Ayaantan waxaan maqlayey xuskii rasuulka scw oo la digayo, sidaas darteed waxay ila tahay in ay tahay munaasabad mudan in laga hadlo. Ruuxii doonaya in uu i naqdiyo xaq ayuu  u lee yahay ee ha iigu soo diray naqligiisa omersul04@gmail.com. Waxaana ila habboon

in wixii aan qalad ka sheegay la igu taabsiiyo aayad ama xadiis. Sida la wada ogsoon yahay kirismaska ay dadka kiristaanka ahi u dabaal degaan 25/12 sannad kasta wax kale ma aha ee xuskii dhalashadii Nebi Ciise csw. Culumada Soomaaliyeed mad hab kasta oo uu yahay waxay si cad u sheegeen in aan dadka muslimiinta ahi ka qayb qaadan karin, ayna tahay shirkinimo. Bal la yaabka aan arkay nebi Muxammad csw way ogol yihiin in dhalashadiisa la xuso iyada oo sida aayaddan hoos ku qoran ay rusushu isugu kaayo mid yihiin.

Macnaha aayaadda:

Rasuulka iyo mu’miniintuba waxay rumeeyeen waxa rasuula Eebihiis u soo dejiyey, dhammaantoodan way wada rumaysan yihiin Alle, malaa’igtiisa, kutubtiisa iyo rusushiisa, waxayna dheheen rusushiisa midna mid kama fadilayno, waxay kale oo dheheen Eebahayaw waanu maqalnay waanuna ogolaanay aayahayagana adiga ayaa noo haya ee dembi dhaaf na sii.

Sida aayaddan iyo kuwo kaleba ka muuqata rusushu waa noo siman yihiin waana isugu kaaya mid mana aha in ay mid ka fadilno midka kale, marka maxaa keenay in midna xuskiisa ay suufiyadu xalaaleeyaan midna xaaraantimeeyaan.  In ay xalaal ama xaaraan midkood wada ahaadaan la garay ee maxay tahay waxan ay culumadu suufiyadu qasayaan, weliba iyaga oo qaladkooda ku dhega adag.

Aayaddan kale ee hoos ku dhigan waxay ka hadlaysaa in ruuxa xaqa diida uusan diidaynayn rasuulka ee wax uu diiddan yahay waa aayaadka Alle. Sidaas oo kale haddii suufiyadu ay culumada diidaan wax aan xaq ahayn wax daliil ahna u haysan ay ku sheegaan xaq, waxa ay diiddan yihiin ma aha culumada ee waa aayadka Alle.

Macnaha aayadda:

Runtii waan garan karnaa sida uu hadalkoodu kuu damqayo, waayo sida runta ah adiga ma aha waxa ay rumayn la’ yihiin hase yeeshee gabood falayaashu waxay diiddan yihiin waa aayaadka Alle.                                                                                     

Qofkii wax aan xaq ahayn ku sheega xaq waxaan u arkaa in uu yahay qof aan diintaba rumaysnayn. Waxaadna mooddaa in ay ka tahay aabayaashayo ayaan ka aragnay ee culumada iyo rasuulka midna waxba kama yeelaynno.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan qaaday saddex nin oo ka mid ah suufiyada UK, waxaanu u soconay aas marxuumad dhimatay. Markii aannu aaskii ka soo kala tagnay ayaa muran yari na dhex maray. Waxay dheheen annaga haddii aannu nahay suufiyo waxayagu waxay lee yihiin raad cad oo ku sugan kitaabka iyo sunanada rasuulka. Markii aan wax iiga sheega ku idhi waxay dheheen nebigu wuxuu dhashay Isniin wuuna soomi jiray maalinka isniinta.

Waxaan ku iri ma waxaad lee dihiin rasuulku weyneyn uu ku weyneynayo dhalashadiisa ayuu u soomi jiray mase waa arrin diinta ku soo aroortay. Waxay dheheen dhalashadiisa darteed ayuu u soomi jiray. Markaas ayaan ku dhahay oo marka maad ku dayataan oo suuntaan isniin kasta. Waxaad heli lahaydeen dad fara badan oo haddaba sooma aanna ka mid ahayn suufiyo eh.

Markaas ayay sidii gaalkii iyo nebi Ibraahiim cs dooddii dhex maratay ay sidii gaaladii u xuju xidhmeen, waxaana ka dhalatay in ay iyagii midiba mid eedeeyo.

Waxaan u arkay in ay yihiin niman qalad ay og yihiin raba, markaas ayaa waxaa igu soo dhacay aayadda 75aad Al-Baqarah.

Macnaha aayadda:

Ma waxaad ka sugaysaan in ay idin rumeeyaan iyada oo runtii koox ka mid ahi ay horay u maqleen hadalka Alle ayna ka dib markii ay macnihiisa garteen ay ula kac u kala cayn wareejiyeen ereyadii si ay u samayso macne gurracan.

GUNAANADKA:

Haddii la ogol yahay xuska ambiyada iyo rususha dadka muslimiinta ah ayaa gaalada uga xaq leh xuska nebi Ciise. Sidaas darteed xuska rasuulka iyo rusushii kaleba waa xaaraan diintana wax daliil ah loogama haysto.

Marka waxaan uga digayaa in dadka caamada ah ee aan aqoonta u lahayn diintu ka feejignaadaan waxa gaalnimada ah ee ay wadaan suufiyadu.

Rasuulka waxaa ka sugnaaday in uu dhahay ummadaydu waxay u kala bixi doonaan dhawr iyo todobaatan firqo hal ayaa jannada ka geli doonta markii la weydiiyey midda ay tahayna wuxuu dhahay csw waa kuwa aniga iyo asxaabtayda jannada loogu bishaareeyey waxa ay maanta ku sugan yihiin ku sugan.

Ex-Col Omer Suleiman Ali

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *