cabdi dheere
Waxaan jecelahay in aan halkan ka salaamo dhamaan warbaahinta noo kala gudbisa wararka Asww: Intaasi kadib waxaan jecel ahay in aan dhawr kelmadooda ku sifeeyo wisiirka madaxtooyada somaliland oo warbaahintu

 

hadal hayso inta badan taasi oo ay ugu wacan tahay isaga oo ah nin ku sifoobay hawlkarnimo,daacdnimo geesinimo iyo xilkasnimo uu ilaahay u dhaliyey dadka qaarna ay u quudhi la’ayihiin,waayo waa nin aad u da’yar oo hadana inta uu jiro ka wayn oo marka aad la kulanto aad fahamayso in ilaahay xilkasnimada uu u dhaliyey.

Waxaan hubaa in reer somaliland uu ugu jiro wisiirku kaalin ay mahadiyeen isaga oo ah shakhsi aan waligii lagu sheegin been ama wax isdaba marin tan iyo intii uu magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed siiraanyo iyada oo uu ku darsaday adwaanimo taasi oo ah hibo ilaahay dadka siiyo.

Hadaba dadka reer somaliland waxaan u sheegi lahaa in qofka qiimaysan la qiimeeyo lana siiyo abaal gudkiisa ha noqoto taageero ama wixii kale ee qof karo waayo dadka marka aad qiimayso ee aad ogaato qofkaasi wuxuu ku sifoobay waa in aad u qirtaa hawlkarnimadiisa kolba intii aad tari karto,balse aanad xagxagan adiga oo eegaya meela kale ama aan u quudhayn inta wanaag uu leeyahay.

Aniga oo eegay hawlkarnimada ilaahhay ku manaystay Wisiirka madaxtooyada Somaliland una kuur galay dibad iyo gudaba waxaan halkan ku cadaynayaa in wisiirka madaxtooyadu ku sifaysan yahay sifooyinka ugu wanaagsan ee qof bi’niaadamka ah lagu sheego oo ay ugu wayn tahay alla ka cabsiga hantida ummada oo ka amaan hesha hawlqabadkiisa oo ku sifaysan daacdnimo,deeqsinimo,firinfircooni ilahay siiyey xilksanimo dheeraad ah oo lagu yaqaan xilkuna uu dhibo iyo isaga oo aan marnaba iska kaa weynaynayn goob kasta oo aad joogtaan.

Hadaba marka aan eego sida wanaagsan ee u guto xilkiisa iyo daacdnimada uu leeyahay waxaan hubaa in uu yahay shakhsi mudan in la amaano waayo waa inta aan anigu tari karo dadka reer somalilandna aan fahan siiyo xilkasnimada wisiirka iyo hawlkarnimada ilaahay ku manayastay.

Sidaasidarteed dadka had iyo jeer soo qora hagardaamooyinka aan sal iyo raad lahayn waxaan odhan lahaa horta barta wisiirka kadibna qiimeeya wixii aad ku argtaan waxaan hubaa in waxbadani idiin kordhi lahaa haddii aad isku daydaan inaad barataan wisiirka madaxtooyada haddii aydaan baranin wixii aad qortaan waa aflagaado uun in kasta oo ay jirto dad aanu marayn wanaaga iyo daacdnimada oo wax walba la yihiin wax xun mar haddii qofku dawlada la shaqeeyo ama uu xisbi kale yahay.

Waxaan isleeyahay wisiirka madaxtooyadu waxaa uu ka mid noqon doonaa madaxweynayaasha mustqbalka ee somaliland marka aan eego garashadiisa,hawlkarnimadiisa,alla kacabsigiisa,xilkasnimadiisa,firinfircoonidiisa,deeqsinimadiisa.

Gunta iyo gabagabada maqaalkaygan waxaan ku soo gabagabaynayaa fariintan ku socota mudane Axmed.M.siiraanyo oo aan leeyahay waad heshay gacan yare daacad iyo hawlkarnimoba leh ee adiguna ogow wax tarkiisa annaguna haddii aanu nahay dadweynihii idin doortay aad iyo aad ayaan idiinka raali nahay sida fiican ee aad dalka iyo dadakaba aad u hogaaminaysaan iyo waxtarka badan ee xukuumadaadu ku talaabsatay, waxaanad ogaataa madaxweyne in doorka danbana aanu kuugu ridi doono adiga oo halkaa fadhiya haddii all idmo.

Ex.Mp Cabdi.D.Camuud
(Cabdi Dheere)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *