Hargeysa(ANN)Shirkadda Dahabshiil, ayaa maanta 56 ka mid ah ciidammada ammaanka ee ka halwgalaha waaxaha kala duwan ee xawaalada iyo xafiisyada shirkadda u soo xidhay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda dhinaca ilaalinta ammaanka iyo la macaamilka macaamiisha. Tababarkan oo
socday muddo siddeed cisho ah, ayaa waxa ka soo qaybgalay xidhitaankii madaxa ilaalada ammaanka ee shirkadda Dahabshiil, macallinkii bixinaayey casharada iyo ciidammadii uu u socday tababarku.
Mr. Jaamac Xarriir Yuusuf oo ah sarkaalka bixinaayey casharada tababarka oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey maamulka shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay inay had iyo jeer ku dedaalaan sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa shaqaalaha iyo ciidammada ilaalada ammaanka shirkadda, waxaannu sheegay inay siiyeen aqoon ay ka mid tahay sidii loo wanaajin lahaa loona labanlaabi lahaa xidhiidhka macaamiisha Dahabshiil, isla markaana uga hawlgali lahayeen hawlgal kasta oo baadhitaan lagu samaynaayo waxyaabahay ka shakiyaan, waxa kale oo uu sheegay in la baro shaqaalaha sidii ay shaqadooda ugu gudan lahaayeen si dhammaystiran.
Mr. Jaamac Xariir waxa uu ku ammaanay ciidankanay tababarka u soo xidheen inay si fiican uga faa’iideysteen casharadii la baraayey, isla markaana ay muujiyeen muddaday tababarka qadanaayeen kalsooni badan oo dedaal ku dheehan yahay, waxaannu kula dardaarmay inay casharadan muhiimka ah ee ay barteen inay uga faa’iideeyaan inta kale ee aan tababarkan nasiib u yeelan.
Mr. Saleebaan Muuse Xasan oo ah madaxa ammaanka ilaalada Dahabshiil oo halkaas ka hadlay, ayaa faafaahin ka bixiyey duruusta ay qaateen intii tababarku u socday ciidanka iyo faa’iidooyinka u leedahay, isaga oo xusay in duruustaas ay ka mid ahaayeen qaabka ugu hobboon ee loola dhaqmo macaamiisha iyo qaabkay uga hawlgali lahaayeen haddii ay la kulmaan waxyaabo khalkhalgelya amniga, waxa uu sheegay madaxa ammaanku in sidoo kale ay qaateen casharo la xidhiidha sida anshaxa ciidanimo iyo sida loo ilaaliyo caddaalada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *