Hargeysa(ANN)Boqol iyo laba (102) arday oo muddo lix bilood ah qaadanayey tababar ku saabsan noocyada kala duwan ee mihnada saxaafadda, ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey shalay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo ay fulisay shirkadda Jamhuuriya Media Group (JMG), isla markaana maalgelisay hay’adda caalamiga ah ee EDC, waxa ay ardeyda qallin-jebiyey muddadaas ku baranaayeen duruus la xidhiidha noocyada kala duwan ee mihnada saxaafadda casriga ah, waxaannu mashruucan qayb ka yahay barnaamijka shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada reer Somaliland oo hay’addaasi ka waddo gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey qallin-jebinta suxufiyiinta cusub, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo isagu ardeydaas shahaadooyinka guddoonsiiyey, Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adda EDC, dalladda SONYO, madaxda shirkadda JMG iyo tifaftirayaasha wargeyska Jamhuuriya.
Maareeyaha Guud ee Jamhuuriya Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey masuuliyiinta iyo martida ka qaybgalay xafladdaas, isagoo sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruuca ardeyda wax lagu baraayey.
“Tababarkani wuxuu bilaabmay bishii March ee 2011, waxaannu u kala baxayey lix waxood oo kala ah Basic Journalism, Advance Journalism, Photo-journalism, Light out iyo design, Media Management iyo Media Marketing.
Maadooyinkan ayey dhammaysteen ardeyda halkan fadhida ee la siin doono shahaadooyinka ka marakacaya waxay soo barteen. Mashruucani wuxuu qayb ka yahay mashruuc ay maageliyaan hay’adda USAID, isla markaana la soo mariyo hay’adda EDC oo iyadu naga caawisay maalgelinta tababarkan,” ayuu yidhi Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil.
Mareeyaha Jamhuuriya waxa uu ka codsaday hay’adaha warbaahinta ee dalka ka hawlgala inay u tixgeliyaan mihnada ay ardeydan barteen, isla markaana ka caawiyaan inay soo bandhigaan waxay ardeydaasi barteen. Waxa maareeyuhu madashaas ka xusay qaar ka mid ah ardeyda qallin-jebinaysa oo yagleelay mareeg cusub oo la yidhaa Ramadnews.com.
Mr. Faysal Maxamed Cabdi (Fadh-fadhle) oo ah suxufi caan ah, isla markaana ka mid ahaa macallimiinta ardeydaas wax soo baray oo halkaas ka hadlay, ayaa ardeydiisa kula dardaarmay inay mihnadooda saxaafadda ku dabbakhaan casharrada ay soo qateen muddadii duruustu u socotay. Waxa kaloo uu u soo jeediyey suxufiyiinta dalka inay ilaaliyaan waddaniyadda iyo qarannimada oo aanay baahin wixii dalka hagardaamo iyo ammaan xumo u keenaya.
Miss. Ubax Ciise Ileeye oo ku hadlaysay magaca ardeyda qallin-jebinaysay, isla markaana ka mid ah 10-ka ardey ee aasaasay mareegta Ramadnews.com, ayaa u mahad-celisay macallimiinta wax soo baray, waxaanay ka warrantay sababta ay shabakaddaas u abuureen.
Agaasimaha Fulinta SONYO Mr. Siciid Maxamed Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa isagu ka waramay muhiimada warbaahinta, isagaoo dhallinyarada ku boorriyey inay iskaashadaan si dalku u gaadho horumar.
Mr. Xuseen Cali Nuur oo ah suxufi ruug-caddaa ah oo halkaas isaguna ka hadlay, ayaa ardeyda kula dardaarmay inay dhallinyaranimadooda ka faa’iidaystaan oo ay ku dheehnaato waddaniyad iyo karti.
Xoghahaya Guud ee xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, kana mid ah macallimiinta ardeyda wax soo bartay, ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in isaga oo macallinkoodii ah uu maanta hortaagan yahay isagoo siyaasi ah, waxaannu ardeyda ku dhiirrigeliyey inay saxaafadda dalka wax ku soo kordhiyaan, “Waxa muhiim ah oo aan idiin soo jeedinaya inaad wax ka beddeshaan saxaafadda dalka amma aad wax ku soo kordhisaan.”
Md. Xasan Siciid waxa uu xusay in siyaasadda xisbiga KULMIYE ee ku aadan dhallinyaradu ay ka mid tahay in shaqo abuuris loo sameeyo, isagoo ballanqaaday inay ku dedaali doonaan sidii hay’adaha warbaahinta loogala hadli lahaa inay ardeyda shaqooyin iyo tababarro siiyaan.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), ayaa sheegay in ardeyda Jamhuuriya waxbarashada u fidisay dalka iyo dadkaba muhiim u yihiin, waxaannu u mahad-celiyey macallimiinta wax soo bartay, isagoo ardeydana ku dhiirrigeliyey inay caddaalada iyo anshaxa saxaafadda ilaaliyaan.
“Mihnadan la idin baray ee saxaafaddu runtii, waa mihnad aad iyo aad u adag oo waa arrin ceeb iyo caydh leh, waxaanay leedahay wanaag ee waxa aad qoraysaan iska ilaaliya,” ayuu yidhi Md. Xaabsade.
Md. Xaabsade waxa uu ballanqaaday inuu hirgelin doono dugsi lagu barto culuunta saxaafadda si uu kor ugu qaado aqoonta saxaafadeed ee warbaahinta dalka.
Waxa kaloo munaasibaddaas ka hadlay masuuliyiin ka socday hay’adda EDC ee mashruucan maalgelisay, kuwaasoo ardeyda ku boorriyey in aqoonta ay barteen ku gudashada waajibaadkooga suxufinimo.
Ugu dambayntii waxa uu Wasiirka Warfaafinta Md. Xaabsade halkaas shahaadooyin ku guddoonsiiyey ardeyda dhammaysatay mihnada kala duwan ee saxaafadda.
Ardeyda ayaa iyaguna sidoo kale shahaado-sharafeedyo iyo hadyado kala duwan guddoonsiiyey macallimiinta wax baray, EDC iyo madaxa mashruucan ee Jamhuura Media Group Mr. Maxamed Dhamac.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *