Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun laba sano ah ku riday Boqor Raabi Yuusuf Cabdullaahi markii siday sheegtay lagu helay inuu Muqdisho kaga qeyb galay
shirar ka dhan ah qaranimadda Somaliland.
Garsoore Cismaan Ibraahim Daahir oo ku dhawaaqay xukunka ay ku rideen Boqorka ayaa ka hadlay qodobada sharci ay u cuskadeen xukunkiisa waxaanu yidhi “Xukunkan waxaan u cuskannay qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud ee Somaliland, kadib markii boqorka ay ku caddaatay inuu ka qaybgalay shir looga soo horjeedo madaxbannaanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland, sidoo kalena uu ka mid ahaa xubnihii soo xulay baarlamaanka Somaaliya.” Ayuu yidhi Garsooraha ku dhawaaqay xukunka.
Boqor Raabi oo muddo 45 maalmood ah ku xidhnaa xabsiga Hargeysa ayaa dib loogu celiyay Xabsiga markii uu xukunku dhacay, iyadoo garyaqaanka u doodayay oo ahaa Maxamed Axmed Abokor, kaas oo sheegay in xukunkaasi yahay mid cadaalad darro ah oo ay racfaan ka qaadan doonaan.