Burco(ANN)Urur siyaasadeedka NASIYE oo ka mid ah Ururada Somaliland dhowaan lagaga dhawaaqay ayaa casho sharaf  ugu sameeyay Huteelka City Balasa  ee Magaalda Burco  xalay ciyaartoyda  Xulalka labada Gobol ee Sool iyo Hawd . Munaasibadaa Casho Sharaftan ah oo ay ka qaybgaleen

masuuliyiin ka socotay dawlada , abwaano,Aqoonyahan iyo marti sharafkale, waxa Urur siyaasadeedka Nasiye ku macneeyay ujeedadeeda  mid ay uga  dan leeyihiin,sidii ay u dhiirigalin lahaayeen is dhexgalka dhalinyarada.
Gudoomiyaha Urursiyaasadeedka Nasiye  Mr. Siciid Ciise Jaamac oo ka hadlay munaasibada casho sharaftaa ayaa ayaa yidhi, “waxaan  idinku hanmbalyaynaynaa derajadii aad ka Gadheen Ciyaarihii tartanka Gobolada oo Xulaka Maroodi Jeex iyo Hawd isugu soo hadheen Faynalka, isla markaana Xulka Gobolka Sool  Galay kaalinta Sadexaad,.”
Wuxuuna xusay in Ururka Nasiye u taaganyahay danaha Dhalinyarada. Sidaa awgeed  ay  casho Sharaftan u sameeyeen inay is bartaan dhalinayarada, isla markaana ay tahay  Dhiiri galinta dhaliyarada iyo is dhexgalkooda inay  Kordhiyaan, isagoo yidhi,  ,”waxana idin ku amaanaynaa Gaar ahaan Gobolka Sool Ciyaar wanaagi aad muujiseen,waxana idin leenahay Halkaas ka sii wada anaguna dhinacayaga waxaanu sii wadi doonaa wada shaqaynta iyo dhiirigalinta dhaliyarada ayuu yidhi Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka NASIYE.
Abwaanka wayn ee caanka ah Maxamed Ibrahin Warsame (Hadraawi), ayaa isaguna hadal kooban u jeediyay dhalinayarada ciyaartoyda, isagoo  labadaa Xul ee casho Sharafta loo sameeyay  ku tilmamay inay Ciyaar hufan oo nadiifa soo bandhigeen,  taas oo uu sheegay in loo baahanyahay in loo baahanyahay inay halkaas ka sii wadaan waxaanu abwaanku kula dardaarmay dhalinyarada isboortiga in muhiimada laga leeyahay qabashada tartanka Ciyaaraha inay Bulshadu si nadiif aha oo hufan isu dhex gasho si ay u dhacdo is barasho iyo isku xidhnaan sidaadaraadeed aanay ahayn inay awooda saarto inay qaadan koobka ee ay awooda saaraan ujeedooyinka kale ee wanaagsan ee laga leeyahay.
. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi  oo isaguna hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa  Sheegay in ilaa iminka Ciyaaruhu Meel Gabo Gabo ah marayaan, isla markaana  uu rajaynayo inay si nabad gelyo ah ku soo dhamaadaan, wuxuuna u mahad naqay Ciyaartoydii iyo madaxdii u Gobolka uu gudoomiyaha u yahay ugu  martida ahaa. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *