Hargeysa (ANN) Aqoon-iswaydaarsi la xidhiidha xal-u-helista khilaafyada ka dhasha khayraadka dabiiciga ah iyo dhismaha nabadda, ayaa ka furmay xarunta Jaamacadda Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah cuqaasha iyo warbaahinta Somaliland.

 

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda FCA, oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Jaamacadda Hargeysa, isla markaana la soo xidhi doono Khamiista maanta, waxa si weyn loogu falanqeeyey hababka ugu fudud ee loo xallin karo khilaafyada ka dhasha khayraadka dabiiciga, gaar ahaan biyaha, dhulka, iska horimaadyada ka dhexmara beeralayda, xoolo-dhaqata iyo dhinacyada kala duwan ee wadaaga khayraadka dabiiciga ee waddanka Somaliland.

Xaflad loo sameeyey furitaankii aqoon-isyadaarsigan waxa ka hadlay Maxamed Cabdikariin Xirsi oo ah sarkaal ka tirsan waaxda nabadaynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaannu ka warramay khilaafyada bulshada miyiga ee ka dhasha khayraadka dabiiciga ah sida biyaha iyo daaqsinta.

Sidoo kale, waxa uu ka dhawaajiyey in magaalooyinka laftoodu aanay ka madhnayn murannada dhulka, isla markaana u sii dheer yihiin khilaafyada ka dhasha siyaasadda iyo isku qabsashada kuraasta hoggaaminta dalka.

“Khilaafaadka dhulka miyigu waxa uu u badnaa khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaanna biyaha iyo dhulka. Waxa kale oo isaguna soo badanaya khilaafyada magaalooyinka ka dhaca oo iyaduna magaaladu ay iska wadato arrimaheeda oo siyaasad iyo kursi la isku haysto amma la isku khilaafo. Cuqaashu arrimihii ay ku shaqayn jireen waxa weeye amma ahaa xal aad u wanaagsan, Wasaaradda Arrimaha Guduhuna iyadoo taa ka duulaysa waxa ay bilowday siyaasad ka hadlaysa nabadgalyada Somaliland ee xeer-dhaqameedka, siyaasaddaasina waxay ahayd siyaasad ay madax-dhaqameedka, culimada iyo dhallinyaradu doorka ugu badan ku lahaayeen, waxa la doonayaana waxa weeye dawlad kaligeed waxba ma dhisi karto oo Carabtaa tidhaa, gacan kaliyii sacab ka tunto oo haddaan ta kale u iman waxba qaban mayso, taas oo aynu kaga duwanahay hababka ay reer galbeedku wax u xalliyaan,” ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Mr. Muxiyadiin Cabdillaahi Siciid oo ka tirsan hay’adda FCA, ayaa isaguna u mahadceliyey ka qaybgalayaasha, isagoo tilmaamay in muddada saddexda maalmood ah ee aqoon-is-waydaarigu socdo lagu falanqayn doono arrimo muhiim ah oo la xidhiidha khayraadka dabiiciga iyo sidii loo xallin lahaa, waxaannu rajeeyey in gunaanadka aqoon-isweydaarsigaas ay ka soo baxaan talooyin gun-dhig u noqon kara siyaasad hufan oo laga leeyahay khayraadka dabiiciga ah iyo sidii loo xallin lahaa khilaafyada ka dhasha.

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *