Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),ka dib markay buuxisay dhammaan
sharciyadii & shuruudihii looga baahnaa,waxay Dawlada Somaliland siisay ruqsad inay
tahay Hay’ad ka Diiwaan gashan Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa Hay’adda hore looga Diiwaan geliyey Dalka Ingiriiska,Sanduuq xisaabeednna uga furan
yahay Bangiga weyn ee  Lloyds TSB,London,UK.

Magaalada Tog-wajaale,oo ku taalla degaan istraatijiya,dhacdana xuduuda u dhexeysa
Somaliland  & Itoobiya , ayaa noqotay  xarunta  ugu weyn ee Baayac Mushtarka
Somaliland.Fursadaa qaaligaa darteed,Tog-wajaale waxay noqotay magaalo ballaadhan,oo
shacab tiro badani u soo guuraan, nolol maal meedkoodana ka helaan.Balse.waxaa
aad u kordhay baahida loo qabo adeeg caafimaad , oo dabooli kara umadda intaa tiro leeg,

Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),iyadoo ka shaqaynaysa danta guud ee
la wada leeyahay,waxay dhawaan bilaabaysaa dhismaha Cusbitaal weyn ,oo ay yeelato
Magaalada Tog-wajaale, wada munaafacaadsadaanna dhammaan shacabka Somaliland.

Hay’adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),waxay ugu baaqaysaa,kana codsanaysaa,
Xukuumadda,Baayac Mushtarka,dhammaan shacabka Somaliland & cid kasta oo wax ku dar
sanaysa dacwadan khayrigaa , inay wixii ay awoodi karaan ,ay ugu soo hagaajiyaan:

Xawaaladda Dahabshiil
Tog-Wajaale Foundation (TWF)
Account No: HRGD34568
Tog-wajaale, Somaliland

Togwajale Foundation (TWF)
Bank name: Lloyds TSB
Account No. 24299468
Sort Code: 30 – 98 – 70
London , UK

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *