Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka Caasimada Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (C/raxmaan Soltelco) ayaa kulan kula yeeshay xarunta dawladda Hoose, wakiiladda Hay’addaha Qarramada Midoobay ee

UN-habitat, UNDP, UNICEF, WHO iyo UNESCO.

Kulankaa waxaa lagu gorfeeyey kaalinta waxqabad ee hay’adahani kaga jiraan horumarinta dawladda Hoose ee caasimadda iyo tayada mashaariicda ay ka fuliyaan Hargeysa.

Maayarka caasimada C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ugu horeyn sheegay inay wada shaqeyn dhow ka dhaxayso hay’adahaasi isagoo halkaasi ka soo bandhigay qorshaha iyo mashaariicda ay uga baahan yihiin in ha’yaduhu kala shaqeeyaan Golaha deegaanka ee cusub.

“Waxaan dhamaantiin idiinka mahadnaqayaa kulankan aynu yeelanay ee aynu ku gorfaynay wada shaqeynta aynu wada leenahay, kulankani maaha mid maanta uun ku koobnaan doona ee waxaynu yeelan doonaa shirar badan oo aynu ku sii xoojinayno wada shaqaynteena iyo mashaariicda aynu ka wada shaqaynayno,”ayuu yidhi Maayarka Caasimadu.
“Waxa imika i hor yaala qorshihii waxqabad oo gole deegaan ahaan aanu dejinay, waana masuuliyadda nala saaray, waana mid u baahan in wakiilada hay’aduhu nagala shaqeeysaan sidii loo hirgelin lahaa,” ayuu intaasi raaciyay Maayarku.

.

Wakiiladda Hay’addaha UN-habitat, UNDP, UNESCO iyo UNICEF ayaa dhinacooda balanqaaday inay wada jir ula shaqeyn doonaan siina wadi doonaan mashaariic wada shaqeyneed ee ay hawl-wadaagta ka yihiin Dowladda Hoose Hargeysa, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin kullamo kale oo ay isugu yimaadaan, waxaanay kulankana ku tilmaameen mid wax weyn ku soo kordhin doona mashaariicda horumarineed iyo qorshayaasha horumarinta caasimadda Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *