeexaan jidkii ay uga bixi lahaayeen iyaga oo ku salaynaya go’aankooda kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka.
GUNAANAD
Waxaan eedaynta aan u soo jeedinayo culumada iyo caamadaba aan ku soo gunaanadayaa saddexdan aayadood oo ka mid ah Al-Acraaf.
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِنْ نَبِيٍّ إِلَّا أَخَذْنَا أَهْلَهَا بِالْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ لَعَلَّهُمْ يَضَّرَّعُونَ(94)ثُمَّ بَدَّلْنَا مَكَانَ السَّيِّئَةِ الْحَسَنَةَ حَتَّى عَفَوْا وَقَالُوا قَدْ مَسَّ ءَابَاءَنَا الضَّرَّاءُ وَالسَّرَّاءُ فَأَخَذْنَاهُمْ بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ(95)وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ الْقُرَى ءَامَنُوا وَاتَّقَوْا لَفَتَحْنَا عَلَيْهِمْ بَرَكَاتٍ مِنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ وَلَكِنْ كَذَّبُوا فَأَخَذْنَاهُمْ بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ(96).
Wuxuu Alle dadka ku eegaa abaaro iyo cudurro si ay xumaanta u dhaafaan, markaas ayay is garan waayaan oo xumaantii sii wataan, markaas ayuu Alle xumaantii wanaag ugu beddelaa markaas ayay is dhigtaan oo dhahaan weligeed ayaa la arki jiray abuuro iyo cudurro wax gumaada markaas ayay is dhigtaan, annagu markaas ayaanu gacan ku dhignaa, hase yeeshee haddii ay is garan laayeen oo ay xumaaha dhaafi lahaayeen Allena u toobad keeni lahaayeen ka dibna qumi lahaayeen roob badanna waan u soo da’siin lahayn dhulkana baad iyo doog ayaa uga soo saari lahayn.
Marka si Alle noo siiyo roob aan lacag lagu keeni karin abaartana nooga saaro oo aan lacag looga bixi karin waa in si degdeg ah deegaan waliba toobad keenaan, bilaabaan in ay si buuxda u dhaqan geliyaan shareecada Alle, una dhistaan maamul Islaam ah.

G/le Sare Omer Suleiman Ali                24/08/11

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *