Waxaynu ognay in kal hore ahayd maalintii doorashada Madaxtooyada. Maalintaas oo muujisay in Somaliland dadkeedu yahay duul u bisil dimuquraadiyada, duul la xisaabtami kara cidda ay xilka u dhiibtaan, eryi kara oo saari kara kolba kii ay u arkaan inay danta guud ku jirto. Wey

foodeen oo nabad ayey ku codeeyeen, wey codeeyeen oo qabiilbay ka guureen, wey hadleen oo fadhiid iyo kursi-yurur ayey ka baqooleen, wey dhaqaaqeen oo danta guud ayey u ambabaxeen. Waxay keeneen Kulmiye oo hogaanka qabta. Waxayna noqotay 26ka June 2010 kolkii ugu horeysay ee xisbi mucaarid ihi si dimuquraadi ah uu xilka ula wareego geeska Afrika iyo in yar mooyee dalalka soo koraaya oo dhan. Waa taariikh khad dahab ah lagu qoray, qoraaguna waa dadweynah Somaliland.  
Aan intaas ku dhaafo kalhore iyo tilmaamteed, oo aan u kaco tey lahayd iyo gaarkeed. 26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.
Waxay ahayd maalin dhalinyaro badani ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.
Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF, USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.
Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u horreysaa qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay 27kii Juun. Labada kalena loo jaangooyey Soomali Galbeed iyo NFD.Taas ayey ku dhisnayd hammigii iyo himmiladii is-raaco.
Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah oo midaysan, nabad ah oo dimuquraadiyadiisa iyo hab-maamul wanaagiisu ka bidhaamaayo qaarad xaq-darradu ka dhigtay god madow. Ku diganmaayo oo manta la xisaabtamimaayo walaalahaygii shallay isku-dayey inay god iyo haadaan aan laga soo noqon ku ridaan qaranka Soomaliland. Waayo waxay yihiin dar gacantooda isku-dooxay, gubay dalkooda oo manta Soomaliya ka dhigay meel aan umul, abeydin, iyo odaytooni ku nabadgelin. Meel naftu tahay mid aan qiime lahayn.
Waxa ayaan darro ah in halkay nabadeyda iyo qarannimadeyda qiri lahaayeen iyagoo dalkoodu gubanaana ay weli wadaan aflagaado, hadardaamo, tabco-hoose iyo uur xumo, ay rabaan inay horumarka Soomaliland dib u celiyaan, inay holaca dalkooda ka jira halkay ka damin lahaayeen soo gaadhsiiyaan Soomaliland oo martigelisay maatidooda iyo waayeelkoodaba. Ka aargoosanmaayo oo gacamo furan iyo walaalnimo ayaan u haya dhammaan inta colaada ka soo qaxday. Xaqa ayaa guulaysan iyana Alle ha tuso xaqa oo Alle talatooda ha ugu dhiibo inta ka naxaysa duruufaha dadkoodu ku jiro, kuwa dilaalka iyo dhuuni-raacnimada siistay qarankana Alle ha ka qabto. Xaq ayaan ku jooga Allena waan talo saartay, itaalna waan leeyahy aan qaranimada Soomaliland ku difaaco oon ku ilaasho, ee Alle guushaan gaadhnay hayno xoojiyo.   
26ka Juun waa maalin rajo wanaag iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.
Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin, odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo dhammaan halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka bilaabmaayo kii Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku dhimmatay,ku-dhawacantay, kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.
.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waa lama iloobaan geesinimadii Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir, halgankii seddexda xisbi ee SNL, NUF iyo USP.Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe, Guduudo, Cali Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi, Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan, Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.
Aan jaleeco macaanka gobannimadu leedahay. Bal dhuux, ereyada macaan ee ku jirta heesaha caanka ah..Dharaarta aan waxyeelada dhaqdhaqay..Waa dharar farxad iyo damaashaad mudan..ee aan maalno hasheen maandeeq..
Guul Alle iyo Gobannimo.
Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
Mob: UK: 07 904020 679

Ku soo biir boggan oo ka dhiiba fikradaada Horumarinta Somaliland.
http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Hassan-Arwo/150753478331907

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *