Dhiirigelin badan oo wakhtiyadii hore Bulshadeena ka maqneyd ayaa wakhtigan la soo fahmayaa.Is dhex-galka,wax wada qeybsiga.wax isku darsiga,is kaashiga dhinaca ganacsiga,Saami qeybsiga,tixgelinta aqoonta,soo bandhigida Fikradaha wanaagsan,xoojinta tartanka caafimaadka qaba iwm.Tamar

badan iyo Lacag badan ayey dadkeenu hayaan laakin fikradihii ganacsi sidii loo bilaabi lahaa ayaa weli ka maqan meelo badan.waxaad dareemi kartaa in meelo gaar ah la iskugu wada tagay.April 2011 Ayaan soo qorey qormo aan ciwaan uga dhigey Ahmiyadii Abaalmarinta.Qoraalkaasi oo aan kaga hadley arimo badan oo la xidhiidha sidii loo meel marin lahaa dhiirigelinta iyo kobcinta Fikradaha wanaagsan ee sannadkii la arko.waxa ugu weyn ee qoraalkaasi uu ka hadlaayeyna waxa ay aheyd sidii Abaal marin loo siin lahaa Shakhsiyaadka wax cusub/wanaagsan dadka ku soo kordhiya.
Kulamo badan iyo Xaflado kala duwan Ayaad arki kartaa ka furmaya Magaalooyinka kala duwan ee somaliland,kuwaasi oo lagaga arinsanaayo ama wadatashi looga Yeelanaayo hababka horumar intan ka badan lagu gaadhi karo.waxa kale oo Jira in marar badan wadanka gudihiisa lagu qabto sannooyinkan carwooyin kala duwan oo lagu soo bandhigo Fikradaha ganacsi iyo Alaabaha Suuqa aad ka heli karto.waa arin Aduunka ka caan ah carwadu,Dadka soo qaban qaabiya iyo ganacsatada ka qeyb gasha ayaana ugu danbeynta lagu gudoonsiiyaa shahaaddo sharaf,lacag iyo abaal marino dahabi ah.waxa kale oo aad dareemi kartaa in Mahrajaanka KMC uu sidoo kale Muujinaayo arimaha horumarka laga gaadhay.Dhalinyarta iyo ganacsatada adeega bulshada u qabtana in lala arko hawlahooda laguna abaal Mariyo ayey u qalmaan.
Waa Madal kulmin karta ganacsato,aqoon yahan,Siyaasiyiin iyo dhammaan qeybaha bulshada marka la soo bandhigaayo Abaal marin iyo Gudoonsiin bilado dadkii muteystey sannadkaasi.waa Fikradd xagga qurbaha ku badan inta badan xagaasina innagaga timi.Hase ahaate waxaan Jecelahay in keliya dadka waxa fiican bulshada ku soo kordhiya lagu abaal mariyo.Ma garan karno habka xulashada ama sidoo kale nidaamka loogu dooran karo shakhsiyadda sannadka,waayo Nolosha bulshadeena dareenada hoose leh ayaan lagu kalsooneyn,hase ahaate waa talaabo hore loo qaadey.
Fanaaniinta,Qoraaga,Saxaafada,Ganacsatada,Siyaasiyiinta iwm ayaa inta badan qurbaha lagu siiyaa Abaal marino.Iyada oo mararka qaar cod dadka laga qaadey lagu kala badiyo.
Shirkado badan oo ganacsi ayaana wakhtigan madaxa la soo kacey ama Adeegii hore sii xoojiyey waxaanad Dareemi kartaa In shirkada AL-NUUR FURNTURE ay ka dhex muuqatey,Carwadii sannadkan iyo meelo kaleba,taasi oo la gudoonsiiyey abaal marino badan .Magaalada meel kasta oo aad marto Xayeysiis AL NUUR FURNITURE ah ayaa ku yaala.Dadkiibaa kaba yaaban,Xayeysiiska badani tolow muxuu kuu sheegayaa.Qiimaha iibka Asia ayuuna wakhtigan soo bandhigayaa,25$ LAGUMA QORAAYO,WAXA LAGU QORAYAA 24.99$.the nominees are …………….And the Award Goes to…………..what Accolades, let’s give him big hand.
The one and only one…..Ohh i can speak,I just like to thank God,and all my collegues,cast and crue.
Ceelaabe

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *