Xafladii Nadwada 16.JPGHargeysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa soo geba-gebeeyay muxaadarooyin Diini ah oo culimada waaweyn ee Somaliland kaga hadlayeen siiradii Rasuulka (NNKH) oo muddo

 

toddobaad ah ka socday Masjidka Cali Mataan ee caasimadda Hargeysa, taas oo ku aadanayd munaasibada dhalashsda Rasuulka Maxamed Binu Cabdullah NNKH 11 /1/ 1434  taariikhda Hijrada Islaamka ee Miilaadiga ku noqonaysa habeenkii Khamiista ee 23 /1/ 2013.

Barnaamijkan diiniga ah oo loogu magac-daray “Toddobaadka Siirada Nebi Muxamed (SCW)’ oo uu soo qabanqaabiyey ururka horumarinta arrimaha bulshada ee TANMIYA, waxa ka qaybgalay culimada ugu waaweyn Somaliland oo muddadaas toddobaadka ah si xidhiidh ah dadweynaha reer Hargeysa ugu gudbinayey casharro ku saabsan taariikhdii Rasuulka Ilaahay.

Munaasibad loo sameeyey khatinka barnaamijkaas xalay, ayaa ugu horreyn waxa hadal kooban ka jeediyey Imaamka Masjidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Muxumed, isagoo si weyn ugu mahad-celiyey dhammaan dadweynaha sida joogta ah ula socday duruusta ku saabsanayd siirada Rasuulka (NNKHA) iyo culimaa’udiinka muxaadarooyinka u jeediyey.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan waxa uu ugu baaqay dadka aan nasiibka u helin ka qaybgalka dhegaysiga barnaamijka inay warbaahinta ka duubtaan calajaladaha lagu kaydiyey muxaaradooyinka culimadu jeedinayeen muddadaas oo ay si faahfaahin ugaga sheekeeyeen taariikhdii Nebi Muxamed (NNKHA) iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu noloshiisii soo maray.

Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi oo ku hadlayey afka guddida soo qabanqaabiyey barnaamijka, ayaa isaguna u mahad-celiyey cid kastoo kaalin ka soo qaatay hirgelinta barnaamijkaas, isagoo si gaar ah ugu dheeraaday hawlaha waxqabad ee ururka TNAMIYA oo uu ku tilmaamay inuu awoodda saaro sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhaqannada xun-xun oo nooc kastoo ay yihiin.

Waxa kaloo uguna munaasibaddaas ka hadlay Sheekh Almis Xaaji Yaxye iyo Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil-dheeg), waxaanay labadooduba sharraxaad dheer ka bixiyeen muhiimadda ay bulshooyinka muslimiinta u leeyihiin kulamada noocan ah, iyaga oo hoosta ka xarriiqay siday daruuri u tahay in ummadda reer Somaliland loo qabto kulamo diimeed dadweynaha ku jihaynaya dhabbaha toosan ee xadaaradda iyo horumarka lagu gaadho, kaas oo ay sheegeen in saldhiggiisu yahay diinta islaamka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo oo isagu si rasmi ah u soo xidhay barnaamij-diimeedka muddada toddobaadka ah ka socday Masaajidka Cali Mataan, ayaa si weyn ugu hambalyeeyey culimada sida joogtada ah dadweynaha ugu tabaninayey casharrada ku saabsan barashada taariikhdii Nebi Maxamed (NNKHA) iyo dhammaan shacabka ka qaybgalay dhegaysiga muxaadarooyinkaas.

Ugu dambayn, waxa munaasibaddaas abaalmarinno lagu guddoonsiiyey dadka ka soo ka jawaabay su’aalo si joogto ah habeenk kasta loo weydiin jiray dadweynaha ka qaybgalay dhegaysiga duruusta culimadu bixinayeen.

Waa barnaamijkii ugu horreeyey noociisa ee culimada waaweyn ee reer Somaliland isugu habar-wacdaan jeedinta muxaadarooyin xidhiidh ah oo ku saabsan weynaynta diinta suubban ee islaamka iyo barashada taariikhda hoggaamiyihii ugu muhiimsanaa muslimiinta oo ahaa Nebi Maxamed (NNKHA).

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Araweelonews Mobile

Somaliland Office

E-mail; Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *