Sanca(ANN) Alla Hawnaxariistee waxa maanta dalka Yaman ku geeriyooday Marxuum Siciid C/llaahi Axmed ( Ina Naalatuur ) oo ahaa Ganacsade Wayn oo ka mid ahaa Ganacsatada Jamhuuriyada Jabuuti ee kasoo jeeda Somaliland. Waxaana Marxuumka maanta
lagu aasay dalka Yeman, halkaas oo loo geeyay xaalad caafimaad. Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u Dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Shacbiga Reer Jabuuti isaga oo ka Tacsiyadaynaya GeerIida ku timid MARXUUM SICIID CABDILAAHI AXMED ( NAALATUUR ) oo ahaa Ganacsade Wayn oo ka mid ahaa Ganacsatada Jamhuuriyada Jabuuti.MARXUUMKA oo Qayb Weyn ka soo Qaatay madaxbanaanidii iyo Xornimadii Jabuuti waxa kale oo uu qayb weyn ka soo qaatay MARXUUMKU Hal-gankii SNM ee lagu Baadi Goobayey dib u soo noolaynta Madaxbanaanidii, iyo Qaranimada Somaliland.
MARXUUMKA oo ku geeriyooday Wadanka Yaman laguna Aasay maanta oo Axad ah (24/04/2011), Dalka Jabuuti, Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, waxa uu MARXUUMKA ALLE uga baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Qoyskii, Ehelkii, iyo Dhamaan Shacbigii uu ka baxayna uu samar iyo Iimaanka siiyo.
INAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN
Dhinaca kale shebekada Araweelonews waxay tacsi taa la mid ah u diraysaa qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.