http://www.somaliland.org/images/b/2013/03/Maxkamadda-gobolka-hargeysa1.jpg

Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun laba sano ah ku riday Boqor Raabi Yuusuf Cabdullaahi markii siday sheegtay lagu helay inuu Muqdisho kaga qeyb galay

 

shirar ka dhan ah qaranimadda Somaliland.

Garsoore Cismaan Ibraahim Daahir oo ku dhawaaqay xukunka ay ku rideen Boqorka ayaa ka hadlay qodobada sharci ay u cuskadeen xukunkiisa waxaanu yidhi “Xukunkan waxaan u cuskannay qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud ee Somaliland, kadib markii boqorka ay ku caddaatay inuu ka qaybgalay shir looga soo horjeedo madaxbannaanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland, sidoo kalena uu ka mid ahaa xubnihii soo xulay baarlamaanka Somaaliya.” Ayuu yidhi Garsooraha ku dhawaaqay xukunka.

Boqor Raabi oo muddo 45 maalmood ah ku xidhnaa xabsiga Hargeysa ayaa dib loogu celiyay Xabsiga markii uu xukunku dhacay, iyadoo garyaqaanka u doodayay oo ahaa Maxamed Axmed Abokor, kaas  oo sheegay in xukunkaasi  yahay mid cadaalad darro ah oo ay racfaan ka qaadan doonaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *