Qahira(ANN)Dacwad ooggaha guud ee dalka Masar ayaa amar ku bixiyay maanta  in si deg deg ah  Madaxweynihii hore ee dalkaa Xusni Mubaraak ee xukunka laga tuuray looga saaro xabsiga oo loo wareejiyo Cisbitaal militerigu leeyahay. kadib markii xaaladdiisa

 

caafimaad ay ka sii dartay.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak oo hore xukun xabsi daa’in ah loogu xukumay. kadib markii dacwad lagu soo ooggay isaga iyo labdiisa wiil,  ayaan la oggayn in xabsiga laga wareejin doono iyo iyo in kale, waxaana marar kala duwan dhawr goor Mubaarak loo qaaday Cisbitaalka, iyadoo  toddobaadkii hore la geeyay csubitaal kadib markii xanuun qabtay isaga oo ku jira xamaamka lagu maydhto ee ku yaal xabsiga uu ku xidhanyahay.

Mubaarak oo da’diisu hada tahay 84 jir ayaa waxa uu xukumayay dalka Masar 30 sano — waxaana ku qasbay inuu xafiiska ka dego kacdoonkii ka dhacay dalka Masar horaantii  sanadkii  hore 2011. waxaana markaa kadib lasoo taagay Maxkamad iyadoo lagu xukumay xabsi daa’in. kadib markii lagu eedeeyay doorkii uu ku lahaa dadkii lagu dilay intii ay socdeen banaanbaxyadii looga soo horjeeday maamulkiisa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *