salaada weysadaWaa qaybo ka mid ah buug ka waramaya ahmiyada Salaadda, isku nadiifinteeda iyo sida ugu haboon ee loo tukan  karo….. waxa qoray Cabdilahi Beershiya

Noocyada is Daahirinta amma is Nadiifinta
Markasta oo diinta islaamka qoddob asal u ah laga hadlayo waxay Culimadu ku sharxaan laba dhinac oo muhiim ah si loo fahmo u jeedooyinka u xambaarsan yahay iyo sida ugu mudan ee looga jeedo.
Labadaa dhinac ee ay Culimadu eegaan waxay kala yihiin: in ereyga loo eego luqada Carabiga wuxuu macnihiisu yahay iyo in loo eego sharci ahaan wuxuu xambaarsan yahay. Sidaas darteed mar kasta waxa buugan ku soo noqnoqon doonta ereygan waxa looga jeeda luqo ahaan iyo isdilaax ahaan amma erey bixin ahaan sidaa iyo sidaa.
Haddaba ereyga Dahaaro oo Af-soomali ahaan ugu dhaw is Nadiifin waxay Culimadu  Luqo ahaan  ku macneeyeen inuu yahay waxa  la nadiifinayo oo laga maydhayo Wasakhda kaga jirta Gudaha iyo Dibada.
Sharci ahaana waxa ereyga Dahaarada loo yaqaan in qofku iska nadiifiyo nijaasta ku timmi jidhkiisa ee keeni karta in aanu Salaad tukan isaga oo iskaga nadiifinaya biyo amma wixii la mid ah.
Haddaba nadaafadu (Dahaaradu) waxay u qaybsantaa laba qaybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:
•    Inuu qofku iska nadifiyo xumaanta gudaha kaga jirta sida inuu iskaga fogaado waxyaabaha loo yaqaan shirkiga iyo shakiga sidoo kalena u niyadiisa u sheego in cibaadada looga baahan yahay tahay mid uu Ilaahay keligii leeyahay oo aanay cid kale la wadagin.
Arrintani waxay salka ku haysaa ujeedada uu Ilaahay u abuuray Banii’aadamka oo ah inay caabudaan amma cibaadada keligii siyaan oo ay ka dheeraadaan in awoodihiisa gaar ah aan cid kale lala korin, waana dahaarada loo yaqaan dahaarada qarsoon waayo qofka lama ogaan karo waxyaabaha u niyada ku haysto ee u qarsanayo hadduu xataa dusha ka muujisto inuu wanaagsan yahay.
•    Qaybta labaad ee Dahaaradu waxa weeyi inuu qofku iska nadiifiyo  nijaasta iyo waxyaabaha ka hor istaagaya inuu Salaad tukado sida kaadida, Saxarada, Jinaabada IWM, waxa iyagana loo yaqaannaa Dahaarada muuqata ee la dareemi karo.
Tilmaan 1: Meelaha la inagu adoonsaday in aynu ka nadiifino qaybtan labaad waxa ka mid ah Jidhka qofka, Dharkiisa iyo Goobta u ku cibaadaysanayo.
Maxaa la isku Daahirinayaa (Nadiifinayaa)?
Waxyaabaha la isku daahirinayo waxay u qaybsamaan laba qaybood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
•    Inuu qofku isticmaalo Biyo, haday doonaan biyahaasi ha ahaadaan qaar midabkoodu is bedelay oo aan nijaas ahayn sida Biyaha Roobka, Ceelka, Wabiyada, Baraf dhalaalay iyo biyaha Badaha, waxase asal u ah dhammaantood inay noqdaan uun qaar jidhka nijaasta ka kaxaynaya oo daahir ah amma nadiif ah.
Tilmaan 2: Waxa xusid mudan in haddii biyaha midabkoodu isku bedelaan nijaas ku dhacday awgeed aanay suurto gal ahayn in nijaas kale la iskaga nadiifiyo.
•    Qaybta labaad ee la isku daahirin karaa waxa weeyi ciidda dhulka, taasina waxay imanaysaa marka uu qofku waayo wax biyo ah amma uu ka cabsado in biyaha uu isticmaalayaa naftiisa dhibaato u keeni karaan, markaa qofku wuu adeegsan karaa ciid nadiif ah oo uu isku daahiriyo.
Tilmaan: hab gaar ah ayaa ciidda la iskugu nadiifiyaa ee maaha in loo adeegsanayo sida biyaha oo kale sharaxooduna wuxuu inoogu iman doonaa markaynu ka waramayno Gebagebaysiga.

Lasoco………………

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *