Hargeysa(ANN)Wasiirka Warfaafinta Abiib Nuur (Abiib Timacade) oo ah Gudoomiyaha Gudida Qaban qaabada Aaska Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo warbaahinta u waramayay maanta, ayaa shacabka Somaliland ku wargaliyay in Maydka

Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ilLaahay naxariistiisii Jano ha ugu deeqee laga soo dejin doono Madaarka Magaalada Berbera maalinta Isniinta ah ee taariikhduna tahay 08/10/2012,Saacadu markay tahay 6:30 Subaxnimo.

Wasiirka Warfaafinta ahna Gudoomiyaha Gudida Qaban Qaabada Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuunku waxa uu intaas ku daray in Magaalada Berbera laga soo gelbin doono Maydka Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye,  isla markaana lagu aasi doono Magaalada Hargaysa. wuxuuna  bulshada Somaliland u soo jeediyay inay Muujiyaan sidii loo weynayn lahaa aaska Marxuun Gaariye,oo door shariif ah ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalkani soo maray .
Illaahay naxariistiisa jano ha ugu deeqee,waxa uu Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye 1 Oct, 2012 ku geeriyooday Dalka Norway. kadib markii xaalad caafimaad loo geeyay halkaa sanadkii hore.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *