Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid oo ah suugaanyahan abwaan iyo suxufi ayaa sameeyay Maanso uu ugu talo galay Micraaja Nebiga CSW Maxamed Binu Cabdula Rasuulkii suubahaa Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, Maansadaa oo

 

uu ugu talo galay Abwaanku Dhalashada Rasuulka CSW  ee beegan 11/1/1434/ taariikhda Hijrada Islaamka ee Miilaadiga ku noqonaysa habeenka KKhamiista ee 23 /1/ 2013, wuxuu ugu magacdaray “Adoon Baan Ahay Ku Jecel Naboow ”

Abwaan C/risaaq Xaamud Caydiid, wuxuu ku bilaabay Maansada sidan:-

Addoon Waxaan ahay islaama
Addoon Waxaan ahay iimanleh
Addoon Waxaan ahay adecsan
Nabiyo inaad tahay rasuul
Aad miga ilaa Aadan dho
isagu u karaama badan
allaahu masale wasalee
wabaarik callee.

Addoon ifkan kugu jecel
intad tidhi yeelna yeelay
iblays xadhigiisa jaray
adeecay amarkii illahay
umaray sunahaga oo
utahay macalinka Aduunka
ayaan ahay ya maxamed
Allahu masale wasalee
wabarik calee,

U seexday sidii aad jeclayd
Ucunay sidii aad itidhi
afkuna waxa uu idhaah
intaad igu tidhi adigu
ayaa khayrlee kuhadal
indhuhu jacayl ku ilmeeye
ku adeecay ya rasululaah
Allahu masale wasalee
wabarik calee,

Intan hor tago Raxmaanka
ayaan udhiiga sujuud
tusa inan ahay adoon
Illaah kale koonkan jirin
baryada ooya naboow
Allahu masale wasale
wabarik calee,

Ifkaad timi nabi alloow
awoodu iyadoo shaqaysa
aadoonku adoonsanaayo
adoomo kay wada yihiin
Aabuhu aasayo hablaha
Ubadku inamada yihiin
Asnaab dadku caabudaan
Allahu masale wasalee
wabarik calee,

Iftiin mugdigaas bedeley
illays nuuriyo aqoon
uunkani ku badbaadayow
umad ku xustaanay
intay joogen aduunke
akhiro kolka an nimadno
ayaantu adoomihiisa
illahay laxisaabtamayo
intaad ushafeeco qaado
awga naxariis uhela
Ugala jano iyo fardawsa
aan galin naaraha olala
agtaada jacayl uyaalo
ayanu jeclaysanee
adigu no bari illahay
ehel inan ku ahaano
Allahu masale wasalee
wabarik calee,

C/risaaq Xaamud Caydiid…….

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *