Hargeysa(ANN)Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye iyo dadweyne tiro badan ayaa Mawliid Nuur Sidci ku soo dhaweeyey inuu xisbigaasi Musharax uga noqdo doorashada golaha deegaanka ee dhawaan dalka ka dhici doonta.

Munaasibada soo dhaweynta musharaxan oo shalay lagu qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa,  waxa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi, Maxamed Kaahin Axmed, Suldaan Axmed Daahir, Xoghayaha Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, Gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa, Khadra Xaaji Geydh, Masuuliyiin kale iyo Taageerayaasha Musharaxaasi u taagan inuu u tartamo golaha deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Madashan oo ay hadalo ka jeediyeen Masuuliyiin door ah, waxa ugu horayn ka hadlay xubno ka mida madaxdhaqameedka Bulshada uu ka soo jeedo Murashaxani, kuwaasoo ka waramay taariikhda iyo shakhsiyada Mahsraxan ay u soo xusheen inuu uga mid noqdo Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa.

Madaxdhaqameedyada xafladaasi  ka hadlay waxa ka mid ahaa Suldaan Axmed Daahir Muuse, Chief Caaqil Maxamed  Cismaan iyo Xasan Cismaan Kheyre, kuwaas oo sidoo kale munaasibadaasi kaga sheekeeyay taageerada ay bulsho ahaan u hayaan Kulmiye iyo sida ay mar walba ula garab taaganyihiin taageeradooda.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa, Guudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex  Khadar Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Fil-fil, Maayirkii hore ee Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga kulmiye Canab Ileeye, xubno ku hadlay garabyada Dhalinyarada iyo garabka Haweenka ee Taageerayaasha Musharax Mawliid Nuur Sidci, kuwaasoo dhawaaq midaysan iyo niyad sami ku qaabilay Murashaxan cusub ee maanta Damaciisa siyaasadeed Madasha soo dhigay.

Dhinca kale waxa iyaguna munaasibadaasi kelmado mahad naq, dar-daran iyo Guubaabo isugu jirta ka soo jeediyay shakhsiyaad ku hadlayay afka Qurbo-joogta reer Hargeysa ee musharaxani ka soo jeedo, waxanay musharax sidci ilaahay uga baryeen inuu ku guuleeyo hankiisa siyaasadeed, iyagoo taageerayaashiina ugu baaqay inay muujiyaan cudud dhaqaale iyo mid cod si ay ugu  wada guulaystaan Yoolkooda.

Xafladan oo intii ay socotay marka laga yimaado khudbadaha, suugaan iyo Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka ah lagu soo bandhigay, waxa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, kaas oo sheegay inuu xisbiga ku soo dhaweynayo Musharax Mawliid Nuur Sidci, isla markaana uu ka aqbalay musharaxnimadiisa inuu xisbgaasi uga tartamo golaha deegaanka ee Hargeysa.

Gudoomiyuhu isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Hadii meelaha siyaasada aad ka maqan tihiina ugama maqnidin tiro yari, waaxa hubaal ah in daruur kasta oo ka da’da lixda gobol ee Somaliland, deegaankani wuu ka cabaa, ma jiro cid kale oo tiradaa leh oo intaas oo kale ka cabtaa Ceerigaabo ilaa iyo Saylac, waxaad wax ku waydeena waa curad nimada, waxaad ogtihiin curadku dhibtana isaga ayaa qaata dheeftana walaaladii ayuu uga tagaa, markaa kuwo idinka yaryar oo hunguri weyn oo aan waxba idiin reebin ayaad la walaalo tihiin.

Walaalayaal ujeedada iyo ubucda aynu maanta wadnaa maaha in aynu doorano, maaha in aynu doorano golayaal deegaan, maaha maanta in xaafad xaafad laysugu  duur sheeganaysa oo leh anaguna kan ayaanu soo saarnay anaguna kan ayaanu soo saarna, ujeedadeenu maaha ee way ka fogtahay.

Waxa la yidhi niman meel dhisaya oo dhagax qoraaya ayay qof waayeel ahi soo martay oo ay ku tidhi waar maxaad qabanaysaan, midi wuxuu ku yidhi caruurtayda ayaan u shaqaynayaa oo Wastaad ayaan ahay oo dhagax ayaan qorayaa, midina wuxuu ku yidhi maxaanu qabanaynaa dee daartan ayaanu dhisaynaa, kii sadexaadna waxa uu ku yidhi dalkayga ayaan dhisayaa oo dhagaxan aan qorayo dalka Somaliland ayaan ku dhisayaa mustaqbalkiisa oo wuxuu yidhi Iskuul baan dhisayaayoo waxa ka soo baxaya Dhakhaatiirtii iyo Injineeradii uu dalkani u baahnaa, dadka bini’aadamku sidaas ayay u kala aragti duwan yihiin, markaa Kulmiye ugama jeedo doorashadan soo saar tiro badan oo dawladaha hoose oo qudha, ugama jeedo cududaada muuji xisbiyada kale waad ka tiro badantee, xisbiga Kulmiye waxaynu u aragnaa oo dhamaantiin aad u aragtaan oo ah fikradii aad ku taageerteen oo aad ku aasaasteen oo uu ku socdo.

Maanta waxa aynu ku doonaynaa in aynu dalka Somaliland ku dhisno oo aduunka aynu u muujino waxa aynu Ictiraafka ku doonayno, Somaliland waa dalka qudha ee Afrikaan ah ee sagaal xisbi ay ka tartamayaan”.

Muuse Biixi mar uu ka hadlayey xaalada isbedel ee Somalia ka socda iyo sida beesha Caalamku ay indhaha uga laliyeen Horumarka Somaliland oo wax badan ay Xamar ka baratay ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu uga jeednaa inaynu caalamka u sheegno oo Indhaha ay ku jeedinayaan Somalia in aanaan gayin in la inagu daro, waxaan u sheegaynaa caalamka inay Muqdisho marayso inay naga bartaan duruustii aanu soo marnay 19 sano ka hor iyadoon cidi noo sheegin iyadoon Mahiiga noo iman, iyadoon Yugandhi na caawin iyadoon Djibouti noo soo gurman oo wadadii aynu 19 sano ka hor aynu marnay ayay maanta marayaan 19 sano ayaynu ka horaynaa, Suldaanada la ururiyey iyo xaafadaha  la ururiyey ee Taangigu ilaalinayo, iyadoon cidi na ilaalinayn ayaanu Burco ku qabanay oo aanu Hargeysa ku qabanay oo aanu Boorama ku qabanay oo aanu ku dhisnay oo nalagaga dayday.

Waxaanu u sheegaynaa caalamka tay dhisayaan, waa fikrad ay Somaliland leedahay, saw Buuga qofka qora looma eego xuquuqdiisa, ta lagu dhisayo Xamar waa tii Somaliland oo ay qaateen.

Dadkanina waa Ictiraaf doon doorashadaa socota wax wada qabsigayaga ayaanu ku dhisaynaa, distoorkayaga ayaanu ku dhisaynaa maaha”.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Deegaanka uu kasoo jeedo musharaxu marka ay Djibouti  la joogo iyo Ethiopia ay ku badan yihiin  oo  la yidhaa Curadii oo Curadkii ayaa soo galay.

Gabogabadii waxa isaguna halkaasi ka hadlay Musharaxa golaha deegaanka Mawliid Nuur Sicdi, kaas oo uga mahadnaqay hogaanka kulmiye iyo taageerayaashiisa sida quruxda badan ee ay isku soo abaabuul iyo taageerada muga leh ee ay u muujiyeen.

Mawliid Nuur Sidci ayaa ah Nin Waayo-aragnimo buuxda u leh shaqada Golaha deegaanka, buuxina kara jagada Maayirka Caasimada Hargeysa hadii loo doorto, waxaanu mudo dheer ka soo shaqaynayay arimaha bulshada gaar ahaana ganacsiga aasaasiga ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *