yacquub abdullaahi
Hordhac: Maqaalkan waxaan ku soo qaadan doonaa kaalinta waalidka ee waxbarashada caruurta iyo qodob muhiim ah oo ku sahabsan doorka waalidka ee ubadka .
Waxbarashadu waa aas-aaska horumarka iyo nolosha taas oo uu qof kasta u baahan yahay inuu helo waxbarasho, waxaanay lagama maar maan u tahay nolosha iyo horumarka qofkasta iyo bulsho kasta, Horumarkuna waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee qofka iyo bulshada. Wax kasta oo la rabo in laqabta waxay u baahan tahay aqoon iyo karti, Horumar wayn oo lagaadhaa waxay ku xidhan tahay aqoonta oo lagu dadaalo

Waxaa si gaar ah loogu cadeeyey daarasado kala duwan in ka qayb qaadashada waalidka ee waxbarashada caruurta ay saacidi karto:
•    Joogtaynta ardayga ee fasalka (improved attendance)
•    U suuragelinta ardayga dhameystirka howsha waxbarashada ee guriga (Timely homework completion) waqtiga loogu talagalay
•    Horumarinta tayada wabarshada ardayga (improved student achievement)
•    Sare u qaadida hamiga waxbarashada (higher educational aspirations)
•    Sare u qaadida tayada waxbarida ee barayaasha (improve teachers’ effective teaching)

Doorka waaalidiinta  ee waxbarashada caruurtooda, waxa si faahfaahsan loogu qeexay maansada soo socoto ee uu curiyeey Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)
Hooyoy la’aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
Hawo laguma gaadheen
Tixdan waxa abwaanku ula jeeday in hooyadu ama hoygu yahay dugsiga ugu qiimaha badan ubadka.
Hadaba halkan waxaan uga soo jeedinayaa waalidiinta dhow qodob oo muhiim ah
1.    Waalidku  waa in ay ogaadaan in guusha waxbrashada carurteena  ay ku xiran tahay hadba inta aan juhdi la gelino waxbarashadooda iyo la socodkeeda.
2.    Waalidku waa in ay xil gaar ah iska saaran fahmida iyo barashada nidaamka waxbarashada  iyo kaalinta ay ku yeelan karaan waxbarashada caruurta.
3.    Waa in aan ka abuurnaa guryaheena jawi  munaasab u ah waxbarasho. Sida waqti goan in loo cayimo daawashada telefiishiinka iyo in haddii durufta saamaxdo  la sameeyo meel gaar u ah waxbarashada.
4.    Sidaasi oo kale waa in waqti go’aan loo cayimo  seexashada qoyska
5.    Waaa in aan xaqiijinaa  subax kasta u diyaargarowga caruurta waxbarasho. Sida in la xaqiijiyo nadafada dharka, jirka, buugaagta, qalmaanta iyo in cunto u qaatan dugsiga
6.    Waa in caado laga dhigto in la weydiiyo caruurta marka dugsiga (school) ka yimaadaan waxii maalintaa kala soo kulmeen dugsiga, waxii ku adkaa, waxii uu aad uga helay iyo haddi loo soo dhiibay ee laylis ah
7.    Waa in la weydiiyaa caruurta natiijada ay ka heeleen imtixaanka laga qaaday. Waana in aan la dhaliilin hadii uu  sheego in uu ku liitay imtixaanka. Haseyeeshe taa bedelkeeda waa in la weydiiya waxyabaha ku adkaaday, laguna dhiirigeliyaa in uu u  diyaargroobo imtixaanada soo socda.
8.    Haddii ay kuu cadaato in ay duruustu ku adag tahay, geey meelaha laga caawiyo ardayda  (homework centre) ama macalin gaar ah u qabo (home tutor).
9.    La saaxib ilmahaaga, markastana dhiriigeli. Ogow qofka waxbaranayo waa ilmaha ee adiga xoog waxba kuma bari kartid.
10.    Maadaama ay suurogal  tahay in an maqaalkan akhrintiisa awood aney u wada helin dadka u baahan ,fadlan qofkii akhristow ku dabaq qoyskaada iyo siiba caruurtaada waalid

Gabogabo.

Waalid kasta haddii uu caruurtiisa uu qodobadaasi aan kor ku soo sheegay kula dhaqmo waxa hubaal ah in caruurta ay waxbarashadood wanaagsanayso maadaamo oo uu la shaqaynayo waalidkiisu .
Ilmaha waalidkiisu aqoonta leeyahay waxa uu ka nasiib badan yahay ilmaha aan waalidkiisu aqoon lahayn ee mar kasta aan helay waalid ka caawiya xagga waxbarashada .
Hadaba waalid la socoshada waxbarasha caruurta waxay kaalin way ka qaadataa hormarinta iyo caruurta waxbarashooda .
Qore: Yacquub Abdilaahi Omar
Hargeysa / Somaliland
063 448-43-54
Alla Mahad Leh.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *