Dhacdadii weerarka ahayd ee lagu soo qaaday qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ee Wargeyska Hubaal ee 24kii Abriil,. 2013 , laguna damacsanaa in lagu khaarajiyo dil qorsheysan oo aan raad raac lahayn Madaxda

Wargeyska oo uu kaw ka ahaa Maareeyaha Guud Mr. Maxamad Axmad Jaamac [Caloolay], waxa uu astaan cad u yahay sida uu usii burburayo , iskuguna dhex daatay haykalkii iyo nidaamkii dawladnimo ee isagoo dhammeystiran oo dhisan gacanta laga geliyey Xukuumadda haatan dalka ka talisa.

 

Waxa kale oo uu weerarkii Wargeyska Hubaal ee xagga Eebbe laga fashiliyey lagu tilaami karaa mid haddii uu guuleysan lahaa lagu fulin lahaa cid allaale ciddii farta ku fiiqda dhaliilaha iyo tabashooyinka kala duwan ee xad dhaafka noqday ee maanta ka jira dhinaca ciddii aan xilka u dhiibanay , kuwaas oo ay ugu horreeyaan Hoggaamiyayaasha sare ee Axsaabta Mucaaridka iyo Xildhibaanada mar walba u darban inay tooshka ku shidaan waxyaabaha sida qalloocan u socda ee caadada u noqday Xukuumaddan ee ay ka midka yihiin qeybinta Qandaraasyada , Mashaariicda , shaqada iyo shaqaalaha iyo qaabka isticmaal ee hantida dhexda u ah Shacbiga reer Somaliland .

 

Sidaa darteed , waxa uu Wargeyska Hubaal aaminsan yahay in falkii dhagarta foosha xun xambaarsanaa aanu ahayn mid keli ku ahaa ama ku koobnaa Madaxda Wargeyska Hubaal , balse ahaa mid duulaan ku ah dhammaan hannaanka dimoqraadiyadda iyo xorriyatal qawlka shacbiga Somaliland , isla markaana ujeeddadiisu ahayd in lagu laalaabo Dastuurka Qaranka ee aan ku xardhanay Ilaalinta xorriyatal qawlka iyo Madaxbanaanida Saxaafadda . Waxa kale oo la odhan karaa marka la eego ifafaalayaashii la arkayey ee ay ka midka ahaayeen soo saarista xeerkii Xukuumaddu duuduubka ku dhaafisay Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida ee nabad sugidda Qaranka loogu yeedhay , balse ka hor imanayey qodobo ka mid ah Dastuurka Qaranka , wax la fili karo way ahayd dhacdadii khaarajinta ahayd ee qaabkii loo soo qorsheeyey aan hore loogu arag Somaliland .

 

Sidaa si la mid ah , waxa uu weerarkii khaarajinta ahaa ee la doonayey in lagu fuliyo Madaxda Wargeyska Hubaal uu ahaa marka xaqiiqada laga hadlo , mid haddii uu fuli lahaa halis ku noqon lahaa jiritaanka Qaranimadeena , waayo waxad kasoo qaadaa Alle kama dhigine iyadoo uu fuli lahaa dilkii ama dilalkii qorsheysnaa ee lagu soo qaaday Madaxda W/Hubaal . Waxan hubaa inaan waagu ka baryeen fal celintiisa oo cid war-mooge ah oo aan waxba kaga jirin shirqoolkii dhagarta ahaa lagu khaarajin lahaa , halkaana uu ku badbaadi lahaayeen dhagar qabayaashii dhabta ahaa , isla markaana intay dhoosha ka wada qoslaan kuwa kale oo ka ballaadhan ay fulintooda qorsheyn lahaayeen . Marka intaasi dhacdo miyaanay laba dhinac oo hubeysani foodda is-dareen ,halkaana ku lunteen midnimadii iyo wada jirkii shacbigu , taasoo macno ahaana horseed u noqonaysa burbur ku yimaada Jiritaankii Qaranimadeena .

 

Arrinta dhacday ee Ilaahay fashiliyey , halloo eego si Qaranimo oo ka aragti dheer inay ahayd qorshe keli ku ah Wargeyska Hubaal iyo Madaxdiisa , Xukuumadda laf ahaanteeda waxa looga baahan yahay in dhacdadan ku eegto mid ka duwan ta cambaareynta kaliya ah iyo difaaca aan wax la taaban karo ku saleysnayn ee ay la soo taagan tahay oo ha garato , in qiyamkii Xukuumadda la dhaawacay oo ha oggolaato in dhacdadaa baadhisteeda loo saaro Guddi madaxbannaan , si loo soo taabto , loona soo qabto ciddii dabada ka wadday ee usoo adeegsatay Askartii Maamulka Xukuumadda , sidaas ayaa u aragnaa in looga dawoobi karo wixii dhacay oo hadduu fuli lahaa laf jab aan laga soo kaban ku noqon lahaa Dawlad iyo shiciba.

XIGASHO: Wargeyska Madaxa banaan ee Hubaal, Cadadkiisii soo baxay Isniintii Toddobaadkan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *