images/stories/muna faataxo.jpg  Waxan booqday taariikhdu markay ahayd 10/Augost/2010 goobta uu yaal Maydka Ninkii Ilaahnimada sheegtay ee Fircoon oo Quraanka Kariimka ah Ilaahay ugu sheegay Ummada islaamka qisooyinkiisa. meesha uu yaalo, waa  meel Gurigayga oo Qaahira ah looga socdo muddo labo saac ah.
Maydka Fircoon waxa uu yaalaa Guri wayn oo Qasri ah

 

oo aad loo qurxiyey, markii aan albaabka ka galay ee goostay tigidhka galitaankaa Madxafka gudihiisa waxaan halkaa kula kulmay dad aad u farabadan oo jinsiyado kala duwan ah, markii aan hore usii socday cabaar qasriga gudihiida waxaan la kulmay dad aad u qiiraysan oo kasoo baxaya qaybta uu yaalo maydku markaan marlabaad ka goostay tigidhka maydka loogu galayo Madxafka gudihiisa ee ay ii suura gashay inaan galo goobta uu yaalo maydka Fircoon waxaan indhaha ku dhuftay dadyow kala gadisan oo ilmaynaya iyaga oo dul taagan mayda Fircoon oo dhala ku jira.
Markaan isdul taagay maydkii fircoon dhab ahaantii waan qiirooday,  waayo sidaad ogtihiin Fircoon waxaa la halaagay qarniyo aad u fog ilaa hadana maydkiisii kama muuqdaan wax isbedel ahi,  waxaad moodaa inuu dhowaan dhintay, tusaale ahaan may  jajabin Lafihiisii, Cidiyihii iyo Indhihiisii,  waxaad moodaysaa inuu noolyahay Timihii way ku yaalaan iyaga oo  aad moodo inay sidoodii, waxaadna arkaysaa oo uu leeyahay Bidaar,  wuxuu ahaa Nin dheer waxa keliya ee aad ku garan karto inuu Mayd yahay, ama  laga dareemayaa dhoobo ku taal taala isaga oo gacmihisu is dhaafsan yihiin, kuwaas oo saaran garbaha jidhka,  inta kale waa la asturay oo dhar ayaa ugu jira waxaa muuqda faraha lugaha,  waxaan u haystay kaligii laakiin markaan indhaha hore u dhigay waxaan arkay maydad badan oo yaala.
Waxaan la kulmay markii xigtay maydkii wiilkiisa la odhan jiray Ramsiis saad maqasheen waxaa kaloo yaala Faraaciyiin fara badan oo ah kuwii la shaqayn jiray waxaa xitaa ku jira laba dumara ah,  kuligood markaad aragto waad qiiroonaysaa quruuntaa qarniyadaa hore la haligay ee haddana aad moodo inay dhowaan dhinteen iyaga oo aan isbedelin waa amuuraha Alle (SWT) , qofkii tagaana wuu ku cibra qaadanayaa inbadan laakiin nasiib darro waxaa laydiiday inaan ka qaado sawir gabi ahaanba maydadka markii aan lasoo baxay moobayl aan watay oo Camera leh markaan Camerada shitay ayaa wiil meesha joogay gacanta i qabatay oo iga damisay moobilkii iina sheegtay inaan la ogolayn.
Intaan dhexmaraayey qasriga waxaan la kulmayey waxyaalo badan oo ah waxyaabihii ay isticmaali jireen faraaciyintu oo kala duwan sida weelalkii ay waxku cuni jireen kuwii biyaha ay ku shuban jireen iyo waxyaabihii dhaqanka u ahaa oo dhan iyada oo aan xitaa meel aan ahayn meesha Fircoon yaalo aan ku booqday maydad kale oo sidii kuwa Fircoon ahaa nasiibdaro masoo tirin inta qof ee ay ahaayeen maydadkan oo kuligood dhalooyin ayey ku jireen sidoo kalena wax bedel ah masamayn maydadkan iyadoo marka aad si wanaagsan u fiiriso aad ka dhaxlayso qiirrao badan, sidoo dhamaan umadda meesha soo booqatay ayaa waxa ay goobta kula kulmeen qiiro.
Hadaba walaalayaal waxaan idiin kula talin lahaa dhamaan intii aragta qoraalkayga haddii aad kari kartaan inaad isku daydaan inaad booqataan maydka Fircoon si aad ugu cimra qaadataan.
Walaalayaal waxaan jeclaystay mar haddii aan booqday maydka Fircoon oo aan wada garanayno inaan wax uga sheego dadkayga aan arag sifooyinkiisa.
Maqaalkaan waxaa diyaarisay Muno Axmed Cabdalle Muna Faataxo kuna nool Magaalada Qaahira ee xarunra Dalka Masar.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *