Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in hordhac ah oo  degdeg ah oo gaadhaysa  boqol kun oo Dollarka Maraykanka ah ay Shirkaduhu gaadhsiinayaan dadka abaaraha daran iyo macaluushu  ku habsadeen eek u tabaalaysan

gobollada koonfureed ee Somalia, taas oo hordhac u ah  deeq ay u qoondeeyeen inay kaga qaybqaataan gurmadka, balse ay  ku xigi doonto deeqdaa mid shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu weli aanay soo dhamayn oo ku xigi doonta.

Guddoomiyahu wuxuu sidaa ka sheegay maanta mar  uu xafiiskiisa kulan saxaafadeed kooban ku qabtay, isagoo  mar kale ku celiyey sida uu uga jidhiidhicooday heerka ba’an ee abaaraha daba dheeraaday u ragaadiyeen dadkii xoolaleyda ama beeraleyda ahaa ee gobollo badan oo koonfurta Somalia ah, iyada oo maanta boqollaal kun qarka u saaran yihiin macaluul baahsan oo gaag-ma-reeba ah.
“Waxa yaboohdani daba joogtaa, “ ayuu yidhi Guddoomiyuhu “baaqii guud iyo bayaankii aan kaga dhawaaqay xidhitaankii aqoon-isweydaarsigii Wakiillada laamaha Gudaha ee shirkadda ee 21 July ku qabsoomay Hotel Maansoor, Hargeysa. Ujeedaduna waxay tahay in dadkaa ay maanta tabaaleeyeen abaaruhu l ficil loogu gurmado oo wixii la tari karo lala gaadho, siiba xilligan oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan ku soo beegmay”.
Waxa Guddoomiyuhu baaq cod dheer ah u jeediyey cid kasta oo wax taaran kartaa dadkaasi, waxana uu yidhi: “hay’ado iyo dadyaw ka fogfog dadkan ayaa soo bilqaabay waxtar, waxa se intaba uga dhow oo la dhashay waa dadka magaca Soomaali ku abtirsada oo dhan oo ay isku diin iyo dhaqanba yihiin. Sidaa darteed, “ ayuu ku daray Guddomiyuhu “waxan ugu baaqayaa ganacsatada, culimada, dadweynaha iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo idil inay iyagu tallaabada hore qaadaan oo qof walbi wixii uu huri karo kaga qayb qaato gurmadkaa walaalaheen”.
Waxa kale oo Guddoomiyuhu hoosta ka xarriiqay in taakulo balladhan oo walaaltinimo ay gacanta ku hayaan shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu si ay gacan uga geystaan hawlaha samafalka ah ee lagu badbaadinayo dadkaa masiibada dabiiciga ahi ku habsatey.
Waxa uu Guddoomiyuhu mahadcelin iyo duco ballaadhan u diray shakhsiyaadka iyo hay’adaha isku hawlay samata-bixinta dadkan ku caydhoobay abaaraha, waxana uu iyaga iyo dadka tabaaloobeyba Ilaahay uga baryey inuu meel roon mariyo, inta culyaska iyo dhibtu haysana ka dul qaado oo Eebbe ugu beddelo raxmad iyo naxariis taam ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *