Ururka Fanka iyo Farshaxanka Goodir (KUDU Arts) wuxuu idinku casumayaa dhacdo billeedlaha NUMBI iyo Daahfurka Majaladda SCARF oo bishan September 17 keeda ka dhici doonta xarun dhaqameedka Rich Mix. Waa maxay Dhacdo billeelaha NUMBI?

Waa dhacdo dhaqameed uu bil kasto u qabto ururka Fanka iyo Farshaxanka Goodir (KUDU Arts) dhammaan dadka ku hadla afka Soomaaliga oo fursad loo siiyo Soomaalida gabayda, geeraarta, heesta ama muusigga garaacda, waana dhacdo loogu talo galay horumarinta iyo kor u qaadidda suugaanta iyo fanka Soomaalida, sidoo kale waa dhacdo ay aqoon iyo xirfado ku wadaagan jaaliyadaha kala jaad jaadka ee ku dhaqan magaalada London iyo nawaaxigeeda, xooggana saarta dhaqammo wadaagga iyo is weydaarsi dhaqameedka.

Majaladda SCARF:

Bishan September waxaa dhacdo bileedlaha NUMBI lagu soo bandhigi doonaa ama lagu daah-furi doonaa cadadka labaad ee Majaladda SCARF oo iyana ah Majalad dhaqameed ay wax ku qoraan qoraayada Soomaalida ah kuwa ugu caansan, qoreyaal Ingiriis ah iyo kuwo caalamka dhan aad looga yaqaanno iyo waliba gabyaa kala duwan. Moowduuceeda cadadkanna waa Ports, Cities and Pirates. Dhacdada inta ay socoto waxaad ku iibsan kartaan Majaladda SCARF 5 ginniga Ingiriiska ah.

Dhacda billeedlaha NUMBI iyo daah furka majaladda SCARF waxaa marti u ah Ubax Cristina Ali Farah oo ah gabyaa iyo qoraa caan ah oo ku nool dalka Talyaaniga waxna ka dhigta jaamacadda Roma isla markaana hore u soo saartay buuggaag caan ah oo uu danbeeyay buugga; Habaryar (Little Mother) waxna ku qorta majaladaha SCARF iyo VOGUE iyo laba Gabyaa oo caan ah, Soomaaliduna ay aad u yaqaannaan oo gabayadooda lagu tarjummay afka Ingiriiska oo uu dhiiri galiyay Ururka Kudu Arts in la tarjummo si ay caalamka u ogaadaan xikmadda iyo xeeladda gabayada Soomaaliga ah, iyadoo ay qayb ka qaateen tarjumaadda gabayadaas Xarunta Tarjumaadda Gabayada (Poetry Translation Centre) Waxayna kala yihiin Abwaan Faysal Awcabdi Cambalaash iyo Abwaanad Caasha Luul.
Dhanka Fanka iyo farshaxanka waxaa idiinku marti ah; DJ Nikki Lucas, DJ Oli, The Seeds of Creation, Friends of Designe, Siemy Di Sestem. Max Boufathal, Nathalie Mba Bikoro iyo Kinsi Abdulleh oo intaba aad loogu tixgaliyo dhanka fanka iyo farshaxanka.

Goorta:     17 ka September 2011
Saacadda: 20:00 – 12:00
Goobta:    35-47 Bethnal Green Road, E1 6LA London, United Kingdom
Qiimaha tikidka: 5 ginniga Ingiriiska ah si aad u hesho booqo oo ka iibso tikidka Xarun dhaqameedka Rich Mix intaan lagaa dhammaysan ama riix halkaan oo ka iibso online: http://www.richmix.org.uk/whats-on/event/numbi-art-film-music-and-spoken-word-from-the-diaspora/
Faahfaahin dheeri ah la xiriir Madaxa Ururka Fanka iyo Farshaxanka GOODIR (KUDU Arts) Kinsi Abdulleh:             0044 (0) 7949534402       ama booqo www.kuduarts.org.
Si aad ula socoto dhacdooyinka goor walba waxaad ku soo biiri kartaa bogga dhacdo bileedlaha NUMBI ee Facebook:
https://www.facebook.com/pages/Numbi-Pop-up-Monthly-Event-Art-Film-MusicDance-and-Spoken-Word/150458995015544?ref=ts
Ama soo raac Twiter www.twitter.com/kuduarts

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *