Hargeysa (ANN) Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa Masjidka Cali Mataan ee caasimadda Hargeysa ka bilaabay xalay barnaamij muddo toddobaad ah socon doona oo xambaarsan muxaadarooyin ku

saabsan siirada Nebi Muxamed (NNKHA).

Barnaamijkan oo la magac-baxay ‘Toddobaadka Siirada Nebiga,’ isla markaana soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah culimada diinta ee magaalada Hargeysa, waxa lagu martiqaaday culimaa’udiinka ugu magaca weyn dalka Somaliland, kuwaasoo habeen kasta jeedin doona toddobaadkaas muxaadarooyin ka warramaya taariikhdii Rasuulka (NNKHA), maadaama xuska dhalashadiisii ku beegan tahay toddobaadka soo socda.

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka qaybgalay furitaankii barnaamijka ee ka hadlay xalay, ayaa ugu horreyn tafaasiil dheer ka bixiyey ahmiyadda taariikhda Nebi Muxamed (NNKHA) ugu fadhido ummadaha islaamka, waxaannu ugu baaqay shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa inay ka faa’iidaystaan muxaadarooyinka culimadu jeedinayaan muddada uu socdo barnaamijka siirada Nebigu (NNKHA).

Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi oo isna casharrada tafsiirka qur’aanka kariimka ka akhriya Masjidka Cali Mataan ee barnaamijku ka bilaabmay, ayaa boqollaal qof oo masaajidkaas ku sugnaa xalay ku wergeliyey in muxaadarooyinka siirada Rasuulku ka socon doonaan masaajidka toddobaadka so socda, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay culimada sida gaarka ah isaga xilsaaray inay aqoontooda diiniga ah uga faa’iideeyaan ummaddooda.

Sheekh Xasan Cabdisalaan oo isugu si rasmi ah u furay muxaadarooyinka, ayaa si qoto-dheer u sharraxay qaabkii Nebi Muxamed (NNKHA) u barbaariyey bulshadii uu la noolaa iyo sida loogu baahan yahay dadwyowga adduunku kaga daydaan Rasuulka hoggaamintiisii ummadda islaamka NNKH

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *