Hargeysa(ANN) Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Xasan Cismaan oo ka mid ahaa xubnaha mudada dheer kusoo jiray Odayaasha Golaha Guurtida, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Boqol jire galbeedka

 

magaalada Hargeysa. Kadib markii uu shalay ku geeriyooday Hargeysa.

Allah ha u naxariistee Marxuumka ayaa mudooyinkii u danbeeyay xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka debediisa, waxaana aaska Marxuumka ka qaybgalay Shirgudoonka labada gole, xildhibaano,  masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo boqolaal qof oo ka mid ah bulshada caasimada Hargeysa.

Marxuumka ayaa xilagan ahaa Gudoomiyaha Gudida Arrimaha Debeda ee Golaha Guurtida, wuxuuna  ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon aqalka Odayaasha guurtida, isla markana ka tirsanaa  golahaa tan iyo 1997. Sidoo kalena wuxuu ahaa aqoonyahan ka dhex muuqda inta badan ururada Bulshada rayidka ah.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana  ah Ku simaha Madaxweynaha Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga uu ka geeriyooday Xildhibaan Cabdillaahi Sh. Xasan Cismaan oo 16 April 2013 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Dhanbaalka  tacsida ah ayaa  u dhignaa sidan:-
“Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN. CABDILAAHI SHEEKH XASAN CISMAAN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Maanta 16/04/2013.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Oday ka baxay Bulshada Somaliland oo door-muhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee walaalaha ah, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golaha mudo dheer oo aad u qaaliya laguna xasuusan-doono marxuumka.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Gollayaasha qaranka iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. “ ayaa lagu qoraalka.

Sidoo kale Tafaftiraha shebekada caalamiga ah ee Araweelo News Network , Carrale M. Jaamac, weriyayaasha, hawlwadeenada iyo Maamulka Shebekadda ayaa tacsi u diraya qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii, golaha Guurtida iyo bulshada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum C/llaahi Sheekh  Xasan Cismaan, waxayna Illaahay uga baryayaan Muarxuumka inuu janadii Fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo ummadda Somaliland-na Samir iyo iimaan ka siiyo.
Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhi Raajiciin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *