Tan iyo intii ay Xukuumadda cusub ee Somaliland talada dalka ku guulaysatay waxa si weyn u soo ifbaxayey waxyaabihii ay ololaha doorashadii madaxtooyada ku gashay oo dib u soo noolaaday halkii laga sugayey in ay suulaan.waxa ka mid ah waxyaabaha
dib u soo noolaaday xukunkii degdegga ahaa ee xaqa muwaaddinka meel ka dhaca ku ahaa ee la iska xidhayey isaga oo aan Maxkamad la horgeynin. waxa kale oo ka mid ah Hantida dawladda, sida dhismayaasha uu Qaranku leeyahay oo ay dibedda u soo baxdayba wax aan xilligii ay UDUB talada haysan dhicin oo laga biqi jiray, sida kaalmaha Shidaalka oo dhammaan gacanta ugu jiray dawladda, ahaana hanti Qaranku leeyahay, in wakhtigan lagu murmayo qaarkood oo dad gaar ahi sheeganayo, isla markaana kiisaskoodi ay socdaan.

Kaalmaha lagu muransan yahay ee dacwadohoodu socdaan, waxa ka mid ah Kaalinta EX Sheel ee ku taalla Shacabka Hargeysa, oo dadka wakhtigan sheeganayaa ay ku dacwoonayaan Dhulka kaalinta laga dhisay baannu lahaan jirnay.

Sida la ogyahayna Kaalmaha Shidaalka ee Somaliland ku yaalla iyo Soomaaliyaba, laga soo bilaabo 1972-kii oo ahayd markii dawladdii Siyaad Berre ee Millateriga ahayd la wareegtay Kaalmihii Shidaalka ee wakhtigaasi dalka ku yaallay ee Shirkadaha Shisheeye dalka ku lahaayeen, isla markaana uu Kambani kasta Lacagtii kaga
baxday ay u celisay dawladdii Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Soomaaliya la isku odhan jiray oo Somaliland-na wakhtigaa qayb ka ahayd, sidaas ayaanay ku noqdeen Hanti Qaran. illaa 1991-kii oo ahayd markii taliskaa Millateriga ahaa dhammaan dalka Somaliland laga xoreeyey, markaa ka dib waxa dhammaan hantidii dawladeed oo Kaalmahaasina ka mid yihiin gacanta u galeen oo diiwaangeshatay dawladdii Somaliland ee markaa lagu dhawaaqay, waxaanay illaa immika u diiwaangeshan yihiin Kaalmahaasi Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo wixii shaqaynayeyna kiro ka qaadaysay, wixii kalena halkooda kaga war-haysay.

Haddaba, tusaale ahaan Cambanigii la odhan jiray Cajab waxa uu dalka Somaliland ka dhisay kaalmo shidaal oo ku kala yaallay Hargeysa, Burco
iyo Berbera, waxaanay Shirkaddaasi dhistay Kaalmaha 1964-kii, iyaga oo dhismayaashaa ay Qandaraaskiisii qaateen oo ay dhiseen sida taariikhda ku cad, Allaah ha u naxariistee, Cali Jirde iyo Cabdillaahi Oomaar, markii dhismuhu dhammaadayna Kambanigaasi waxa uu saddexdaa magaalo u kala bagacaabay saddex Maamule oo hawsha socod siiya.

Hase-yeeshee, iyada oo taariikhdu sidaa u cad, ayaa waxa dhawaan Maxkamadda gobolka Saaxil ee magaalada Berbera dacwad ka furtay Wiil uu dhalay maamulihii wakhtigaas Kambaniga Cajab u dirtay in uu maamulo Kaalinta Shidaalka ee Berbera, waxaanu dacwaddiisa ku sheegay oo ku andacooday in Aabbihii uu dhistay Dhismaha Kaalintaas, sidaa daraaddeedna Kaalinta Cajab ee Berbera tahay hanti Aabbihii lahaa oo mulkiyaddooda ah. Balse markii uu Xaakinka Maxkamadda ee dacwadda hayey weydiiyey inuu Maxkamadda horkeeno Dhukummentiyada uu u haysto in dhismahaasi yahay mulkiyad ay iyagu iska leeyihiin, uu ku dooday inaanu wax Dhukummentiya u haysan, hase ahaatee ay dadka reer Berbera u ogyihiin inay Cajab tahay Mulkiyad Aabbihii lahaa, Xaakinkuna waxa uu ugu jawaabay haddii aanad Dhukummentis haysan Markhaatiyaal la kaalay, hadalkaas Xaakinka oo ay dadweynihii reer Berbera ee Hoolka Maxkamadda ku dhagaysanayey dacwaddaas ay aad ula yaabeen, isaga oo markaa Xaakinku ku yidhi dacwoodihii wakhti qabso aad markhaatiyaal ku soo kaxaysanayso, waxaanu Dacwoodu qabsaday muddo laba cisho ah.

Iyada oo sida la ogyahay aan hal bilna ka soo wareegin wakhtigii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), go’aan Madaxweyne ku soo saaray Wareegto uu ku mabnuucay Dhismayaayasha iyo Dhulka Danta guud ee Qaranka ay awood u leedahay kaliya dawladda dhexe inay ka arrimiso, oo aanay cid kale, iibin karin, kirayn karin.

Innaga oo sidoo kale, og in uu Madaxweynuhu hore u magacaabay
Garyaqaan guud oo Qaranka uga masuul wixii dacwado ah ee Xukuumaddalagu furo ama ay iyadu furato, sida dacwadaha siyaasadda iyo wixii la mid ah, isla markaana u doodaya Hantida Qaranka haddii lagu qabsado isagu difaacaya, sida hore u soo dhacday markii uu taagnaa muranka iyo dacwad ka taagnayd Jaamacadda Badda ee Berbera oo uu hawshiisaa si fiican u qabsaday. Laakiin, nasiib-darro may dhicin in Xaakinka Maxkamadda gobolka Saaxil aanu ogeysiin dacwaddaas Qareenka Qaranka, hase-yeeshee, waxa uu ka dhigay sida dacwadda uu waday ka muuqatay in laba qof Kaalinta Cajab ee Berbera isku haystaan oo kale, isla markaana waxa uu meesha ka saaray oo aanu marnaba soo hadal qaadin inay waxani yihiin hanti Qaranku leeyahay. isaga oo Xaakinku sidoo kale aanu wax tixgelin ah siinnin Wasaaradaha Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Dhulka oo guud ahaanba dhulka iyo dhismayaasha dawladdu u diiwaangeshan yihiin oo ay hoos yimaaddaan iyo Ganacsiga oo ay xarumaha lagu ganacsado ee dawladda, gaar ahaan Kaalmahani ay iyada gaar ugu sii diiwaangeshan yihiin oo ay kiro ka qaaddo.

Sidaa daraaddeed, may jirin cid dhinaca dawladda ka socota oo
dacwaddaa qayb ka ahayd oo dhismahaa ku doodaysay, hase ahaatee, qofka kaliya ee dacwaddu ku socotay ee dhismahaa Cajab u doodayey u ahaa Muwaaddin ku ganacsada qaybta Dukaanka Bunka iyo Shaaha laga cabbo Kaalinta Cajab ee Berbera oo ay Wasaaradda Ganacsigu ku ogtahay, isla markaana ku doodayey in waxani yahay hanti Qaran oo aanay jirin cid si gaar ah u sheegan karta oo aan ahayn dawladda. Muwaaddinkaas oo isagu dhismaha qaybta Dukaanka degay 1991-kii, kana badbaadiyey boob iyo bililiqaysi ku dhici lahaa dhulkaas iyo dhismihiisa.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa haddii uu Hantida dawladda ee ninka shicibka ahi ku dacwoonayo u meel-mariyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil, waxay noqonaysaa in dad badan oo meel ay u maraan la’aa hantida dawladda inay ku dacwoodaan Dhul iy Dhismayaal ay dawladdu leedahay oo Hanti Qaran ah, waxaanay saamayn ku yeelan doontaa dawladda oo ay dhici karto in gobol kasta iyo magaalo kasta hantida ma-guurtada ah ee dawladda shacabku ku qabsado. Waxaanay dacwaddani u muuqataa mid sharciga aan waafaqsanayn maaddaama oo ay tahay dacwad uu shaqsi gaar ahi Hantidii Qaranka ku sheeganayo, waxaanay ka hor-imanaysaa Wareegtii Madaxweynuhu ka soo saaray dhulka iyo dhismayaasha dawladda.

Weriye Madax-bannaan Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

Hargeysa/Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *