-
Published On: Sat, Mar 23rd, 2013

Isgaadhsiiinta Communication, By Omar Sulaymaan

Smiley face
Share This
Tags

Qaybta cilmiga bulshada ka midka ah ee loo yaqaan isgaarsiinta ama communication waxaa daraasaad ka diyaariyey culumo gaalo ah iyaga oo aan waxba ka qaadan diinta Islaamka ama xog warranka kan aan laga xog ogoaalsanayn laga helay. Waxayna

 

gaar ahaan ku saabsan tahay hadalka uu dadku hadal isku gaarsiiyo wixii uu doonayo.

Sida aan qaybihihii hore idiinku soo gudbiyey gaaladu waxay culuunta bulshada ama Social Scienceka oo dhan saldhig uga dhigeen aragtidii qaldaynayd ee Darwin. Taas oo u xuslinaysa in ay Alle meesha ka saaraan oo dhahaan Alle wax abuuray ma jiro ee wax waliba sid dabiici ah ayay u samaysmeen.

In kasta oo markii aad kala hadasho saynisyahannada ay odhanayaan waxba kama jiraan haddana waxaa ku dheggan oo ka hadhi la’ culumada cilmiga bulshada ku takhasusay. Haddii aad hoos ugu degatana iyaga laftoodu way og yihiin in aanay waxba ka jirin laakiin waxaa arrinkaas dabada ka riixayo oo doonaya in uu ku baadiyeeyo dadka intiisa badan ragga iyo haweenka dhaqanka xun leh. Kuwaas oo doonaya in dadku la wada xumaado, haddii ay dhacdana uu qiyaamuhu dhacayo.

Haddaba maxay culumada gaaladu ka sheegeen arrinkan isgaarsiinta oo ka bilawda hadalka muxuuse Alle ka sheegay?

Sida aan kor ku soo sheegay gaaladu waxay taagan yihiin hadalku wuxuu ku samaysmay marxaladu kala duwan oo uu dadku soo maray in ay ku wada hadlaan. Waxay adduunka ka dhaadhicyeen in uusan dadku hadal la garanayo ku hadli jirin laakiin ay cod iyo faro ka hadal ay markii hore ku wada hadli jireen. Ka dibna codkii ayaa macneyaal kala duwan loo sameeyey sidaas ayuu hadalku maalinba meel u soo maray.

Waxay ka dhigayaan in uu Alle jirin sidaas darteedna sida ay dadka iyo adduunka oo dhammi isaga jirsaday uu hadalkuna u jirsaday oo soo maray marxalado kala duwan. Waxay ka dhigayaan in sida ay xooluhu isugu gartaan codka iyo urta uu dadkuna sidaas oo kale markii hore isugu af garan jiray codka iyo urta.

Runtii waxay falaasafada gaalada lumiyey oo marin habaabiyey Darwin noocyada kala duwan ee cilmiga bulshadana aragtidiisa ayay ku dhiseen. Aragtidiisuna waxay si cad u dafiraysaa Allaha Raxmaanka ah jiritaankiisa.

Haddaba muxuu Alle noogu soo tebiyey Quraanka Kariimka ah? Waxaynu ugu horrayn ku aragnaa in uu Aadam oo ahaa ruuxii ugu horreeyey ee Alle abuuray uu hadlayey ee uusan ciyeyn sida bahalaha oo kale. Ilaah ayaa Aadam la hadlay isaguna wuu la hadlay oo toobad ayuu weydiistay.

Wuxuu kale oo Alle cj noo sheegay in ay mucjisooyinkiisa ay ka mid tahay sida uu noo kala hadal iyo midab duway, sidaasina waxay ku cad dahay aayaddan hoos ku qoran وَمِنْ ءَايَاتِهِ خَلْقُ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِلْعَالِمِينَ(الروم 22). . oo uu macnaheedu yahay:

Waxaa aayaadkiisa ama mucjisooyinkiisa ama astaamihiisa gaar ahaaneed ka mid ah abuurka cirarka iyo dhulka iyo kala hadal iyo midab duwanaantiinna waxaa sida runta ah uumanka ugu sugan darsi lagu cibro qaato arrinkaas.

Midda kale wuxuu Alle abuur ahaan ugu talo galay dadku in uu wada hadlo, cilmi barto wax qoro.

Marka walaalayaal sow ma cadda in gaaladu ay si cad uga beensheegaan cilmiga bulshada. Mase ruux Allihii abuuray garan kari waayey ayaad ka sugaysaan in uu caqli iyo cilmi idinku soo kordhiyo.

Sow tii uu Alle Quraankiisa noogu xog warramay markii sida ku cad labadan aayadood ee soo socda.

وَلَقَدْ ذَرَأْنَا لِجَهَنَّمَ كَثِيرًا مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنْسِ لَهُمْ قُلُوبٌ لَا يَفْقَهُونَ بِهَا وَلَهُمْ أَعْيُنٌ لَا يُبْصِرُونَ بِهَا وَلَهُمْ ءَاذَانٌ لَا يَسْمَعُونَ بِهَا أُولَئِكَ كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ أُولَئِكَ هُمُ الْغَافِلُونَ(الأعراف 179). أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ إِنْ هُمْ إِلَّا كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا(الفرقان 44).

Haddii aan sheego macnaha labadan aayadood oo kooban waa sidatan:

Waxaanu runtii in badan oo diiday in ay xaqa gartaan ama arkaan ama maqlaan oo ka mid ah jirnka iyo dadka aannu ka buuxinay Jahannamo, kuwaasi waa bahaayinka oo kale amase wayba ka sii lunsan yihiin [Al-Acraaf 179]. Mase waxaad ka sugayasaa in badankoodu maqlaan ama gartaan xaqa, runtii xoolo oo kale mooyee wax kale ma aha, waabase ka sii lunsan yihiin [Al-Furqaan 44].

Sida runta ah labadan aayadood iyo kuwo kale oo fara badan ayuu Alle noogu caddeeyey in ay gaaladu ka duwanayn bahaayinka, sidaas darteed in wax laga dhegaystaba ma aha.

Marka dadka Islaamka ah gaar ahaanna Soomaalida ah ee jaamacadaha gaalada uga soo  baxay cilmi ka mid ah culuunta bulshada in loo aqoonsado aqoon yahay waa arrin xaaraan ah waayo waxay soo barteen sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in uusan Ilaah jirin, wax walbana ay dabeecaddu keentay sidii uu sheegay Darwin.

Horay waxaan uga soo hadlay Anthropology haddana waxaan hadlayaa waa hadalka dadka ay wada hadlaan sida uu ku yimid.

Marka gaaladu iyaga oo wax kasta ku dhisaya aragtida Darwin ayay dheheen hadalku wuxuu ku bilawday faro ka hadal iyo cod aan macno samaynayn. Ka dib muddo dheer ayay codkii u sameeyeen macne. Sidaas ayay luqadaha ku samaysmeen ayay naga dhaadhacsiinayaan, hase yeeshee shaki kuma jiro in Alle dadka ugu talo galay in ay hadli karaan waxna qori karaan. Alle laftiisa ayaa dadka baray qoraalka markii uu lahaa. الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ(العلق 4) oo macnaheedu yahay  kaas oo dadka qoraalka baray.

Marka fikradaha Darwin ee Alle diidka ah ayaan cilmi nalooga dhigin.

Haddii la rumeeyo waxa uu qoray Darwin waa qof rumeeyey in Darwin u yahay Ilaaha uu xaqa ka qaato.

يُؤْتِي الْحِكْمَةَ مَنْ يَشَاءُ وَمَنْ يُؤْتَ الْحِكْمَةَ فَقَدْ أُوتِيَ خَيْرًا كَثِيرًا وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ(البقرة 269).

Dadka caqliga iyo garashada lihi waa kuwa ku tilmaaman aayaddan kor ku xusan.

Macnaha aayadda:

Wuxuu cilmi iyo caqliyad toosan siiyaa ciddii uu isagu doono, ciddii uu siiyaana waa cid uu siiyey khayr aad u ballaadhan, inta wax garadka ah mooyee cid kalena kuwa waansanto.

Sidaas ayaa inta wax garadka ahi ay u yihiin kuwa diinta Alle bartay kuna dhaqma wanaagana sameeya ee xaqa iyo baadilku u kala soocan yahay. Igala soo xiriira omersul04@gmail.com

GUNAANAD

Cilmiga bulshada ama waxa loo yaqaan Social Science aan laga qaadan kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulku waa been iyo baadil ee waqti ha isaga luminina. Qofka wax garadka ah ama caqliga leh ee Quraanka meelaha badan lagu sheegayaa waa ruuxa xaqa rumaysan kuna dhaqma wanaagana sameeyo oo keliya.

Darsigayga kan ku xigaa wuxuu noqon doonaa Cultural Studies oo afka Soomaaliga ku ah hab dhaqanka ummadi lee dahay. Sharciyada isna waa qayb gaar aan uga hadli doono insha Allaah.

OMER SULEIMAN ALI     22/03/13

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>