Caynaba(ANN)Cusbitaalka guud ee magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar oo ka mid ah cusbitaalada waaweyn ee dalku leeyahay isla markaana lagu daawayn jiray ciidamada qaranka xiligii ay dagaalka kulCusbitaalka guud ee magaalada caynaba ee xarunta gobolka

saraar oo ka mid ah cusbitaalada waaweyn ee dalku leeyahay Kagana jira kaalinta 8AAD isla markaana lagu daawayn jiray ciidamada qaranka xiligii ay dagaalka kula wareegeen magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa uu hada soo foodsaaray dayac xoogan oo isugu jira dhinacyo badan sida gaadiid la’aan, daawooyinka,qalabka waadh jiifka,quudinta bukaan jiifka iyo weliba shaqaalaha cusbitaalkaasi oo aan mushahar lahayn isla markaana aanay wasaaradu soo mushaharayn nurseka ka hawlgala inkastoo ay wasaaradu mushahar u soo daysay dad caagle ah oo aanba ku qornayn cusbitaalka isla markaana aan ka hawlgelin sida uu xaqiijiyey drka cusbitaalka guud ee magaalada caynaba dr yuusuf axmed cali oo maalintii shalay warbaahinta kala hadlayey xili ay kormeer ku marayeen maamulka gobolka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somaliland ee ka soo jeeda deegaankani oo hawlo shaqo ku jooga magaalada caynaba ee xarunta gobolka saraar.Sidoo kale waxaa jirta horumarin ay wadaan xubno qurbajoog ah oo bilaabay dhisme dayr cusub oo lagu wareejinayo cusbitaalkaasi isla markaana ay bixinayaan xubnahaasi oo lagu magcaabo BADBAADO GROUP ka dib markii ay u adkaysan waayeen baahiyaha kala duwan ee uu qabo cusbitaalkaasi oo aanay waxba ka qaban wasaarada caafimaadka Somaliland.

Dhanka kale wasiirka caafimaadka Somaliland xuseen maxamuud xoog ayaan wax gaadiid ah ugu deeqin cusbitaalka halka gobolada kale la wada gaadhsiiyey badankooda qaarna ay hore u lahaayeen balse sida ay sheegeen ilo xogogaal ah wasiirka ayaan la garanayn meel uu geeyey gaadhi ka mid ah gaadiidka gurmadka oo ay hayada WHO ugu deeqday cusbitaalka ka dib codsiyo uga yimi maamulka gobolka iyo kan degmada iyadoona si rasmi ah uga wareejijisay wasaarada caafimaadka uguna talogashay sidii ay wasaaradu ugu wareejin lahayd cusbitaalkaasi maadaama ay ka wasaarad ahaan uu hoos yimaado cusbitaalkaasi balse sidoo kale taasi ma aysan noqon mid ay wasaaradu samaysay isla markaana waa ay lunsatay mana jirto cid ku dabagashay taasina bedelkeeda markii ay arintaasi maqashay shirkada indhadeero group ayaa ka jawaabtay ugu deeqday cusbitaalka gaadhi xaajiyad ah oo lagu soo qaado dhaawaca iyo weliba bukaanka oo isaga kala yimaada degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka saraar oo ah qaar aad u kala fogfog iyadoona aanay taasi suurogelin uuna gaadhigaasi xaajiyada ah ilaa waqtigan wato dka cusbitaalka oo ka shaqeeya sidoo kalena cusbitaalka guud magaalada burco.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale ka jartay cusbitaalka raashin quudin ah oo la siin jiray isla markaana loogu talogalay dadka bukaanka ah oo isga kala yimaada tuulooyin fogfog iyadoona ay jirto qaybta MCHka oo ay gacanta ku hayso hayada bisha cas taasi oo cunto quudin ah u qaybisa dadka bukaanka ee jiifa waadhadhka cusbitaalka oo iyaga laftooda aanay jirin sariiro lagu jiifiyo taasi bedelkeedana uu qaofkastaa wuxuu ku seexanayo looga soo qaado gurigooda.

Dhawaan ayay ahayd markii wasaarada caafimaadka la soo gaadhsiiyey deeq dawooyin ah oo fara badan oo loogu talogalay in la gaadhsiiyo cusbitaalada gobolada iyo degmooyinka balse uu wasiirka caafimadku ka reebay inuu dawooyinkaasi ka qayb geliyo cusbitaalka guud ee caynaba oo waqti xaadirkani dawooyinka ka soo iibsada farmasiyada magaalada gudahooda ku yaal sida uu noo xaqiijiyey drka cusbitaalka guud ee caynaba yuusuf axmed cali

Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayay ahayd markii cusbitaalka guud ee magaalada caynaba dib u habayn lagu sameeyey isla markaana dib loo furay ayna dawooyin kala duwan soo gaadhsiiyeen xubno qurbajoog ah oo iskood isu xilqaamay balse waxaan ilaa waqti xaadirkani aan la garanayn waxa ay wasaarada caafimaadku la maagan tahay iyo weliba sida ay wax uga qaban doonto xaaladan adage e soo waajahday cusbitaalka iyadoona aanay jirin dhamaanba baahiyihii aasaasiga ahaa ee uu cusbitaal yeelan

Kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo Iibinaysa Dawooyinka Iyo Raashinka Bukaanka ayaa ka dhex dilaacay Cusbitaalka magaalada Caynabo ee gobolka Saraar.
Kooxahan oo shuraako ah ayaa sida uu warbaahinta u xaqiijiyey isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka Saraar Dr Xuseen waxa uu tilmaamay in dawooyinka iyo raashinka hay’aduhu keenaan habeen kasta lagu daabulo gawaadhi isla markaana loo iibgeeyo magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer waxaana uu intaasi ku daray in xili madaw oo saqbadh ah raashinka iyo dawooyinka la gurto waxaana uu sheegay in taasi la odhan karo dadkaasi inay yihiin budhcad aan waxba reebayn iyadoo sidoo kalena arintan aan si rasmi ah loo garanayn cida ku lugta leh balse waxaa si weyn loogu tuhun san yahay buu yidhi saraakiisha ka hawlgasha cusbitaalka guud ee caynaba oo iyagu shuraako la ah sida la sheegay isuduwaha caafimaadka gobolka togdheer dr cabdi yaasiin kuwaasi oo dhanka kalena ka dhawaajiyay inaanay aqoonsanayn masuulkan ay wasaarada caafimadka somaliland u soo magcawday gobolka oo ay ku sifeeyeen inuu yahay nin waalanukaanjiifka cusbitaalka guud ee caynaba ku jira oo aan ku booqanay waadhadhka ay ku jiraan ayaa nooga waramay inaanay helin haba yaraatee adeeg caafimaad oo la tilmaami karo sida daawooyin lagu dhayo marka laga reebo mid laga gado oo lagu iibiyo farmasi sifo khaldan uga dhex furan cusbitaalka guud ee caynaba walow haday iibsadaana ay sheegeen inaanay helin cid ku durta hadii aanay sidan wax lacag ah sidoo kalena aanay helin wax raashin ah marka laga tago ka ay eheladoodu u keenaan iyadoona mar aan isku daynay inaan wax ka weydiino waxa ay xukuumada ugu baaqayaan si wax looga qabto arimahan noocan oo kale ayaa waxaa uu yidhi mid ka mid ah bukaanjiifka oo ka gaabsaday magaciisa”walaal maxaan xukuumada ugu baaqaa nin buka oo xanuunsanaya ayaan ahay oo xalay waridaad laga keenay xukuumadauna haday wax kaqabanaysoi way aragtaa anigu in dalka weli siyaad bare haystaan u ogaabee:

Mar warbaahintu isku dayday inay duubto xaalada cusbitaalka iyo dawooyin markii dadka la siin waayay lana iibsan waayay dhacay oo la gubayay isla markaana in badan bakhaaro ku xaraysnaa waxaa ay masuuliyiinta caafiimadka cusbitaalka caynaba ugu hanjabeen saxaafada inaanay waxba duubin karin balse ay waxa ay u baahan yihiin ka waraystaan saraakiisha caafimaadka ee cusbitaalka
Dhanka kalena shacabka ku dhaqan magaalada caynaba ayaa ku eedeeyey isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka togdheer inuu ku hawlan yahay curyaaminta iyo cadaadinta saraakiisha caafimaadka ee caynaba isagoona cusbitaalka caynaba ku noqday caqabad hortaagan waxaana ka mid ah arimaha ay ku eedeeyeen

1)inuu musuqay isla markaana lunsaday gaadhi unplance ah oo ay wasaarada caafimaadka somaliland ugu talogashay in la geeyo cusbitaalka kaasi oo ay bixisay hayada WHO isagoona sifo khaldan oo aan la garan karin uga wareejiyay cusbitaalka guud ee degmada qoryaale maadaama uu yahay bay dhaheen sheegtona isuduwaha caafimaadka gobolada togdheer,sool,saraar iyo sanaag
2)inuu hor istaagay cusbitaal TB-ah oo ay hayada COOPI ka dhagax dhigtay magaalada caynaba taasi oo hayada ka codsaday inay mudo dib u dhigto dhismaha cusbitaalkaasi
3)Dr.cabdi yaasiin waxaa uu raray xafiiska hayada MEDEIR ka furatay caynaba taasi oo ay shacabka iyo dadka danyarta ahi si weyn ugu badhaadheen isagoona ku amray inay isaga guuraan magaalada kuna sababeeyey inaanay amni ahayn.

4)Ololaha talaalka caruurta oo sanad kasta ka bilaabma caynabaayaa gaadiidka talaalka qaadaya waxaa ay masuuliyiinta maamulka gobolka saraar ka codsadeen inay lacag yar oo qaadhaan ah cusbitaalka u gooyaan si loogu hirgaliyo gaydh cusub oo la doonayay in loo dhiso cusbitaalka guud ee caynaba balse taasi bedelkeeda dr cabdi yaasiin waxaa uu saraakiisha cusbitaalka caynaba ee lacagtan ururinayay ku amray inay lacagtaasi loo wareejiyo cusbitaalka guud ee magaalada burco oo ay isaga gacanta ku hayaan hayado dhowr ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *