Hargeysa(ANN)Ardayda Jaamacadda LUCY, gaar ahaan qaybta habeenimadda wax ka barata ee loo yaqaanno (Evennig Shift), qaynta Macluumaadka Tiknoolojiyadda (IT), ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay mid ka mid ah macaliimta ajaanibka ah ee wax ka dhiga jaamacadda, kaas

 

oo magaciisu yahay “Mebrahtom Tadesse”

Munaasibad ay soo abaabuleen ardaydani oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda LUCY ee Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen maamulka jaamacadda LUCY iyo macalimiinta wax ka dhigta, ayay ardaydu shahaado sharaf iyo hadyado kale ku guddoonsiiyeen macalinka Mebrahtom oo dhalashagiisu Itoobiyaan tahay, xisaabtana ka dhiga jaamacadda, sidoo kalena ah Madaxa Kulliyadda IT-ga oo ay sheegeen inuu ku mutaystay hannaanka gudbineed ee uu wax u baray mudadii uu wax u soo dhigayay.

 

Qaar ka mid ah Guddida hormoodka ardayda Jaamacadda ee soo qabanqaabisay munaasibada macalinka lagu maamuusay, ayaa halkaa mahadnaq ballaadhan uga soo jeediyay macalinka ay shahaadada ku maamuuseen oo ay ku sifeeyeen macalin ka dedaal iyo fahamsiin badan macalimiinta kale, islamarkaana ku mutaystay shahaadada inuu yahay macalinka ugu wanaagsan.
Cabdi Salaan Ibraahin oo ka mid ah ardayda dhigata jaamacadda LUYCY oo khudbad ad loo jeclaystay oo luuqada ingiriisiga ah ka jeediyay munaasibadaas, ayaa ka sheekeeyey sababaha uu macalinkani ku mutaystay shahaadada, isagoo sheegay inay sannadka cusub arday ahaan u sammayn doonaan munaasibad iyo qiimayn ka weyn tan ay u sammeeyeen.

 

Cabdisalaan waxa uu intaa raaciyay inay arday ahaan ku tallo jiraan sidii ay u sammaysan lahaayeen urur isku xidhan oo ay bulshada ugaga faa’iideeyn dooaan wixii aqoona ee ay barteen, isagoo maamulka jaamacadda LUCY ka codsaday inay ardayda IT-ga u keenaan agabka u fududayn kara inay aqoontooda sii kordhyaan sida buugaag iyo wixii la ,od ah.
Guddoomiaha ardayda soo qabanqaabisay munaasibadan Jamaal Aadan Diiriye, ayaa sheegay inaanay waxbarashaduna xuduudu lahayn, isagoo macalinka ku bogaadiyay sida wacan ee uu wax u baro, uguna baaqay inaanu marti iska dhigin, isagoo intaa raaciyay ujeedada shahaadadani tahay mid ay doonayaan inay xusuus uga dhigaan macalinka.

 

 

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda LUCY Maxamed Xuseen Cismaan (Mu-‘adinka) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa mahadnaq ballaadhan u soo jeediyay Guddida ardayda ee soo qabanqaabisay munaasibada ay shahaadada ku guddoosniiyeen macallinka, isagoo sheegay inay isaga farxad gaara u tahay, maadaama uu muddo kooban joogay jaamacadda oo dhawaan loo magacaabay inuu la kulmo tallaabo wacan oo lagu farxo.

Guddoomiye xigeenku waxa uu ardayda ku wargeliyay in fikirka ay macalinkooda ku maamuuseen noqon doono mid laga dhaxlo tartan oo fasalada kale ee jaamacadduna ku dayan doonaan.

Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda LUCY waxa uu ka sheekeeyay hormoodka jaamacaddaha adduunku inay ka soo baxaaan ardayda wax ka barataa, isagoo sheegay in ardayda jaamacadaha aduunku markay wax bartaa ay la yimaadaan hindisayaal cusub oo ay waxbarashadooda iyo maskaxda isla kaashadaan, isagoo intaa raaciyay haddii ay ardaydu isku xidhnaanto inay mustaqbalka wax badan iska caawin doonaan.

Guddoomiyaha Arrimaha Ardaya ee jaamacadda LUCY Cabdiqanni Cabdillaahi Maxamed oo isaguna gebogebaii munaasibaddaas hadal ka jeediyay, ayaa sheegay inay ardayda shahaadada u garatay macallinkoodu noqon doonaan qaar fursad u helaya inay noqdaan ardaydii ugu horraysay ee ka qallinjebiya jaamacadda.

Mr. Cabdiqanni waxa uu ardayda u soo jeediyay inay dhaxalgal uga tagaan jaamacadda oo noqdaan kuwo wax ikhtiraaca, isagoo tusaale u soo qaatay laba wiil oo dhallinyaro ah oo iska leh fikirka Face-book iyo Hotmail oo adduunka caan ka noqday.

Araweelonews Mobile Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *