Guddiga Baadhista Iyo Buuxinta Sharuudaha Jaggadda Madaxweynaha Soomaaliya ee Musharaxiinta, ayaa soo saaray qoraal ay ku sharaxayaan shuruudaha laga rabo qofka doonaya inuu Madaxweyne ka noqdo Somalia ee doonaya inuu ka qaybqaato tartanka marka la gaadho

August 2012, iyadoo ay xiligaa ku eegtahay mudada dawlada ku meelgaadhka ah.
qoraalka shuruudaha  iyo shaqsiyaadka ilaa hada gudbiyay araajidooda waa kuwan.

KU: Ummadda Soomaaliyeed Gudaha Dalka Iyo Dibaddaba
CC: Dhammaan Safaaraddaha Jooga Soomaaliya
CC: Qaramadda Midooway
CC: Ururka Midowga Afrika
CC: Ururka Midowga Yurub
CC: Dhammaan Ururadda Caalamiga ah

On April 5, 2012
Mudanayaal/Marwooyin,
Subject: Shuruudaha Laga Rabo Musharaxiinta Jaggadda Madaxweynaha Dalka Soomaaliya August 20, 2012
Shuruudaha Laga Rabo Musharaxiinta Jaggadda Madaxweynaha Dalka Soomaaliya August 20, 2012

1.    Waa inuu ku dhashay gudaha dalka Soomaaliya
2.    Waa inuu caafimaad qabo 100% asagoo ogol inuu keeno warbixinta caafimaadkiisa iyo dhakhaatiirtiisa si ay u hubbiyaan inay Ummadda Soomaaliyeed shaqsiga hoggaamin doona Xafiiska Madaxtooyadda ee Dalka Soomaaliya
3.    Waa inuu haysto waxbarasho jaamacaddeed sida Shahaadada heerka seddexaad ee jaamacadda taasoo loo yaqaano “Doctorate AMA PhD taasooo ah Cilmiga Siyaasadda.
4.    Waa inuu caddeyo hantida uu ku leeyahay gudaha dalka iyo dibaddaba inta aan loo dhiibin Xafiiska Madaxtooyadda Dalka Soomaaliya.
5.    Waa inuu qabo xaas Soomaali ah oo ilaa seddex fac isirkeedu soo gelin dad shisheeye ah ama aynan waxba ilmo ah u soo dhalin shisheeye inta uu guursan ka hor,
6.    Waa inuu wax dembi ah ka galin dad, dalka, deriska iyo caalamka kale ee ay Ummadda Soomaaliyeed ku dib-u deggeen.
7.    Waa inuu yahay Muslim xafidsan Qur’aanka Kariimka ah ee Barakaysan ama Qof uu yahay Caalim Ku Takhasusay Diinta Islaamka.
8.    Waa inuu ku hadlaa Af-Soomaali Maxaa Tiri, Maay, Af-Shinbireed/Af-Jinni Iyo Afar luuqadood oo shisheeye ah sida English, Arabic, Chinese, Spanish IWM.
9.    Waa inuu qoray buuggaag faa’iido u leh dadweynaha Soomaaliyeed iyo Bulsha weynta-Caalamka.
10.    Waa inay da’diisa u dhexeyso 25 sanno ilaa 45 sanno.
11.    Waa inuu guursadaa laba gabar/hablood oo naafo ah, da’dooda ka weyn tahay 18 sanno kuwaasoo wax ka beddeli doonan dhibka iyo xaq-darrada lagu hayo guryaamiinta Dalka Soomaaliya.
12.    Waa inuu wax musuqmaasuq ah ku bixin Tartanka Jaggadda Madaxweynaha Soomaaliya.
13.   
Guddiga Baadhista Iyo Buuxinta Sharuudaha Jaggadda Madaxweynaha Soomaaliya ee Musharaxiinta
1.    Drs. Casha Cilmi Xaaji (Ku guullaystay Biladda Alternative Noble Prize).
2.    Drs. Hawo Cabdi Dhiblaawe (Ku guullaystay billaddo badan of dalka iyo dibaddaba ayadoo ku caawinaysa dadka danyarta ah caafimaad lacag la’aan ah iyo xerooyin caafimaad).
3.    Drs. Fozia Shiikh Ibraahim (Qof si joogta ah uga warqaba hoggaanka dalka Soomaaliya)
4.    Eng. Ruqiya Maxamed (Injineeraddii ugu horeysay Gabdhaha/Hablaha dalka Soomaaliyeed ahna qof aad ugu ololaysa Soomaaliya oo nabad ah).
5.    Dr. Cali Shiikh Axmed (Madaxweynaha Jaamacadda Moqdisho).
6.    Prof. Maxamed Cabdi Aadn (Madaxweynaha Jaamacadda Barriga Africa),
7.    Prof. Yahye Sheikh Caamir, Madaxweynaha Jaamacadda Soomaaliya
8.    Jibriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha Xarunta Cilmi-Baarista Iyo Wadahadalka (CRD)
9.    Journalist Maxamed Shiikh Cismaan “Qadaafi.” (Wariye xirfad sare leh ahna qof u ololeeya arrimaha dhallinyaradda Soomaaliyeed).
10.    Marwo Faadumo Jabrril (Si weyn ugu ololaysa Arrimaha Bey’adda/Deegaanka iyo Waxbarashadda,
11.    Dr. Hashi Cabdimuciid “Haashi Geelle.” (Nabaddoon Soomaaliyeed).
Anniga waxaan rummaysnahay haddii annaga(u) rabno in aan aragno Soomaaliya oo nabad ah taasoo aan lagu soo celin gummaysi shisheeye ah qarniga 21naad, fadlan waa in aanu u dooranaa dadkan ah waxgaradka Soomaaliyeed kuwaasoo fulin doona baarista khaaska ah ee musharaxiinta jaggadda Madaxtooyadda Agoosto 20, 2012.
Aad ayaad ugu mahadsan tihiin,
Waxaa Soo Diyaariyey/Qoray Danjire Dr. Badal W. Kaariye, Minneapolis, MN USA
somaliauthor@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *