Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha xarunta daryeelka waxbarashada carruurta ee Ha’yada SOS ee Magaalada Hargeysa  oo ku taalla xaafada Ganad ee degmada Ibraahim Koodbuur ee

 

Woqooyiga  magaalada Hargeysa.
Munaasibadaa  waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Hawlaha Guud, Ganacsiga, Qorshaynta qaranka, Boosaha iyo isgaadhsiinta, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada, Wasiir Ku Xigeenka waxbarashada iyo Maayarka caasimada Hargeysa iyo agaasimeyaal guud iyo Madaxweynaha Ha’yada SOS.

Sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo marti sharaf kale.

 

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Ha’yada SOS uga mahad celiyay xaruntan weyn ee iskugu jirta xanaanaynta iyo waxbarashada carruurta waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq balaadhan uga jeediyo Madaxweynaha Ha’yada SOS, waxa kale oo aan u mahad celinayaa madaxa xaruntan ee dedaalka weyn u galay hirgelinta xaruntan.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan ugu mahad celinayaa SOS mashaariicda badan ee ay dalkeena ka fulisay ee uu ka mid yahay iskuulka Sheekh ishaalaahuna aan filayo inay mashaariic oo waxtar lehna ay ka fulin doonaan dalka. Waxay ila tahay maadaama oo ay hawshan fiican ka wadaan illaa 132 wadan oo dunida ka mid ah oo dhalinyaradeeda iyo carruurteeda ay gacan qabteen. Waxa kale oo aan uga mahad celinayaa dugsiga sare ee Sheekh ee boodhinka ah ee ay gacanta ku hayaan oo ka mid ah dugsiyada ugu waaweyn dalka waana dugisigii aan anigu ka soo baxo. Xiligaasi iyagu gacanta kumay haynin eedawladii Ingiriiska ee dhistay ayaa gacanta ku haysay.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ku farxay markii uu arkay carruurta ku jirta xarunta iyo sida loo daryeelayo. “Waxaan aad iyo aad ugu farxay markii aan maanta imid Hooyooyinka iyo dadka ka shaqeeya xaruntani ay u xanaaneynayaan carruurta yar yar. Waxaan hawl wadeenada u soo jeedinayaa Hambalyo iyo bogaadin aan ugu dirayo sida caqiibada leh ee ay u hayaan carruurtaasi, waxaan rajaynayaa in xaruntan ay ka soo bixi doonaan Madaxweyneyaasha soo socda mustaqabalka, waanan soo dhawaynayaa tarbiyada iyo daryeelka ay heleen,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.
Agaasimaha Ha’yada SOS ee Somaliland/Somalia Axmed Maxamed Ibraahim, oo Madaxweynaha ka hor ka hadlay xafladaasi waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxweynaha Somaliland uu furo xarunta daryeelka iyo waxbarashada carruurta ee Ha’yadiisu ka hirgelisay magaalada Hargeysa.
“Mudaneyaal iyo marwooyin waxaan si sharaf iyo maamuus leh idiinku soo dhawaynayaa munaasibadan qaaliga ah ee aynu ku furayno tuuladii carruurta ee ugu horaysay ee laga hirgeliyo Somaliland. Haddii aan waxyar idiinku laabto taariikhda Ha’yada SOS ee Somaliland waxay ahayd 5-tii bishii May sanadkii 1999-kii markii heshiis guud oo ku saabsan dhismaha iyo taabo galka Ha’yada SOS ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ha’yada SOS ee caalamiga ah waxaana heshiiskaasi qalinka ku duugay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal iyo madaxweynaha SOS oo xafladan inala fadhiya.Ha’yadaasi markii heshiiskaasi la saxeexay waxay markiiba bilowday inay si firfircoon uga qeyb qaadato hawlaha waxbarashada. Iyadoo dib u dhis ku samaysay iskuulka caanka ah ee Sheekh. Iskuulkaasi oo ay dhiseen gumaystihii Ingiriisku sanadku markii uu ahaa 1950-kii waxa uu ku burburay dagaaladii ka dhacay dalka.
Iskuulka Sheekh waa iskuul ku dayasho mudan waxa wakhti xaadirkan wax ka barta 215 arday oo 62 ka mid ahi yihiin hablo. Waxa kale oo tababar ku qaata xiligan 30 hablood oo tababar macalinimo uga socdo kuwaasi oo loogu tallo galay inay macalimiin ka noqdaan dugsiyada Somaliland.”
Agaasimaha Ha’yada SOS waxa uu sheegay inay dedaal u galeen sidii ay daryeel u siin lahaayeen carruurta duruufuhu ay haystaan ee aan waalidkood gacanta ku haynin waxaanu yidhi “Carruur badan ayaa waaya nolasha qoyska sida faqrinimo, HIV/AIDS iyo waalidka oo kala taga hadaba si ay Ha’yaddu arrimahaasi jira wax uga qabato waxay mar kale go’aansatay inay waxqabadkeeda kordhiso si ay u caawiso carruurta khatarta ugu jira duruufaha qoyska.waxay ahayd June 2008-dii markii la dhisay dugsiga xanaanada carruurta qeybta iyo xarun caafimaad markii laga dhisay.labadii sanadood ee la soo dhaafayna waxaanu bilownay barnaamijka horumarinta bulshada oo aanu ugu yeedhno Barnaamijka horumarinta qoyska. Barnaamijkaasi waxa ka faa’iidaysta 558 carruur ah oo ku nool magaalada Hargeysa.”
“Barnaamij kaas la mid ah oo laga hirgeliyay magaalada Berberana waxa ka faa’iidaysta 330 carruur ah, sidoo kale waxay Ha’yadu waxay wax ka qabatay dhinaca caafimaadka iyadoo furtay laba xarun caafimaad oo midina ay ku taalo Hargeysa midina ay ku taallo magaalada Berbera, sanadkii u dambeeyay oo qudha waxa xarumahaasi caafimaad ka faa’iidaystay oo waxqabad caafimaad ka helay 5559 bukaan oo isugu jira haween iyo carruur,”ayuu yidhi Axmed Maxamed Ibraahim
Agaasimaha oo ka hadlayay xaruntan xadhiga laga jaray iyo tirada carruurta lagu daryeeli karo, waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne, wajiga hore tuuladda carruurta SOS ee Hargeysa oo aad indhahaaga ku soo aragtay waxa uu ka kooban yahay 12 guri waxaanu hoy u noqon doonaa 120 carruur ah, xiligan waxa ku jira 104 carruur ah waxaana noo dhiman 16 carruur ah inaanu xaruntan ku soo xaraynokuwaasi oo ka heli doona xanaano iyo waalidnimo. Carruurtan waxay wax ka baran doonaan dugsiga xanaanada carruurta oo ay wax ka bartaan 120 carruur ah oo iskugu jiran kuwa xaruntan iyo carruurta bulshada magaalada. Waxaan maanta furaynaa xaruntan waxaanan ku faraxsan nahay in madaxweynaha Somaliland inoo furo xaruntan.”
Agaasimaha SOS waxa uu u mahad celiyay wasaaradaha ay wada shaqaynta leeyihiin waxaanu balan qaaday inay carruurta xaruntan ku jirta ay siin doonaan daryeel wanaagsan.waxa kale oo uu u mahad celiyay madaxweynaha Ha’yada SOS oo uu ku tilmaamay nin kaalin weyn ka geystay hirgelinta xaruntan.

Araweelonews MObile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *