Hargeysa(ANN)Ololaha nadaafadda ee qashin ururinta oo Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hore ugu dhawaaqay ayaa dib u dhac ku yimi doorkii Afraad oo ku beegnaa dabayaaqadii todobaadkii hore, balse badhsaabka Hargeysa Mr. Xamarji oo xalay ka

 

hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay inaan waxba laga bedelin ololaha mudadii loo qorsheeyay in shan iyo afartankii maalmoodba mar laga fuliyo dalka, balse ay Xukuumaddu kaga mashquushay Biyo dhaaminta abaaraha dalka.
Sidaa awgeed subaxnimada la bilaabayo hawshii Ololaha, kaas oo maanta doorkii afraad laga fuliyay inta baddan magaalooyinka Somaliland, iyadoo ay ka qayb galeen masuuliyiinta dawladda ee gobolada iyo degmooyinka dalka , ganacsatada iyo dadweyne kale.  
Magaaladda Berbera oo ka mid ah magaalooyinka Ololaha nadaafada sida balaadhan looga fuliyay, waxa warbixin ku saabsan arrintaa kasoo diray,  Maxamed C/llaahi, waxayna u qornayd sidan;-
“  Maamulada haayadaha dawlada ee kala duwan iyo shaqalaha dawlada ee Berbera iyo waliba bulshada ku dhaqan Gobolka saaxil ayaa saaka subanimadii hore udareeray ololaha nadaafadeed ee xashiishka layskaga ururinayo ololahan oo maraya kalkiisii afraad.
ololahan nadaafadeed ayaa hore uu ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada
Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)

 

Ololahan ayaa waxa saaka hogaaminayay Maamulada heer Gobol oo uu hormood ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) iyo Maamulka Degmada Berbera,  isla markaana ah Duqa Degmada Cabdalle Maxamed Carab oo isagu ah masuulka shaqadan ololaha nadaafada sida gaar ka ah ay u khuseeyo waxa aan iyaguna meesha ka maqneyn oo hawshan ololaha nadaafada ka qeyb qaadanayay maamulka wakaalada dekeda Berbera iyo shaqaalaheeda oo ay ku jiraan shaqaalaha muruqmaalka oo iyagu tiro badan waxaana hogaaminaayay maareeye xigeenka dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac waxa kale oo shaqadan iyaguna ka dhex muuqday shaqaalaha maaliyada ee Berbera gaar ahaan qeybta kastamka Berbera oo iyana uu hogaaminaayay Isuduha ahna maamulaha kastamka Berbera Cali Axmed Bulbul
Ololahan oo sidda muuqata dhaafay ayaamo yar wakhtigii la qaban lahaa ee shan iyo afartanka maalmood ahaa oo madaxweynuhu hore ugu dhawaaqay ayaa bulshada reer Berbera u arkayeen mid intaa ku eekaa oo layska dhaafay.

Laakiin  bulshada reer Berbera waxay saaka subaxnimadii hore ku waabariisteen baabuurta dawlada hoose iyo kuwa dekedda oo ay saaranyihiin mikirifoono aad udhawaaqaya oo lagu wacyigalinayo dadweynaha oo laleeyahay waa maalintii ololaha nadaafadee ha la soo baxo kadibna halkaas ayay saaka shaqadan ololuhu ka bilaabantay waxaana aad usoo baxay dadweynaha reer Berbera kadibna waxa bulshada reer berbera iyo shaqaalaha dawlada oo iskaashanayaa ay shaqo xoogan ka qabteen daafaha magaalada waxa iyaguna meelkasta oo shaqo ka socoto booqanaayay oo kormeerayay masuuliyiinta dawlada gaar ahaan maayarka degmada Berbera

Cabdale Maxamed Carab iyo xoghayaha dawlada hoose Cali Maxamed Cilmi gaadiidka shaqeynaayay ee khashinka guraayay ahaa gaadiidka dawlada hoose ee loogu tala galay iyaga oo ay khashinka saarayeen cagafyada isla dawlada hoose
Dhinaca dekeda iyo aageeda ayaa waxa sigaara uga hawgalaayay shaqaalaha dekedda oo uu hogaaminaayay maareeye xigeenka dekeda Cumar Abokor
Ololahan ayaa waxa maanta ay masuuliyiintani ka codsadeen bulshada reer Berbera in ay iska ilaaliyaan khashinka layskaga daadiyo meelaha aan munaasibka aheyn oo ay geeyaan meelaha loogu talo galay si ay ugu fududaato shaqaalaha dawlada hoose ee guraaya waxaana ugu horeyn dadweynaha ree Berbera fariin udiray gudoomiyaha Gobolka saaxil Ramaax waxaan hadaladiisii ka mida ahaa”Anigu waxan fariin udirayaa dadweynaha reer Berbera waxaanan leeyahay hadaynaan dawlada hoose la shaqeyn dawlada hoose waxba qaban karimayso markaa waa in aynu la shaqeyno shicib iyo maamul dawladeedba waxa kale oo aan dadweynaha gaar ahaan raga qaadka cuna ee bacaha marka ay qaadka ka dhameystaan iska tuura waxan leeyahay waar nimanyaw ha tuurinee meel baydhsan dhiga wad arkaysaan bacdii waxa ay inoo tahay faraawil oo dhirtii ayay ku sharaxantahay.waxa isna halkaa manta ka hadlay mayarka degmada Berbera Cabdale Maxamed Carab  waxaana hadaladisii kamid ahaa”maanta waa maalintii uu hore madaxweynuhu ugu dhawaaqay dawlad hoose ahaana waa shaqadayadii waanad arkaysaan sida ay shaqaalahaygii ushaqeynayaan waxa kale oo aanu dadweynahana ka codsaneynaa in ay xashiishka iska basriyaan oo aanay dugsan maalinta ololoahan ay usoo axaan oo ay nagala qeyb qaatan iyaga oo imikaba nagala qeyb qaadanaya
Xoghayaha dawlada hoose iyo mareeye xigeenka dekeda iyo waliba maamulka kastamka ayaa iyaguna maanta hadlo dhiirigalina dadweynha u jeediyay oo ku waajahan ka qey qaadashada ololaha nadaafaeed iyaga oo dadweynaha ree berbera uga digay khashinka iyo dhibaatooyinka uu keeni karo

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *