• Dib-U-Cugashadii Barack Obama- Doorasho iyo Dhacdadii Ugu Shislayd 2012
• Somaaliland- Doorashada G. Degaanka Guul iyo Dhaliilaha Tubta Dimuqraadiyadda
• Somaaliya- Dawlad Ann Ku Meelgaadh Ahayn iyo Ambabaxa Al-Shabaab
• Kenya- Qaraxyo Isa Soo Taraya iyo Doorashada Ku Soo Fool Leh
• Guga Carabta- Masar oo Qarka U saaran Burbur Siyaasadeed
• Suuriya- Madaxweyne Aan Tudhayn iyo Kacdoon Burbur Horseeday
• Waayaha Falastiin- Duruufaha Adag iyo Yididiilada Soo Bidhaamaysa
• Itoobiya- Geeridii Ra’iisal Wasaare Males Zanawi iyo Raadkii Uu Ka Tegay
• Maali- Dawaariqa iyo Ururka Al-Qaacida Oo Ku Habsaday Waqooyiga Dalka
• Britain- London Oo Si Qurxoon U Martigelisay Tartankii Olympic 2012
• Kuuriyada Waqooyi- Gantaal Lama filaan Ah Oo Si Guul Ah U Ambabaxay
• Maraykan: Caruur Lagu toogtay Dugsiga Newtown iyo Sharciyadda Hub-Haysashada

Qaybta 1aad

Dib-U-Cugashadii Obama- Doorasho iyo Dhacdadii Ugu Shislayd 2012

Waxay ahayd 6dii November, 2012 markii shacabka Maraykunku u dareeray doorasho ay dib ugu cugteen Barack Xusseen Obama. Madaxweynahu waxaa uu talada dalka gacanta ku sii hayn doonaa 4 sannadood oo dambe. Run ahaantii, guusho waxaa uu ku haleelay tiro aad cidhiidhi u ah 50% tirade guud ee codbixiyayaasha, halka, Mitt Romney oo la beratamayay uu ka helay 48%. Hase ahaatee, marka la deymoodo dhinaca Golaha Doorashada (Electoral College) oo ah barta laga go’aamiyo doorashada, Madaxweynahu waxaa uu si xarrago leh u dhifsaday 303 cod-koobe halka dhiggiisu uu ka helay 206. Sidaa darteed, waxaa uu kulansaday Codkii Guud (Popular Vote), Cod-koobaha Golaha Doorashada iyo weliba codadkii Gobolada kolba dhan u janjeedhsada sida Colorado, Iowa, Ohio, New Hampshire, Virginia,iyo Wisconsin. Goboladaas ayaa ahaa halbeegga loogu qiyaas qaadan karo guusha.

Doorashadu waxay ahayd mid maryo dhiig ah lagu kala furtay. Mitt Romney, murashaxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga isaga oo ka yimid gobolka Massachusetts, murashaxii madaxweyne-ku-xigeen, Paul Ryan, gobolka Wisconsin, iyo Guddoomiyahii Aqalka Wakiilada, John Boehner, gobolka Ohio waxaa xusid mudan, mid kasta in looga adkaaday degaanka uu ka soo jeedo.

Isla habeenkii doorashada la soo afmeeray Mitt Romey waxaa uu qiray in uu jabay, isaga oo bogaadiyay Madaxweynaha la doortay. Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, “Dalkeennu waxaa uu marayaa xilli aad u adag. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu Madaxweynaha ku guuleeyo hoggaaminta qaranka.” Intaas waxaa uu ku ladhay, “Qaranka waxaa la soo dersay duruufo adag sidaa darteed xilligan looma baahna kala qaybsanaan iyo siyaasad xisbiyaysan. Madaxda ummadda waxaa laga sugayaa midnimo iyo in loo adeego shacabka, annaguna haddaan nahay shacabka waxaanu isu taagaynaa taageeradooda.”

Doorasho Curad Ah

Doorashadan waxaa lagu xusaasan doonaa dhowr arrimood oo curad ku ah sooyaalka doorashooyinka carriga Maraykanka.

1. Doorashada Madaxweynaha Maraykanka ee 2012 waxaa lagu asteeyaa “Doorashadii Xog Ururinta” iyada oo lagu soo koobay dhammaan haybta (identity), meelaynta (location), xidhiidhka iyo faahfaahinta ilaa aragtida muwaadin kasta oo Maraykan ah, meel kasta oo uu ku sugan yahay (dalka iyo dibediisa). Xog-ururinta oo weliba si qoto dheer loogu adeegsaday Ololaha Kooxda Madaxweyne Obama waxaa loo isticmaalayay in hawlyaraan iyo si wadareed oo baahsan loola xidhiidhi muwaadin kasta si loogu tebayo qorshaha xisbiga, looga raadiyo qaadhaan iyo in lagu guubaabiyo, lana hubsado ilaa uu ka codaynayo.
2. Doorashada waxaa laga soo xereeyay taariikhda qaadhaankii ugu badnaa oo loo huro hawlgal doorasho. Xisbiga Dimuqraadiga waxaa soo galay lacag dhan $1072.6m (Kun iyo labo iyo toddobaatan milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Maraykanka ah.) Dhinaca kale, Xisbiga Jamhuuriga waxaa uu helay lacag dhan $992.5m (sagaal boqol labo iyo sagaashan milyan iyo shan boqol oo kun). Lacagta wadarteedu intaas dhan tahay waxaa loo adeegsaday warfidin iyo wacyigelin, diyaarinta qorshayaasha xisbiyada, abaabulka iyo qabanqaabada shirarka, socdaalda iyo martiqaadyada. Ogow ma jirto lacag dhaameel ah oo ku baxday beel, degaan ama dano qofeed.
3. Tirakoobka dadka codeeyay, sidoo kale, waxaa loo arkay arrin curad ah marka laga eego laxaadka, jinsiga iyo midabka codbixiyayaasha. Midabka, haweenka iyo dhallinyarta ayaa sabab u ahaa guusha madaxweyne Obama. Codku waxaa look ala helay sidatan: –
Tilmaam Barack Obama Mitt Romney
Titada Guud 65,455,010, 60,771,703
Ragga 45% 52%
Dumar 55% 44%
Da’da 18-29 jir 60% 37%
Da’da 30-44 jir 52% 45%
Da’da 45-64 jir 47% 51%
Ragga Caddaanka ah 35% 65%
Dumarka Caddaanka ah 42% 56%
Ragga Madow 87%
Dumarka Madow 96%
Ragga Latino 65% 33%
Dumarka Latino 76% 23%

4. Waa markii ugu horraysay ee Aqalka Odayaasha ay ku soo biirto haweenay dhaqan leexsan ama u hungurooda dumarka. Tammy Baldwin, Xisbiga Dimuqraadiga oo toddobo jeer hore loogu soo doortay xildhibaan Golaha Wakiilada ayaa ku guulaysatay xildhibaan Aqalka Odayaasha (Senator) ka dib markii ay reebtay Tommy Thompson, badhasaab hore una ordayay xisbiga Jamhuuriga.
5. Tiradii ugu badnayd oo haween ah (20) ayaa ku biiray Aqalka Odayaasha. Haweenku markii ay ugu badnaayeen waxaa ay gaadhayeen 17 xildhibaan.
6. Doorashadu waxaa ay saamaysay markii ugu horraysay afti aqlabiyad ah in loogu codeeyo looguna ansaxiyo in ay is guursan karaan dadka isku jinsiga ah (labo nin ama labo dumar ah.)
7. Doorashadu sidoo kale waxaa ay xalaalaysay in Gobolada Colorado iyo Washington laga sharciyeeyo qiijinta xashiishada inkastoo ilaa hadda ay sharci-darro ka tahay xeerarka federal-ka.

Labada Xisbi iyo Labada Gole ee Xeerdjinta

Sida la sii odorosay Aqalka Odayaasha (House of Senators) waxaa ka sii talin doona Xisbiga Dimuqraadiga oo ku guulaystay 53 kursi halka uu Xisbiga Jamhuurigu ka helay 45 kursi.

Dhinaca kale Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku sii nagaan doona guddoonka Golaha Wakiilada iyaga oo haysta 232 kursi. Dimuqraadigu waxaa uu Golaha ku leeyahay 191 kursi.

Haddaba, muran kama taagno aqlibiyadda xildhibaannada Xisbiga Jamhuuriga ee Golaha Wakiiladu in ay turunturro iyo jilaafo ku ahaan doonaan meelmarinta siyaasadda iyo xeerarka xukuumaddu ballanqaaday xiligii doorashada. Sidoo kale, afartii sannadood oo ina dhaafay Madaxweyne Obama waxaa uu ka baaqsay fulinta qorshayaal badan oo ay ku gacan saydheen Wakiiladu. Hase ahaatee, xilligan waxaa la aaminsan yahay in labada xisbi iyo labada gole isaga soo dhowaan doonaan intii hore. Madaxweyne Obama isla habeenkii la doortay waxaa uu gacan heshiis u fudiyay xubnaha Jamhuuriga ee Wakiilada taas oo Guddonka wakiiladuna soo dhoweeyeen.

Intaa waxaa dheer guusha u soo hoyatay Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah dhawaaq dheer oo ku dhacaaya dhegaha mudanayaasha Jamhuuriga. Xeeldheerayaasha u kuur gala siyaasadda Maraykanka ayaa aaminsan Xisbiga Jamhuurigu haddii uu ku sii mintido is-hortaagga siyaasadda xukuumadda in ay ku hooban doonaan doorashooyinka golayaasha xeerdejinta eek u soo fool leh 2014. Halkaa waxaa ka dhallan doono Dimuqraadiyuuntu, mar keliya, in ay gacanta ku wada dhigaan Madaxtooyada, Golaha Wakiilada iyo Aqalka Odayaasha tasoo u fududayn doonta meelmarinta wax kasta oo ay ku taamayeen.

Sidaa darteed, waxaa la filayaa xattaa haddii uu sii jiitamo muranka iyo ismaandhaafka labada gole in ay adag tahay sida lagu dhiciseeyo qorshayaasha Madaxweyne Obama. Dib-u-doorashada Obama, markan waxaa ay sii xoojin doontaa in uu ku dhiirrado dibna u soo dhigo qorshayaal ka kaddibay sida in uu si mug leh u cashuuro maalqabeenada iyo in uu cashuurta ka cafiyo dadka dakhligoodu ka hooseeyo 200,000 Doolarka Maraykanka. Waxaa kale oo uu ka midho dhallin doonaa qorshahiisa baahsan ee daryeelka iyo cayminta caafimaadka dadka danyarta ah. Ku dar xakaymaynta hubka oo hadda dalka gilgilaysa iyo mashaariicda horumarineed ee curinta tamarta.

la soco ……..

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *