26kii june waxa guud ahaan J Somaliland ka dhacday doorashadii madaxtooyada taas oo uu ku guulaystay xisbigii mucaaradka ahaa (KULMIYE) . Ahmed Mohamed siilanyo 27 july 2010 ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxwaynaha J. Somaliland ee shanta sano ee soo socda, 28 july madawayne siilaanyo wuxu magacaabay golihiisa wasiirada, 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen, taas oo ka badan tiradii 15 ka ahayd ee ay soo jeediyeen gudidii talo bixinta uu u saaray.

Dabcan waa la garan kara madaxweynaha oo markii hore aqbalay 15 wasiir, waxa ku kalifay inuu ka talaabsado taladii ahayd 15 wasiir, waxaana sabab u ah dadka ku qulqulaya ee ka codsanaya beeshayada wasiir sii,iyo ninkan noo magacaw.
Weli ma is waydiinay wasiir reer loo magacaabaa faa’idada uu leeyahay, hadii aynu dib ugu noqonno xukuumadihii hore ee ay u danbaysay tii madaxweyne Rayaale, waxay kor u dhaaftay in kabadan 50 wasiir iyo ku xigeenno, hadii reer ahaan loo eegana wasiir waliba waxa uu ka soo jeday qoys (ardaa), waynuna la socnaa wax qabadkoodii, dhib mooyee dheef kama hayno. Ku dhawaad 20 sano ayay Somaliland ku dhisnayd reer hebel wasiir ha la siiyo iyo reer hebel yaan labada wasiir laysku siinin, balse maanta waxaynu u codaynay inaynu helno is bedel dhab ah, taas oo madaxweyne siilaanyona ololaha ku galay waxaan soo dhisi doona xukuumad kooban oo tayo leh, waynuna ugu codaynay, balse nasiib daro markaynu u codaynaynay ismaynaan waydiin xukuumada kooban ee lasoo dhiasaya ma tahay mid nin walba reer kiisu wasiir helayo, taa bedelkeedana waxa inagu qafilnaa ama inaga guuxayay isbedel oo macneheeda dhabta ahi yahay tan uu manta ku dhaqaaqay madaxweynuhu.
Waxa isa soo taraya dad sheeganaya inay madax u yihiin umad dhan, hadana wax ku doonaya reerkaygii wasiir lama siin, iyo madaxweynuhu cadaaladu ku dhaartay wuu ka baydhay. Cadaalada uu madaxweynuhu ku dhaartay waxay ahayd innuu dalka iyo dadka cadaalad ku dhiqi doono, oo macneheedu yahay inuu maga caabi doono dad dalka u hagar baxa kartina u leh xilkooda, balse innuu qabiil walba wasiir siiya maha mid dhinacana ka soo gasha cadaalada, hadii aynu cadalada u naqaano in reer walba wasiir la siiyo, maxaynu uga heli waynay Madaxweynihii hore Md: Dahir Rayale Kahin, oo aynu ogayn innuu reer walba wasiir ku taxay, balse ay cadaalad la’aani ina dishootay.
Dadka qabiilka wax ku doonaya ee manta Somaliland Calankii bulluuga ahaa ee kumanaanka qof u shahiideen u badheedhaya inay guryahooda sudhaan, waxaan ra’yi ahaan kula talin lahaa, qabiil halkuu ina dhigay waynu aragnaa, wasiir reer hebel loo magacaabaanna maha mid sharaf kuu soo kordhinaya ama laandheere kaa dhigaya (sidaynu aaminsanahay). Ee weli maynaan arag wasiirada cusub dhibtooda iyo dheeftooda toonno aynu wakhti siinno hadii aynu beel ka maar mi waynana madaxweynaha aynu kula xisaabtano wax yabaha uu degaamadeena u qabto.
Ugu danbaytiina: madaxweynaha iyo dhamaan shacabka Somaliland waxaan leehay samir aynu yeelano waynu ognahay hadaynu reer wax ku doonno inay wasiiradu dhafayaan 70, markaa aynu qarannimadeena ku dadaalno iyo inaynu aamino dhamaan wasiiradu inay yihin dad somalilander ah.
Somaliland Guul iyo Gobanimo “Allow qarannimada na fahansii waxay tahay”
Mbashe Ibrahim H. yusuf
Mbashe30@yahoo.com
Sintock/Malaysia

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *