Salaamu- laahi caleykum; Ramadan kariim dhamaan umadda muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan.
Waa mahad allah inta nolol iyo caafimaad qab ay bisha ramadaan

ugu bilatey, waa bil kheyr badan oo qofku allah waafajiyo cibaadeeda abaal gud qaali ah iyo raxmadda allah uu helayo, Bishan qiimaha ay leedahey in badan ayeynu maqaley waxaase muhiim ah in aynu ku dadaalno sidii looga faaideysan lahaa bishan iyo kheyraadka faraha badan ee ku jira, bishan ilaahey subxana watacaalaa waxaa uu ku soo ururiyey nooc kasta oo cibaada ah oo la sameeeyo hadey salaado ahaan laheyd, soom, sadaqo bixin, sidoo kale allah waxaa uu adoomihiisa ugu bushaareeyey in bishan la xidho albaabada naarta sidoo kale la furo albaabada janooyinka shayaadiinta kuwa waaweyn la xidho, taasi waxey inoo sahleysa in dadku cibaadu u fududaato fursadna loo heli karo salaado badan ( Taraawiixda) iyo quraan akhris badan.

Aduunyadda biniaadamku geedi ayuu ku yahey, cimrigeenuna wuu gaaban yahey runtii bishan ramadaan qofkey ugu soo gasho nolol, caafimaadqab iyo nagi waxaa haboon u uu u sahey qaato aakhiro lana yimaado cibaado badan oo allah ugu dhawaanayo, Nabi Maxamed (Csw) ayaa isagoo koraya minbarka masaajidka saddex jeer waxaa uu yidhi Aameen, Asxaabtii oo ka ag dhaweyd oo aan arkeyn cida la hadleysa aya weydiiyey, waxaa ugu jawaabey saddex qof ayaa Malaku jibril yidhi ilaahey ha fogeeyo ana aamiin ayaan idhi waxaa ka mid ahaa qof bisha Ramadan u soo gashey oo aan loo danbi dhaafin allah ha fogeeyo ana aameen ayaan idhi ayuu nabigu yidhi, waa ayaandarro weyn in bisha Ramadan kuu soo gasho oo aan laguu danbi dhaafin, cadho ilaahey iyo ciqaabtiisa ayaad la kulmeysaa.

Inta badan dadku waxay caadeystaan in bisha Ramadan ay tahey in laga soomo oo qudha cuntada iyo cabitaanka, waxaa diinteenu inoo tilmaamtey in qofka xubnaha oo dhan ka soomo sida afka iyo farjiga, sidoo kale sadaqo badan la bixiyo oo masaakiinta la caawiyo.

Hadaba, Walaalkeyga Muslimka ahow, sahay qaado sahay la qaato waxaa ugu khayr badan allah ka cabsi in aad la timaado iyo cibaado, ugana faaideysto bishan barakeysan ee ramadaan mid noloshaada aad ku badeli karto oo aad wahel uga dhigi karto naftaada allah ka cabsi joogta ah iyo cibaado aad la qabsato, sidoo kale muslimiinta leh balwadaha kala duwan  bishani waxey u tahey fursad  qaali ah oo ay kaga fogaan karaan balwadaahaas.

Kuwii allah naartiisa ka xoreeyo ha inaga yeelo, Ramadaanta ramadaanteedana ku gaadha caafimaad qab iyo bashbash.

Fouad Abdisalam

Waheliye08@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *