Ciwaanka ku xusan maqaalkayga waa warbixin ay baahisay shebekada araweelonews oo xidhiidh la leh sheeko aan la kulmay, isla markaana waxay
ahaayeen erayadii dhegtayda ku soo dhacay aniga oo jooga Geerash lagu sameeyo Baabuurta oo sugaya gaadhigayga oo

 

cilad laga samaynayay,
waxaan tixraacay sheekadii inamada Geerashka ka shaqeeyaa ku sheekaysanayeen.

Waxaan ku idhi bal ii warama siday sheekadani ku
dhacday, waxa lay tusay nin ay ku magacaabaan Cabdi Madhab, wuxuu
yidhi cabdi annaga oo habeen habeenada ka mid ah daawanayna Tvga oo
ciyaar ku bada cagta ahi ka socoto, ayaa waxaa noo yimid labo inan oo
reer Somaliland ah oo aan garanaayo. In kasta oo aan markii danbe
ogaaday in midka mid ahi labada inan uu ahaa nin u dhashay somaliya,
waxay igu yidhaahdeen gaadhi baanu kasoo kaxaysanay abtigayo , waxaa
naga lumay furihii gaadhiga, ma noo istaadhi kartaa?. Waan kacay aniga
oo aan waxba hubsan, waxaan dultagay gaadhi furan oo ay igu
yidhaahdeen waa kan. Gaadhiga waan dhexgalay oo waxaan marikiiba
furfuray shukaanta oo aan islahaa ku talaal si uu u istaadhmo, aniga
oo furfuristii ku jira ayaa hoonka gacantu igaga dhacday, waxa
markiiba diday labadii inan waxay igu yidhaahdeen naga daa
hoonka!,markaasaan anna sii garaacay hoonkii aniga oo leh waar maxaa
ku jaban hoonka hadaan garaaco. markii uu hoonkii gaadhigu mar kale
dhawaaqay ayey labadii carareen aniguna shaqadaydii ayaan sii watay.

Ninkii gaadhiga lahaa oo guri u dhawaa gaadhiga ku jiray ayaa soo degey, intuu i dul yimi aniga oo aanay iga qasnayn, ayuu igu yidhi
isaga oo cadhaysan, waar maxaad samaynasaa?!!, ninkii gaadhi lahaa
ayaan ku idhi nagatag dadkii gaadhiga lahaa baa noo dirtee adigu
maxaad ahayd?!, waar tuugyahow Gaadhigayga ayaad jabsatay oo aad
waliba soo indha cadahay. Markuu intaa yidhi wajigiisana cadho xoog
leh ka dareemay, ayaan xaqiiqsaday in aan bad ku jiro oo aan shirqool
tuugo dhex-fadhiyo, waxan is idhi haddaba ka carar goobta oo naftaada
badbaadi, intaan Gaadhigii ka dhex kacay baan isku dayay in aan
baxsado. Ninkii oo ihortaagan ayaan jiidhay markaas buu dhulka ku
dhacay hase yeeshee laba nin oo xoog waawayn oo isaga guriga

ladaganaa ayuu u yeedhay. Markiiba way isoo gaadheen waanay i qabteen
oo dhulka ayay beerka ii dhigeen Xaaskiisa oo iyana ladaganayd ayuu ku yidhi xadhig ii keen, xadhig Telefoon bay u
keentay, labadii nin ee xooga waawaynaa ayaa geed igu xidhay markaan
arkay inay doonayaan inay i dilaan ayaan qayliyay aniga oo leh waar
tuug maihi. Waxaa soo baxay dadkii xaafada oo qaar markiiba i garteen,
iyadoo qaarkood nimankii ku yidhi waar hadilina tuug maahee, kadibna
qayladii ayaan sii kordhiyay. Waxaa markiiba maqlay askartii jeelka
oo goobtii yimi, kuwaas oo ku yidhi ninku hadduu tuug yahay waa in
lageeyaa xarunta booliiska ee maaha in aad Geed ku xidhataan oo
gacantiina ku dishaan. Askartii baa saldhiga igeeyay halkaas baa la
iguxidhay ayuu yidhi Cabdi Madhab.

Ninka Gaadhiga lahaa waa Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtigaa deganaa
guri hadda loo beddelay hotel Hanad ka soo horejeeda Baar ubax ee Magaalada Hargaysa.
Hadii ay sheekadu cabdi sax tahay. Madax-waynaha Somaliya waa nin sida
dhacdadani tilmaamayso sharciga gacanta ku qaatay oo ay cadhadu
Hogaamiso. Waan fahmi karaa nin gaadhigaaga dhex fadhiya oo furfuraaya
in aad ka cadhoonaysid haddana waa in sharciga dalka u yaal aad ku
hogaamiso oo hadiiba aad xidhay aad booliiska ugu yeedhid. Maxay kula
tahay akhriste anigu waxaan ahay qoraa maqlay sheekada, isla markaana
ka akhiray sheekadaa shebekada araweelonews oo lagu baahiyay, waxayna
sheekadani si cad sawir uga bixinaysaa dulqaadka iyo dabeecada
shaqsiyada dhabta ah ee ka uu yahay madaxweynaha loo doortay Somalia

Qore:prof.Cabdi Xuseen Maraykan{FLOSY}

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *