-
Published On: Sat, Sep 29th, 2012

BAL SOO TIRI AAFADAADA! Maxamed S. Cumar

Smiley face
Share This
Tags

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13a0f365c9769cb5&attid=0.1&disp=inline&realattid=f_h7nq1r241&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1348929183862&sads=1Xd1XeMlFVhrQZy9cwBQn2tpJuo Maalinba maalinta ka dambaysa waxa mugdi sii gelaya qaddiyaddii ummadda, waxaana sii aasmaya garashadii suubbanayd, kaskii saalloonaa iyo dammiirkii xumaanta ka guban jiray. Waxa kale oo kaalinta ka sii baxaya aqoontii, iimaankii iyo aragtidii dadnimo ee dhalin lahayd waxqabad la mahadiyo

. Dabcan, waxa lala dagaallamayaa mudantii iyo mudanihii ku sii hadhay maamulka, waxaanay taladu gacanta u sii gelaysaa intii laga subxaanaysan jiray.

Qalinka umaan hollan caaddifad, hebel-nacayb iyo qof-jacayl midna. Xaasha! Inaad sidaas ii aragto waan ka war-wareegay, laakiin ma maamuli karo sida aad ii arkaysid ama aanad ii arki doonin. Tani waa farriin fursan-waa noqotay. “In la tago fagaaraha, Fursan-waa’ ma laga dhigay’. Labadii sanno ee uu maamulka Siilaanyo kursiga fadhiyay wax badan baa dhacay. Lama odhan karo waxba may qaban oo meesha way iska joogeen, waxaan se leeyahay may noqon sidii la filayay. Haa. Filashadii dadku way hungowday, yididiiladiina maanta waa laga faro-madhan yahay. Wixii ay qabatay, si kasta oo loo sheego, loo qoro ama loo buunbuuniyaba; waxa ka badan wixii ay dadka badday ama qaban weyday!

Tusaale ahaan, dawladdu sannadkii koowaad waxay horumar ka samaysay dhinacyada maaliyadda, waxaanay ku dedaashay kobcinta nolosha muwaaddiniinteeda. Kuma khaldani haddii aan idhaahdo wasiirkii la eryay ee Maaliyaddu wuxu lahaa himilo ummadeed oo gaadhsiisan illaa caafimaadka kelyaha dadka. In la beddelo iyo inaan la beddelinba, shaqadayda maaha, waa se masuuliyadda Madaxweynaha. Taas kama hadlayo, kumana lihi maxaa loo beddelay. Laakiin, waxaan ka hadlayaa ka lagu beddelay oo aanan wax badan ka aqoonnin waxa uu soo kordhiyay, marka laga reebo rinjiyaynta gidaarrada. Waxaan filayaa in ciddii beddeshay uun dareemi karto isbeddelka uu la yimid. Kolleyba maaha isbeddel wadartu leedahay oo qof kastaaba dareemi karo. Waa isbeddel ku dhisan qof iyo qofaf, qoys ama qoysas kooban dantood. Marka ay sidaas tahay, mudane Madaxweyne, laba sanno kaddib, ma dib baad u socotaa, mise hore, mise labadaba!

Ma dafiri kartid inaad naafaysay midnimadii, wadajirkii iyo isku-duubnidii ummadeed ee bulshadu lahayd ama ay ahayd inay lahaato. Doc kasta waxa ka baxaya sanqadhaha silloon ee dafka qabiilka iyo darammalka shir-beeleedyada. Waxa muuqata in isbeddelkii beddelay kuwii sheegi jiray ama uu isku beddelay isku-beddel oo aan magacyada (Daahir iyo Axmed) mooyee, hannaanka dawladnimo waxba iska beddelin. Inaad hoggaamisid dadkan saboolka ah waxaad u soo martay jid dheer, laakiin aakhirkii adiga ayaa lagu hoggaamiyay malaha. Waxa kale oo ayaandarro ah inaad jillaafaysay tiirarkii xorriyadeed ee muwaaddiniinta oo aad qabatintay xadhig sharci-darro ah iyo tabo kale oo aad kaga hor tegayso dadka kaa si-aragga duwan.

Laakiin dad badani waxaabay muran geliyaan cidda dalka maamusha. Oo mee Madaxweynihii ay ummaddu shalay meesha u igmatay ee dhalashadiisii ay dhiigga iyo dhaqaalahaba ku bixisay? Doodda caynkaas ah in badan baan is-diidsiiyay, in badan baanan deeddafeeyay wacaasha dhiillada leh ee laga soo weriyo Madaxtooyada. Laakiin 26 bilood kaddib, waxaan garwaaqsaday in ninkaasi Dubur Hawd ka xulay! Wakhti qabayaa iyo wax kale helyaaba; ninkaasi maaha ninkii aad dhaanka u dirateen. Waxa ayaandarradaas ka faa’iideystay dar kale oo ka yimid meel jaan. Ama Wasiirro ha sheegtaan ama wax kale ha ahaadaane, taladu waxay u magan tahay qaar ay ahayd inaanay shaqeyne xil-hayntooda kharriban lagu riyoodo uun. Kuwaas ayaa awooddii Madaxweynaha si gurracan u maroorsaday oo sidaan qabo, qaar ku dulmay, qaar kaga aargoostay, kuwo kalena billado iyo garoommo ku tolay. Wax kasta markii ay soo dhaafeenna, waxay marayaan inay qarannimadii ummadda hebel iyo hebla awgood daaddeys uga tuuraan.

Ka sokow colka boorsooyinka garabka ku qaata iyo inta aan xil la yaqaanno haynnin ee sida foosha xun ugu tagrifala awoodaha qaranka; sida aan qabo, Wasiirka Madaxtooyada laftiisu wuxuu hayaa shaqo aan ahayn tii loo dirtay, waxaanu ku tasarrufaa awoodihii Madaxweynaha uu ka hoos shaqeeyo. Haddii hore loo sheegay iyo haddii laga meeraystayba, maanta waxay bulshadu badi aamintay inuu buuxiyay kaalmo Madaxweynuhu lahaa. Waa magacaabis, muunayn, xil-ka-qaadis, ka-xayuubin, xadhig, xabsi, xeer-dejin iyo xataa xukun kasta oo dawladnimadu leedahay. Waxa uu marayaa inuu ururro siyaasadeed abaabulo oo uu hadba geed-is-maris ku metelo. Burburka dhowaan soo food-saaray ururka Nasiye wuxu ummadda fursad u siiyay ogaanshaha xaqiiqo uu Wasiirkaas laftiisu in badan ka galgashay. Laakiin fallaadhi gilgilasho kaagama go’do. In hantida ummadda lagu baabbiiyo hebel xinkiisa iyo in madaxtooyadu sidii sakaarada ay maalin noolba xaar muuqda aas-aastaa, waa lafo-jab ummadeed iyo guuldarro aanay mid ka dambaysaa jirin. Waxaan filayay in isbeddelkii la sheegi jiray horseed ka noqon doono in ummadda laga saaro hoggaan ku dhisan makarafoonno beenta ku addima! Waxa kale oo aan moodayay in ninkaas wadaad la iigu sheegay.

Haddii ay ummaddu ayaan-daran tahay oo maalin kasta uu guusheeda Geeddi-baabbow u hadho, maantana waxay magan u tahay ninkaas.  Laakiin haddii in uun garasho jirto, waxay ahayd inaanu ku aargoosan awoodaha uu helay iyo aayatiinka ummad gob ah. Haa. Waa ummad gob ah oo samaha iyo liibaantaba holliya, wixii san oo dhanna geya. Maaha ummad ummadnimadeeda lagu aarsado, himilooyinkeedana la marin-habaabiyo. Sidoo kale, ma geydo inay maantana mar kale hungowdo! Waa se qaddar Ilaah oo aan xadhko lagu caabbiyaa jirin haddii ay dhacdo. Waxa se marka horeba khalad ahayd inuu nasiibkaas yeesho qof aan weligii xafiis dawladeed ka soo shaqayn, isla markaasna aan waayo-aragti ka haysan – iska dhaaf sida loo maamulo’e – sida looga shaqeeyo. Taasi waa booddo-dheer iyo ibtilo laga dhaxlay nidaam-qarqooshka beelnimadu hoggaanka u hayso. Si ay noqonba mooyi, laakiin, Ilaahii joogay baa jira!

Maxamed S. Cumar

halabuur@hotmail.com, contact@weedhsan.com

www.weedhsan.com, http://weedhsan.org/

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>