https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13a0994fd3b198c2&attid=0.2&disp=inline&realattid=f_h7mchmzl1&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1348785224504&sads=pMcOPy7CgP2v4q5mfh4QqOryNTcHargeysa (ANN)Shirkadaha Dabashiil Group ayaa taakullo lacageed  ku wareejiyey Guddiga Dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa oo la doonayo in laga dhigo laami si fudud loo mari karo, isla markaana uu ku baxayo dhaqaale badani. Munaasibad lagu qabtay

shalay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen Guddoomiyaha iyo xubno ka mid ah guddiga dadweynaha ee dhismaha jidka, Maamulaha guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo saraakiil sare sare oo ka kala socday shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel iyo marti sharaf kale, masuuliyiinta hay’adda waddooyinka dawladda, ayaa lagu kala guddoomay deeq lacageed oo dhan $25,000 (shan iyo labaatan kun oo doollarka Maraykanka ah) oo Dahabshiil kaga qaybgalayo samaynta jidka Dawga-cad.

Suldaan Maxamuud Siciid oo ka mid ah Guddida Dawga-cad oo ka hadlay xafladdaasi, ayaa uga mahadceliyey shirkadaha Dahabshiil taakullada lacageed ee kaga qaybgalayso samaynta jidka Dawga-cad, isagoo ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto horumarka iyo u gargaarida bulshada.

“Shirkada Dahabshiil in badan ayey horumarka dalka wax badan ka qaadatay oo ay la garab-taagan tahay mar kasta wixii ay awoodo meel kasta oo ay baahiyi taalo.

Annaguna Dahabshiil Group waanu sugaynay oo akoon gooniya ayaanu u sii furanay haddii ay na soo gaadhsiiyeen wixii ay noogu dhiibayeen Dawga-cadna waxaannu leenahay Ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo, annaguna aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa taa ay dalka ka gaysato iyo tan ay dawga-cad ku taakulaysayba,” ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Siciid.

Suldaanku waxa uu sheegay in waddada Dawga-cad oo ahayd mid aad u dhibaato badan dadaal iyo hanti badan oo la geliyey kadib dhismaheedu meel fiican marayo, waxaannu yidhi, “Dawga-cad sidii uu markii hore ahaa xataa rag ajaanib ah ayaa la keenay oo waxay yidhaahdeen lama samayn karo ilaa ay dawlad kale idinka caawiso, laakiin maanta haddii aad aragtaan siduu yahay laamigii baa la dhigayaa. Hore umay jirin waddo Hargeysa ka baxda oo tagta badda, tan ayaa u horreysay iminka wixii buurta ka sokeeyey waa la banneeyey, dawgiina laamigii baa la saarayaa ilaa xeebtana way soconaysaa, laakiin waxay u baahan tahay mucaawano wayn.”

Oday Axmed Yoonis iyo Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo labaduba ka mid ah Guddiga Dhismaha Dawga-cad oo hadallo ka jeediyey halkaasi, ayaa soo dhaweeyey deeqda Dahabshiil ku wareejiyey oo ay aad uga mahadceliyeen, iyagoo ku tilmaamay shirkaddaha Dahabshiil in looga bartay gacan ka gaysashada horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka, waxaannay ugu duceeyeen in Alle miisaanka xasanaadka ugu daro maalka shirkaddu bulshada ku taageerto.

Madaxa Hawlgelinta ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdi Faarax oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa ka xog-warramay qaabka shirkaddoodu uga qaybqadato adeegyada bulshada oo uu xusay in wax kasta oo ka mid ah adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo ay baahiyi ka jirto ay kaga taageero ka gaystaan iyagoo cidnaba ku hallayn.

Waxa kale oo uu tilmaan ka bixiyey dhibaatooyinka bulshada ka haystay wadada Dawga-cad oo ay ogaadeen waqtigii abaarta ba’an dalka ka dillaacday kal hore, isla markaana markii ay telefishannada ka daawadeen dhibaatada lagala kulmay gurmadii loo waday xeebta waqooyi/galbeed Guddoomiyaha guud ee Dahabshiil ku taliyey in la dhiso wadadaasi.

Guddoomiye-ku-xigeenka shirkadda SOMTEL Axmed Cabdillaahi Caynaanshe oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey adeegyada Dahabshiil Group taaladu ka gaysto oo uu xusay in guud ahaan dhulka dadka Af-soomaaliga ku hadlaa degan yihiin ay ka qaybqaataan adeegyada aasaasiga ah ee ay ka mid yihiin horumarinta waxbarashada, caafimaadka, biyaha, u gargaarida dadka tabaalaysan iyo qaar kale oo badan.

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Dawladda Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa isna uga mahadceliyey shirkadda Dahabshiil gacanta ay ka gaysatay dhismaha jidka Dawga-cad oo ah mid muhiimad wayn u leh isu socodka xeebta waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa iyo weliba dalka aynu jaarka la nahay ee Jabuuti.

Ugu dambayn Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo isagu guddiga guddoonsiiyey taakulada ay kaga qaybgaleen dhismaha jidkaasi, ayaa u mahadceliyey Guddiga dadweynaha ee isu xilqaamay dhismaha Dawga-cad oo uu sheegay haddii aanay iyagu dadaalkooda ku bixin waxba ka suurtogaleen samaynteedu.

“Waddooyinka iyo biriijyadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha dawladaha iyo hya’adaha caalamiga ah laga sugo, laakiin runtii marka dadkeenu xil isa saaraan ee ay wax iska ururiyaan inay wax qabsan karaan, kollay waa khasab oo waa loo baahan yahay mucaawano dibadeed, iminka inagu taageeradaa ma hayno, haddana wax waliba waxay ka bilaabmaan dad halkaa degan ama danta guud cidda ka shaqaynaysa oo sida odayaashaa is xilqaamay dadaalka ay sameeyeen waa wax inoo yaal innagana in aynu halkaa ka sii wadno, weliba haddii dadka dibadda iyo kuwa guduhu iskaashadaan waxaan qabaa in wadadaana la dhammaystiri karayo kuwa kale oo badana la dhisi karayo,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.

Waxa kale oo maamulaha guud ka hadlay sida ay uga qaybqaataan arrimaha bulshada, waxaannu yidhi, “Annagu shirkad ahaan mar walba wixii ummadda wax u taraya, annaga ayaa xil gaar ah iska saarna in aannu ka qaybqaadano wax allaale iyo wixii aannu ka qaybqaadan karno, dhammaan dhulka dadka Soomaalida ahi degan yihiin, annaga oo aan gobol gobol u eegayn, annaga oo aan dan gaar ah ka lahayn in cid allaale cidii aannu wax la qaban karayno baahida jirta waddooyin ha noqoto, cusbitaallo ha noqoto ama xagga tacliinta ha noqoto iyo wax allaale iyo wixii kale ee dan guud ah.

“Wadadan Dawga-cad in aanu ka qaybqaadanana aad baan ugu faraxsanahay, waxaanay wadadaasi ku hirgelaysaa in dadka oo dhami gacmaha is qabsadaan oo la ilaaliyo jiritaankeeda, sida in gaadiidka isticmaalaya wax yar oo lacag ah laga qaado si loo sii wado oo loo ilaaliyo sida adduunku inta badan sameeyo,” ayuu ku soo gebogabeeyey hadalkiisa Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *