Tan iyo intii ay Soomaaliland qaadatay madaxbanaanideeda waxaa madaxtinimadda iska daba Qabtay ama qasriga madaxtooyadda galay ( 4 madaxwayne.) marka laga reebo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo wali aan la qiimayn karin waxqabadkiisa 

isaga oo Mudo sanad aan gaadhin hayey xilka.  Haddaba aynu soo qaadano saddexdii madaxwayne Ee hore oo kala ahaa:

1.       Alle ha u naxariisto Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali
2.      Alle ha u naxariisto Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal
3.      Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin
Sadexdaas madaxwayne wax qabadkoodi ma ah mid qoraal lagu soo koobi karayo, iyadoo mid kasta Lagu xasuusan karo waxyaabo lama ilaawaan ah haddii kun sano laga soo wareego taariikhdii ay xilka Hayeen looguna magacbixin karo, marka laga yimaado ugu magacdarista meelaha caanka ah sida Cigaal International Airport oo loogu magacdaray Airportka Caasimadda Soomaaliland.
Cigaal International Airport oo loogu magacdaray Airportka Caasimadda Soomaaliland.
Aynu mid mid usoo qaadano.
Alle ha nxariiste Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa u ahaa Aabihii dib u xoraynta
Soomaaliland taas oo aynu ugu wanqalo magacaas uguna qorno maabka Soomaaliland ee ay ku sawiranyihhin (Father of Idibentce)
Alle ha u naxariiste Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa u ahaa Aabihii Soomaaliland
(Father Of Somaliland) taas oo aynu odhan karno la’aantiis may jiri lahayn Soomaaliland, marka aynu Dib u eegno marxaladaha uu ina soo dhaafiyey iyo isaga oo seeska u dhigay wadanka Allana ku guuleeyey samaynta distoorka qaranka iyo lacagta baasaboorka iyo xeerar kaloo badan.
Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin waxa u ahaa Aabihi Dimuqraadiyadda Soomaaliland
(Father Of Democracy) taas oo uu ku sifoobay hirgalintii doorashooyinka ka dhacay dalka guud ahaanba isla markaasna si sharaf leh ku wareejiyey kursiga tusaalena u noqotay guud ahaanba
Madaxda Afrika iyo Asiyaba iyo meela kale oo badanba oo Dunida daafeheeda ah.
Haddaba waxaan ka codsan lahaa dadwayne iyo dawladba in seddexdaas magac in loogu hoos qoro
Magacyadooda ku qoran Maabka Somaliland, si ay madaxda danbena ugu dadaalaan magacwanaag Ugu qorma sawiradooda hoostooda. Madaxwaynaha maanta talada hayana waxaan u soo jeedin lahaa waa Siilaanyo e waxa kuu banaan
Magacyadan shanta ah ee kala ah : (1. Father Of Recognition) (Father OF Development) Father Of Union) (Father of tribalism)  (Father Of War & Disasters) iyo qaar kale oo badan oo aad adigu dooran karto inta aad xilka hayso,
Shacabwaynahana aad ku halayso hirgalinta magaca aad doorato.
Wax qabadka aan wax loo dhigaa jirin waa goaanka aad ku dhiiratay ee furista ururada Siyasadda
Ee labaddii kula tartamayey midkoodna ku dheceen.
Mudane Madaxwayne ogow saxaafadu waa muraayadda aad ka arki karto wax qabadka xukuumadaada iyo wax yeeladeedaba, kana digtoonaw cabudhinteeda.  Waa taad ku dhaleecayn jirtay xukuumaddi  UDUB Mar walba.
Ilaahay waxaan kaga baryayaa in aad intaasna iska saxdo  kuna waafajiyo labada magac ee hore,
Waa Aabaha Ictiraafka iyo Aabaha Horomarka Soomaaliland.

La soco toddobaadka danbe iyo caddaalad wanaagi Madaxda Soomaaliland
(Rag cadaalad waayey sidii cawsha kala yaac) Waxa ay ka mid ahaayeen erayaddii Xil:
Maxamoud Xaashi Cabdi  1998

Qore :
Mudane ka tirsanaa Golhii hore  Wakiilada Somaliland
Cabdirisaaq Maxamed Sh. Muuse
abdirizakgxaxi@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *