-
Published On: Sun, Jan 30th, 2011

Gabadha Caanka Ah Ee Saynab Baddawi Oo Warbixin Xiiso Badan BBC-da Kaga Diyaarisay Somaliland

Smiley face
Share This
Tags

Suxufiyadda caanka ah ee Saynab Badawi oo ka hawlgasha telefishanka BBC-da oo dhawaan booqasho ku timi Somaliland, ayaa diyaarisay warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo ay kaga hadashay xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, warbixitaas oo toddobaadkan lagu baahiyey telefishankaas iyo bogga interner-ka ee BBC-da.

Saynab oo ah suxuufiyad aad looga qadiriyo dalka Britain ayaa si qoto dheer oo xog-warrantay Somalilandta maanta iyo waliba taariikh kala duwan ee ay Somaliland soo martay kor intii ayaana ku dhawaaqin madaxbannaanideeda. Marwo Saynab Badawi oo haatan ka tirsan warbaahin calaamiga ee BBCda, horena oo shaqayn jirtay ITVnews, gaar ahaan Channel Four ayaa warbixinteedii waxay ku bilowday sidan:.

“Markaad ka soo dhaqaaqdo madaarka nadiifta ah ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaad dareemaysaa inaad soo gaadhay dal yar oo ka tirsan waddamada Afrika. Ciidammada Boolisku waa kuwo nidaamsan oo ku lebbisan direys hagaagsan. Sidoo kale, waxaad arkaysaa calanka Somaliland oo babbanaya, inta aad maraysid goobaha baadhitaannada ee madaarka. Tagsiga aad u soo raacdo magaalada waxaad siinaysaa lacagta Somaliland ee shillinka (Somaliland shillings).

Somaliland waxay xornimadeedii kala soo noqotay qeybaha kale ee Soomaaliya sannadkii 1991kii, kaddib markii ay dhacday xukuumaddii millateriga ahayd ee u hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Shalay oo kale, waqti laga joogo labaatan sannadood ayuu ka baxsaday dalka, kaddib labaatan sannadood oo uu talada hayay.

Waxaan soo gaadhay taalada xornimada oo ku taal badhtamaha Hargeysa, taas oo ku soo xusuusinaysa halgankii qadhaadhaa ee dadka halkan [Somaliland] joogaa u soo mareen ka-goosashada Soomaaliya inteeda kale. Ilaa 50,000 qof ayaa ku dhintay. Diyaaradihii dagaalka ee ciidammada Siyaad Barre u adeegsadeen inay ku duqeeyaan magaalada ayaa la saaray taaladaas oo ay hoosta kaga sawiran tahay gabadh sare u haysa calanka Somaliland ee isugu jira midabbada doogga, casaanka iyo caddaanka, cirkana u eegaysa si rajo leh.

Halkaas, waxaan kula hadlay suxufi maxalli ah oo ka tirsan wargeyska Jamhuuriya, Md. Cabdixakiim Maxamed. “Waxaannu doonaynaa in aannu aqoonsiga madax-bannaanidayada ka helno caalamka,” ayuu ii sheegay, “Waxaan haysannaa dal, waxaan leennahay baarlaman, saxaafad madaxbannaan iyo ganacsi, sida London iyo New York.”

Xagga hoose ee taaladaas waxaan ku arkay qof ku jiifa kabadh, kaasoo aan bilowgii u maleeyay inuu ka mid yahay bandhigga, balse waxaan dib ka ogaaday inuu ahaa nin aan guri lahayn oo habeenkii halkaas u hoyda.

Taaladaas agagaarkeeda, waxa ku yaal suuq aad ka heli karto dhammaan noocyada kala duwan ee ganacsiga. Xawaashyada dhaqanka, agabka caagga ka samaysan ee laga keeno Shiinaha, dacasyada midabbada kala duwan leh, baaldiyada iyo alaabaha loo adeegsado timo qurxinta ayaad ka helaysaa meel walba.
Waxaan suuqa isla soo eegnay Cabdirasiid Ducaale, maamulaha guud ee Dahabshiil, shirkadda xawilaadda lacagaha ee ugu weyn qaaradda Afrika.

Cabdirashiid oo ah nin dheer oo hub-qaad wacan, kuna lebbisnaa dhar qaali ah. Shirkaddiisu waxay ka samaysaa halkan dhaqaale badan. Waa nin af-tahannimo leh. Gebi ahaanna, ganacsigiisu waa mid ka shaqeeya deegaannada Soomaalida oo dhan. Mar aan weydiiyey in aqoonsi-la’aanta Somaliland saamayn ku yeelanayso ganacsigiisa, wuxuu qiray inay kolleyba tahay caqabad. Laakiin Dahabshiil sida shirkadaha kale ee qarniga 21aad, waxay xarunteeda ka dhigan kartaa meel kastoo adduunka ka mid ah. Mr. Ducaale ayaa ku qaata in badan oo waqtigiisa ka mid ah dalka ay jaarka yihiin ee Kenya.

Dhammaan dadkii aannu ku sheekaysannay Hargeysa waxaan ka dareemay fikir ay ka sinnaayeen oo ahaa siday ugu adag tahay inay dib ula midoobaan qaybaha kale ee Soomaaliya. Inkastoo xukuumadda Somaliland si weyn ugu hawlan tahay xornimada, way adag tahay in la ogaado in dadka qaarkood aanay aragtidooda cabbiri karin.

Sida laga soo xigtay Baanka Adduunka, Soomaalida qurbaha ku nool waxay guud ahaan u diraan eheladooda lacag gaadhaysa $1bn (£632m) sannad walba.

Halkan [Hargeysa] oo aan ka helin caawimo dibedeed adduunka, isla markaana aan weli loo aqoonsan qaran madax-bannaan, inta badan kaalmada rasmiga ah waa mid iyaga ku xidhan. Sidaas darteedna, xawaaladuhu waa il dakhli oo muhiim ah.

Dadku waxay lacagaha loo soo diro ka qaataan xafiisyada kala duwan ee Dahabshiil ku leeyahay meel kasta oo Hargeysa ah, iyadoo lagu soo diro hababka elektaroonigga ah.

Mr. Ducaale ayaan la galay xafiiskiisa. Dadka qaar ayaa u aqoonsaday inuu yahay Maamulihii Guud, wax mushkilad ahna igama qabsan inuu ii kaxeeyo xafiisyada dambe ee lacagaha lagu tirinayey.

Inkastoo aan arkay, haddana badiyaa lacagahaas si caadi ah gacmaha la isuguma dhaafsanayn. Inta badan xawilaadahaasi waxay ka dhacaan khadadka internet-ka.

Somaliland ayaa u muuqata mid ka fog mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka taagan qeybaha kale ee Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho. Laakiin Somaliland, maaha mid ka badbaadi karta malleeshiyaadka islaamiyiinta ee rabshadaha ka wada qeybaha kale ee Soomaaliya. Sannadkii 2008kii gawaadhi laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa ayaa lagu weeraray saddex goobood oo muhiim ah. Dad fara badan ayaa dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaadhay falkaas. Tan oo kale ayaa ka dhacday Puntland.
“Waxaannu ku jirnaa fejignaan,” ayuu ii shegay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo. “Waxaannu ku dedaalaynaa intii awooddayada ah inaan ku dhiirrinno da’ yarta waxbarashada iyo shaqada.”

Inkastoo Madaxweyne Siilaanyo si weyn loo soo dhoweeyey ilaa muddadii uu xafiiska la wareegay bishii June ee 2010, taasi weli uma sahlin aqoonsiga caalamiga ah ee uu raadinayo. Taariikhiyan wuxuu ahaa dal ka duwan Soomaaliya oo ay kala qeybiyeen Farasiiska, Talyaaniga iyo xoogaggii isticmaarka ee Ingiriiska, ayuu sheegay,” ayey weriyuhu ku soo xidhay warbixinteeda.

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>