26kii June 2010 waa maalin taariikh gaara ugu fadhida shacabka Somaliland oo codkooda ku muujiyay isbedelkii ay mudada dheer u oomanaayeen, taasoo boqolkiiba konton (50%) u codeeyeen Madaxweynaha haatan talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo

 

Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo u tartamayay xisbiga KULMIYE ee guushu raacday.

Doorashadaasi waxay noqotay mid xor iyo xallaal ah oo ay ka markhaati kaceen goobjoogayaashii caalamka kala yimi, waxaanna guusha taariikhiga ah qurux iyo farshaxan u yeelay oo guusha qayb ka ahaa xisbiga UDUB oo isna ku tallabsaday xil wareejin masuuliyadi ku dheehantay oo aan hore loogu arag Afika iyo caalamka kale ee la aqoonsanyahay.

Arrintaasi waxay sababtay in indhaha caalamku marqudha ku soo keestay Somaliland oo falanqaynteeda iyo ka-hadalkeedu meel kasta gaadhay Waxaana  si id-daba jooga ugu soo qulqulay wufuud  faro badan  oo adduunyada ka socota.

In kasta oo axsaabta labada xisbi ay si wanaagsan u hamblyeyeen, haseyeeshee waxaa markiiba soo baxay shakhsiyaad ku abtirsada xisbiyaddda mucaaridka ah oo dhalliilo iyo dacaayado been abuur ah kula kacay xukuumaddii ugu horraysay ee uu xisbiga KULMIYE soo dhisay, waxaanay shakhsiyaadkaasi la soo baxeen weedho ay xajiimaynayaan golihii wasiiradda ee cusbaa oo  ay qaarkood ku tilmaameen kuwo xidhiidh la leh argagixisada iyo Al-shabaab.

Arrintu intaa kuma joogsan ee markii eeda hore ka dhicisowdey waxay hadana la soo baxeen inay suuqa iyo warbaahinta la dhex rooraan in nabadgelyadii xummaatay oo faraha ka baxday oo ka mid noqotay dacaayadaha beenta ah ee ay xukuumadda cusub kala hor yimaadeen.

Shakshsiyaadka noocaasi Waxay ka leexdeen hab dhaqankii xisbi siyaasadeed, iyagoo u  xuub siibtay faafinta  dacaayado ka dhan xukuumadda, waxad mooda dad taagan ‘Hyde park’, goob ku taalla  dalka UK, gaar ahaanLondon oo qofku wuxuu doono ku hadlo.

Xukumadu waxay dhisnayd toddoba bilood muddadaan wax wanaaga mooyaane wax dadka u muuqda oo laga sasaa aanu jirin, Xaalku ma cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey baa? Waxa durba muuqda horumar lballaadhan oo xukuumaddu ku tallaabsatay  mudadaas yar ee ay jirtay.

Waxa la yaab noqotay in sawaxan iyo qaylo mucaaridku ka wadheen  shir uu ka qayb galay wasiirka arrimaha debedda Somaliland.
In badan ayey qadiyada Somaliland ku xidhnayd qol madow oo aan la ogolayn in golayaash caalamka  lagu dhex arko, Somaliland siyaasadda ay ku tallaabsatay waa mid midho dhal ah oo la taallaabsanaysa qarniga 21aad ee dib uga jooga, khalkhalna ha gelina.

Waxaa looga baahan yahay axsaabta in ay is habeeyaan oo u diyaar garoobaan tartanada soo socda, ee aanay caado ka dhigan in ay culays saraan horumarka iyo qorsheyaasha xukuumadda cusubi damacsantahay inay dalka iyo dadkaba horumar ku gaadhsiiso.

Laga soo bilaabo doorashadii ugu horraysay ee Somaliland ka dhacda sannadkii 200  waxa la qabtay doorshada Golaha Deegaanka mar keli ah, doorshada Madaxtooyada laba jeer, doorshada Wakiilada mar qudha, magacaabida guurtida mar keli ah. Muddadii lagu qaban lahaa doorshada madaxtooyadu waxay dhawr jeer ku yimi dib u dhac,  waynu wada ogeyn wixii dhibaato ka dhacday waayo saddexda xisbiba dan bay ka lahayeen.
Xisbiga kursiga ku fadhiya oo jeclaa in uu ku sii fadhiyo iyo labada xisbi mucaardka ah oo aan u ogolayn, waynu wada ogeyn wixii buuq iyo khalkhal Somaliland ku sigatay burbur ku yimaada.

Bal hadda eeg farsama xumada axsaabta waxay abburtay. U fiirso isleegtan (equations):
1.    Golaha Wakiilada
Mar i dooro = xildhibaan weligay ah
2.     Golaha Deegaanka
Mar i dooro = xildhibaan weligay ah
3.    Golaha Guurtida
Mar i magacow= xildhibaan ila iyo intaan dhimanaayo, marka aan dhintona
Waxa i dhaxlaaya inankayga amma xubin qoyskayga ka mid ah.

Sida ka muuqata isleegta (equations) kor ku xusan, axsaabtu dan kama leh waqtiga golayaasha iyo in ay fasax ka haystaan dadweynaha iyo in kale.
Waxaan ugu danbeyn ku talin lahaa, ha la daayo xukumadda kalsoonida ka haysata dadweynaha oo si qurux badan howsheeda u wadda, ha laga hadlo halka qabyadu taal oo ah sidii loo sharciyeen lahaa golayaasha kor ku xusan.

Cabdi Xuseen Maraykan (Cabdi Foloosi)

London

Email, abdi.yusuf@hotmail.co.uk

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *