Hargeysa(ANN)Ciidanka amaanka ayaa xoriyadoodii usoo celiyay xalay Afar dhalinyaro ah oo ay cutubyo ka tirsan Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalanka argagaixisada oo loo yaqaan RRU iyo SPU-du ugu daateen habeen hore 9 Oct 2012 Guri ay fadhiyeen oo ku yaalay
Degmadda 26-ka Juun ee Magaaladda Hargeysa.
Afartaa dhalinayarada ah oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha wargeyska madaxa-banaan ee Saxafi oo ka soo baxa Hargeysa C/fataax Dheeg ayaa lasii daayay kadib markii su’aalo la weydiiyay, balse waxa ay Booliisku la hadheen Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) oo ka mid ahaa shanta dhalinyarada ah ee laga soo qabtay gurigaa, kaas oo aan illaa hada la garanayn sababta loola hadhay.
Ciidamadda qab qabtay kooxdan Dhalinyarada ah ayaa habeen hore argagax galiyay dadka Ku nool xaafadda dhalinyaradaa laga qabtay.
Booliisku ma sheegin sababta loola hadhay wiilkaa dhalinayarada ah oo ka mid ahaa kooxaha ciyaaraha kubada baaskitka ee Hargeysa.Hase yeeshee hawlgalkaa ayaa kusoo beegmay iyadoo ay ciidamada amaanku habeenadii u danbeeyay magaalada Hargeysa ka fuliyeen xaafado kala duwan dad loogu daatay guryohooda oo ay kadibna xabsiga dhigeen balse qaarkood la sii daayay markii la weydiiyay su’aalo. waxaana sidan oo kale hawlgal xili habeen ah laga fuliyay xaafadda New Hargeysa lagu qabtay sadex qof oo Macalimiin ahaa, kuwaas oo wax ka dhiga Dugsiyo magaaladda ah, balse markii danbe Xorriyadoodii loo soo celiyay
hawlgalada ciidanka amaanka ayaa u muuqda kuwo lagu beegsanayo Kooxda Al-shabaab oo laga qabsaday Gobolo ka mid ah Somaliya, isla markaana laga cabsi qabo inay Somaliland gabood ka soo dhigtaan sida ay sheegaan warbixinada iyo xoggaha warbaahinta reer galbeedka iyo hay’addaha la socda dhaqdhaqaaqa kooxdaa.