Hargeysa(ANN)Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-galinta iyo Dhaqanka Somaliland oo uu weheliyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas ayaa wadajir u sheegay inay wax badan ka qabteen musuq-maasuq la xidhiidhay heshiisyo Masuuliyiintii hore ee

Wasaaraddu la gashay shirkado oo lagu lunsan jiray lacag dhinaca Mushaharka iyo heshiiska Satelite-ka. kadib markii heshiiskaa meesha laga saaray.

Labada masuul oo shalay la hadlay warbaahinta, waxay sharaxaad ka bixiyeen heshiiskaa iyo xadiga lacagta lagu lunsan jiray. sidaa awgeed  ay hada heshiiskaa iyo lacagta shaqaalaha loo musuq-maasuqi jiray ay ogaadeen oo wax ka qabteen dhamaan arrimahaa iyo guud ahaan maamulka iyo tayaynta dhinaca warbaahinta Telefishanka qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa.

Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas, wuxuu si cad u sheegay Musuqmaasuq baahsan oo ku qarsoonaa heshiis hore Masuuliyiinta Wasaaraddu la galeen shirkad dhinaca Baahinta Satalaytka ee Telefishanka u dhex maray, kaas oo lagu lunsan jiray lacag badan. sidoo kale wuxuu qiray in  Telefiishanka Qaranka ay ka taagnayd mushkilad lacago xad-dhaaf ah oo lagu lunsan jiray Mushaharka shaqaalaha ee dibada oo ay hada meesha ka saareen, balse muu tilmaamin cidda lunsan jirtay lacagahaa.

Maareeyaha Telefishanka oo arrimahaa ka hadlaya  waxa uu yidhi,   “Waxaanu qaranka u badbaadinay oo aanu joojinay lacag badan  Satalaytka lagu lunsan jiray, lacagtaas oo ahayd mid aynaan qaran ahaan qaadi karin, waxaanu dib u samaynay heshiis cusub oo u dhaxeeya dawladda Somaliland iyo shirkada Taykom, hehiiskaas hore ee qaranka dhibta ku hayay waxa saarnayd oo ka badbaaday $ 24000 oo doolar, halka lacagta shaqaalaha dibadda lagu lunsan jiray lacag dhan $ 13000. Lacagta aanu miisaniyada ka reebanay ee shaqaalaha dibadda lagu lunsan jiray waxay dhan-tahay $ 240,000, lacagtaasi waxay ahayd tii khilaafka badani ka dhashay ee aad inta badan maqasheen” ayuu yidhi.

Mr. Gaas waxa uu caddeeyey in ay joojiyeen heshiiskii hore ee shirkadda TAICOM oo lacag aad u badan oo qarankani awood u lahayn ay ku bixi jirtay, isla markaana ay heshiiskii cusboonaysiiyeen ka dib markii wax ka bedel lagu sameeyey lagana saaray gacan sadexaad oo ku dhex jirtay, taasina ay keentay in waddanka ay u badbaado lacag badan oo heshiiskaa hore lagu qarsan jiray, isagoo yidhi,  “Waxaanu badbaadinay lacag dhan $ 98000, waxayna ahayd lacagtii saddexdii bilood ee ugu danbeeyay misaaniyada ku  jirtay”

Dhinaca Kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland Abdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa isagu sheegay in lacagahani yihiin kuwii sababta u ahaa murankii hore uga taagnaan jiray Wasaaradda warfaafinta, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Muranadii aad maqli jirteen waxay ahayeen kuwo ku salaysan arrimo musuq-maasuq oo la lahaa aynu wax ka qabano iyo kama qabanayno”ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Labada masuul waxay sheegeen inay wax badan ka qabteen Tayada barnaamijyada iyo wararka ka baxa Idaacada iyo Telefishanka qaranku, iyadoo Maareyaha Telefishanka  Khadar Cali Gaas ayaa ka warbixiyey waxqabadkii TV-ga Qaranka ee mudadii uu xafiiska joogay, isla markaana  uu tilmaamay in la tayeeyey dib u habayna lagu sameeyey barnaamijyada TV-ga , halka sidoo kalena lagu soo kordhiyey labo Studio oo cusub oo laga kala furayo dhowaan dalalka Sweden iyo Maraykanka, kuwaasoo loo dhamaystiray qalabkoodii.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *